Ma Taqaan Siyaasiyiinta Loo Yaqaan Kulmiyaha Niqaaman Iyo Xillalka Ay Ka Hayaan Xisbiga Wadani ? Ma Jiraanse Calaamado Lagu Gartaa ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Taqaan Siyaasiyiinta Loo Yaqaan Kulmiyaha Niqaaman Iyo Xillalka Ay Ka Hayaan Xisbiga Wadani ? Ma Jiraanse Calaamado Lagu Gartaa ?
November 1, 2017 - Written by Editor:

Baadida Ninbaa kula daydayi daalna kaa badine

Oo doonayn in aad heshana daa”im abidkaaye   

HARGAYSA(W,N) Ma Og Tahay Caqabada Ay Ku Yihiin Guul Uu Gaadho Doorashada Madaxwaynaha Xisbiga Wadani ? Ma Ogtahayse Xidhiidhka Ka Dhexeeya Iyo Shaqooyinka Ay U Qabtaan Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ? Xisbiga Wadani Ka Hor Xisbigay Ka Tirsanaayeen Labada Siyaasi Ee Dhagxumada Siyaasadeed Iyo Naanaysta Qaaday ? Muddo Intee Leeg Ayay Ka Tirsanaayeen Xisbiga Wadani ? Marka Ay Ka Mid Yihiin Aasaasayaasha Xisbiga Wadani Xillal Ugu Sareeya Oo Magac Iyo Maamuuslehna Ay Ka Hayaan Xisbiga Wadani Ma Jirtaa Meel Kale Uu Ku Doorsadaa ?

Halka Hoose Ka Akhri Sideed Calaamadood Oo Lagu Garto Labada Siyaasi Ee Loo Yaqaan Kulmiyaha Niqaaman.

Waa xulasho iyo xog ururin ka turjumaysa xaalada dhabta ah ee uu ku sugan yahay Xisbiga Wadani oo Ololihiisa Doorashada Madaxtooyadu galay Maalintiisii Afraad,waa qalin aan xakamaha goosan oo aan xalaalaysan xajiimaynta iyo xaqiraada mid ka mida Siyaasiyiinta Xisbiga Wadani,waa xarfo Bulshada S/land ugu Iftiiminayo xaalada dhabta ah iyo xeeladaha ku lamaan habka iyo hanaanka ay ku shaqeeyaan Siyaasiyiinta loo yaqaano Kulmiyaha Niqaaman ee Madaxda ka ah Xisbiga Wadani,waa qormo xambaarsan xogo qarsoon iyo xeeladaha Xiqdiga iyo Xasadku ka muuqdo ee Siyaasiyiintani ku Xagal daacinayaan Guul uu gaadho Xisbiga Wadani Doorashada Madaxwaynaha ee maalmaha koobani ka hadheen, waa qormo aan ku lafo guray Siyaasiyiin u xuub siibtay dhaqano aanay Bulshada S/land Xeer u lahaan jirin oo Saaxada Siyaasada ku cusub kuna mutaystay in loogu yeedho Naanaysta ah (Kulmiyaha Niqaaman).

siyaasiyiin 2

Ugu horaynse waxaa iswaydiin mudan Ma Taqaan Hogaamiyaha Siyaasiyiinta Loo Yaqaan Kulmiyaha Niqaaman Iyo Xillalka Ay Ka Hayaan Xisbiga Wadani ? Ma Jiraan Calaamado Lagu Garto Siyaasiyiinta Loo Yaqaan Kulmiyaha Niqaaman ee Xisbiga Wadani Madaxda ka ah ? Hadiise aan isdul taago Jawaabta Su”aasha Koowaad waa  ( Haa ),mar labaad hadii aan isdull taago Jawaabta Su”aasha Labaad,waxaana hubaala in ay jiraan Calaamado lagu garto oo lagu cadayn karo dhaqanada foosha xun ee Xasadka iyo Xiqdigu ka muuqdo ee ay la dhex joogaan Xisbiga Rajada ee Wadani .

1: Siyaasiyiinta loo yaqaan Kulmiyaha Niqaaman ee hadana Madaxda ka ah Xisbiga Wadani, waa Siyaasiyiin Aqoon badan u lahayn Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,waa Siyaasiyiin aan waligood ka mid noqon Xisbiga Kulmiye, soona wada shaqaynin ilaa Waqtigii halganka dib u xoraynta Qaran lagu jiray isla-markaana ka shaqayn jiray Dalka Sucuudiga,waa Siyaasiyiin hadimooyin ka soo gaadhin Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye,waa Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Abtirsiintana ay Wadaagaan,waa Siyaasiyiin aan waligood ka badheedhin in ay Bulshada S/land u iftiimiyaan Dhaliilaha Muga leh ee dull hoganaya Hogaaminta Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi .

