Orodyahan Maxmed Farax Iyo Tababarihiisa Oo Is Macsalaameeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Orodyahan Maxmed Farax Iyo Tababarihiisa Oo Is Macsalaameeyay
November 2, 2017 - Written by Reporter:

Mo Farah oo afar jeer oo hore ku guulaystay Oradka Olambikada ayay is macsalaameeyeen tababarihiisii Alberto Salazar.

 

_98552411_81f84746-b84d-41f5-9edd-d5c0f40fde0d

Faarax oo ku guulaystay biladda dahabka ah ee 5,000 ee mitir iyo 10,000 ee mitir, tartankii Olambikada ee lagu qabtay London iyo kii kale ee lagu qabtay magaalada Rio ee dalka Brazil sannadkii 2016kii, ayaa sheegay in go’aankiisu uu salka ku hayo in uu rabo in uu London ku laabto.

Tababare Salazar waxaa baadhitaan ku haya hay’adda la dagaalanta dawooyinka jidhka xoojiya ee mamnuuca ah ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo (Usada) ka dib markii barnaamijka BBC-da ee Panorama uu soo jeediyay eedaymo isticmaal daroogo oo ka dhacay xarun tababar oo Maraykanka ku taalla.

Mo Farax oo 34 jir ah ayaa yidhi “London ayaan dib ugu laabanayaa. Xaqiiqadiina aad ayaan ugu xiisay”.

Hadda waxaa tababari doona Gary Lough, oo hore u soo tababaray Mo, xaaskiisuna ay tahay Paula Radcliffe oo haysata rikoodhka oradka maradonka dumarka.

Salazar ayaa la sheegay in loo soo bandhigay in uu lataliye u sii ahaado Maxamed Faarax.

“Baadhitaannada dawooyinka jidhka xoojiya ee mamnuuca ah kama tagayo” haddaba Maxamed Muxuu u laabanayaa?

Maxamed waxaa tan iyo 2011kii tababarayay Salazar oo reer Cuba ah laakiin dhalashada Maraykanka haysta.

Salazar iyo Maxamed-ba way diideen in ay marnaba jabiyeen shuruucda ka taalla adeegsiga dawooyinka awooda jidhka kordhiya ee la mamnuucay.

“Waxaan rumaysanahay tartan nadiif ah, waxaana aad u aaminsanahay in la ciqaabo qof kaste oo jabiya shuruucda” ayuu Maxamed ku yidhi wargeyska Sun.

Tababarahayga iyo goobtii aan ku tababaran jiray ee Nike Oregon Project ogama tagayo, baadhitaannada la wado.

“Baadhitaankan labo sano ayuu socday, haddii aan isaga ka tagayana mar hore ayaan ka tagi lahaa.

“Wuxuu intaas ku daray sababta aan u tagayo waxay tahay aniga iyo qoyskayga London ayaan dib ugu laabanaynaa, xagaaga in aan halkan ku qaadano ayaan jecelnahay, aniga iyo xaaskayga Tania waxaan garwaaqsanay sida aan ugu xiisnay in aan wakhti la qaadano asxaabta iyo qaraabada, carruurtuna halkan aad bay ugu faraxsan yihiin.

Waxaan doonaynaa in carruurtanadu ay ku korto UK, waana sida saxda ah ee ay tahay in aan qoyskayga u sameeyo.

 

COMMENTS
LINKS