Kooxda Inter Oo Hogaanka U Qabatay Horyaalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Inter Oo Hogaanka U Qabatay Horyaalka.
October 25, 2017 - Written by Wariye:

31B1305A-99C1-43E7-99BC-7B091C3B21D7_w1023_r1_sHargeisa(wjn):-Kooxda Inter Milan ayaa si kumeel gaar ah u qabatay hogaanka horyaalka Talyaaniga kadib marki ay xalay 3-2 ku garaacday Sampdoria.

Waxay aheyd ciyaar ay si xaragaleh Inter ugu daadaheynaysay 3-0 ilaa daqiiqadii 54-aad, balse Sampdoria ayaa laba gool isku daba-xejisay kadib marki ay soo bandhigtay ciyaar weerar ku dhisneyd.

Inter waxaa sadexda gool laba ka mid ah dhaliyay xidigooda Mauro Icardi, halka goolka kale uu dhaliyay Milan u kala dhaliyay Milan Skriniar oo difaaca ka dheela.

Sampodria waxaa goolasha u saxiixay Dawid Kownacki iyo Fabio Quagliarella.

Waa kulanki sadaalaad oo ay Inter badineyso 10-ki kulan ee ugu danbeeyay ee ay ciyaartay horyaalka Seria-da Talyaaniga ee xilli ciyaareedkaan.

Kooxda Napoli ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabato hogaanka, haddii ay galabta ka badiso Genoa.

Ciyaaraha kale ee horyaalka Talyaaniga galabta iyo caawa ayay dhacayaan waxayna kooxuhu isu arkayaan sidan:

Atalanta ? – ? Hellas Verona

Bologna ? – ? Lazio
Cagliari ? – ? Benevento
ChievoVerona ? – ? AC Milan
Fiorentina ? – ? Torino
Genoa ? – ? SSC Napoli
Juventus ? – ? SPAL 2013
Roma ? – ? Crotone
Sassuolo ? – ? Udinese

 

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye Abdulkadir Habane

COMMENTS
LINKS