2: Siyaasiyiinta loo yaqaan Kulmiyaha Niqaaman ee hadana Madaxda ka ah Xisbiga Wadani,waa Laba Siyaasi oo Xidhiidh dhaw la leeyihiin Maayarka Caasimada Hargaysa iyo Maayarka Gabiley oo Dagaal Qaawan kula jira Xisbiga Wadani iyo  Wasiirada ugu Awooda badan Xukuumada Siiraanyo iyagoo Fagaarayaasha ka Amaana .

3: Waa Laba Siyaasi oo Madaxda ka ah Xisbiga Wadani,waxay Caan ku yihiin in aanay farxad galin soona dhawaynin in uu Xisbiga Wadani ku soo biiro Shaqsi kasta oo guul u soo hoyn kara Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani iyo Murashaxa Madaxwaynaha Dr C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro.

4: Waa Laba Siyaasi oo Madaxda ka ah Xisbiga Wadani,waxay Caan ku yihiin in ay Dagaal hor leh ku qaadaan oo Xeelad iyo Xoolaba u isticmaalaan sidii aanu ugu biirayn Xisbiga Wadani Siyaasiga,Xilldhibaanada Golayaasha Qaranka, Shaqsi u Daacada Guusha Xisbiga Wadani,karti leh oo cod kara iyo Masuul kasta oo guul u soo hoyn kara Doorashada Madaxwaynaha iyagoo ka ilaalinaya in Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani arkaan.

5: Siyaasiyiinta loo yaqaan Kulmiyaha Niqaaman ee hadana Madaxda ka ah Xisbiga Wadani,waxay Caan ku yihiin in ay Mashquuliyaan Murashaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Wadani iyagoo Abuuraya Arimo uu ku mashquuliyaan si ay Waqtiga uga lumiyaan .

6: Siyaasiyiinta loo yaqaan Kulmiyaha Niqaaman ee hadana Madaxda ka ah Xisbiga Wadani,waxaa lagu gartaa in ay Weedho Cadho galiya ugu Jawaabaan Siyaasiga,Xilldhibaanada Golayaasha Qaranka,Shaqsiga  Kartida leh iyo Masuul kasta ee waydiiya Shaqooyinka ay Masuulka uga yihiin Xisbiga Wadani si uu ugu noqdo Xisbigii Kulmiye ee Bulshada S/land hore ugu hungawday .

7: Siyaasiyiinta loo yaqaan Kulmiyaha Niqaaman ee hadana Madaxda ka ah Xisbiga Wadani, waxaa lagu gartaa in ay warar Been Abuura u sheegaan Siyaasiga,Xilldhibaanada Golayaasha Qaranka,Shaqsiga Daacada ah, Kartida leh, iyo Masuul kasta oo guul u soo hoyn kara Doorashada Madaxwaynaha si ay u kala fogeeyaan Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani Dr C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro .

8:  Waa Laba Siyaasi oo Madaxda ka ah Xisbiga Wadani,oo lagu gartaa waxaa Deegaanada Xisbiga Wadani u matalayaan ka jira Khilaaf joogto ah,Muran iyo Masuuliyiin is casila oo hadana kuwo kale isla Siyaasiyiinta loo yaqaan Kulmiyaha Niqaaman ee hadana Madaxda ka ah Xisbiga Wadani u soo Magacaabaan .

Ugu dambayn waxay Taageerayaasha Daacada u ah Guul uu ka soo hooyo Xisbiga Wadani Doorashada Madaxwaynaha ee Maalmaha koobani ka hadhsan yihiin,miyaan la gaadhin Waqtigii Murashaxa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Wadani Talaabo ka qaadi lahaayeen Labada Masuul ee Caqabada ku noqday Guul uu gaadho Doorashada Madaxwaynaha Xisbiga Wadani ? Mise waxay ku baraarugi doonaan Labada Masuul ee loo yaqaan Siyaasiyiinta Kulmiyaha Niqaaman ee hadana Madaxda ka ah Xisbiga Wadani,Maalinta Natiijada Doorashada lagu dhawaaqo ? Waa Barri Iyo Bill Dambe.

 

WAJAALENEWS DESK

HRAGEISA OFFICE

WRITEN WAJAALE STAFF

COMMENTS
LINKS