WAXKA BARO; Afarta Kooxood Ee Gabiley Isku Bahaystay In Ay Olole Qabyaaladeed Ku Muquuniyaan Cududa Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xogaha Ku Duugan!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAXKA BARO; Afarta Kooxood Ee Gabiley Isku Bahaystay In Ay Olole Qabyaaladeed Ku Muquuniyaan Cududa Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xogaha Ku Duugan!!.
November 3, 2017 - Written by Editor:

Mooganaanta Cawaaqib Xumada Ay Ku Reebayso Mustaqbalkooda Siyaasadeed Iyo Shirkadahooda Ganacsi, Masuuliyiinta, Ganacsatada,Siyaasiyiinta,Iyo Qurba-jooga Awoodoodii  Iskugu Geeyay In Ay Qabyaalad Ku Muquuniyaan Maamulka Iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani U Jooga Gobolka Gabiley ?

HARGAYSA(W,N) Waxaa la gaadhay waqtigii Bulshada S/land loo soo bandhigi lahaa Magacyada iyo Muuqaalada  Afarta Kooxood ee Gabiley isku bahaystay in ay Olole Qabyaaladeed ku muquuniyaan cududa Maamulka Iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani u jooga Gobolka Gabiley,waxaa la gaadhay waqtigii loo sheegi lahaa Bulshada S/land Gudo iyo Dibadba in talaabooyinka Dimuquraadiyada baal-marsan ee Afarta Kooxood ku muquuniyaan Maamulka iyo taageerayaasha Xisbiga Wadani u jooga Gobolka Gabiley iyo  mooganaanta cawaaqib xumada riiqda ay ku reebayso mustaqbalkooda Siyaasadeed Iyo Shirkadahooda Ganacsi,waxaa la gaadhay waqtigii Warbaahinta loo soo bandhigi lahaa habka iyo hanaanka Qabyaaladaysan ay uga wadaan G/Gabiley Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo Astaan u ah Jidka qalooca ee ay cagta saartay Dimuquraadiyada S/land.

qabyaalad

Waana wax laga xumaado ah in Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land oo Qaan-gaadhay ama Shan iyo Toban jirsaday, in Tartanka Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga Kulmiye ka wado G/Gabiley noqdo mid salka ku haya Qabyaalad Qaawan oo lagu Muquuninayo Cududa Maamulka iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani u jooga Gobolka Gabiley,iyadoo Sadexdii Bilood ee u dambeeyay Olole Qabyaaladeed ka wadaan Afarta Kooxood oo Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye kollba mid dhabarka soo taabtay.

Afarta Kooxood oo Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi kollba mid dhabarka soo taabtay Ayaa waxay Awoodoodii isugu geeyeen in ay ku bar-tillmaameed sadaan Maamulka iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani u jooga Gobolka Gabiley,iyadoo Qormadan maanta ku falanqayn doono Afarta Kooxood ee ka badheedhay in ku Ololeeyaan Cunfi Qabyaaladeed oo ka baxsan Milgaha Dimuquraadiyada oo ka duwan Jidkii Dunida horomartay ee Reer Yurub iyo Maraykan ku soo badhaadheen,waxaanay Afarta Kooxood kala yihiin.

1: Kooxda Koowaad waxaa  horjooge u ah mid ka mida Maal-qabeenada waawayn ee ka Ganacsada  Dallalka Jabuuti iyo S/land,waxaana gacan yare u sii ah Gudoomiye ku xigeenka Gudidii Horomarinta Beesha Sacad Muuse ee loogu soo cumaamaday Shirkii Hoodaale kana soo jeeda Deegaanka G/ Gabiley, iyo xubna haween ah

xubnaha kale waa Koox Ganacsato ah oo ka Ganacsada Dalka S/land Darif ilaa Darif balse Ganacsigoodii iyo Sumcadii ay ku lahaayeen Bulshada S/land ka doorbiday in ay Olole Qabyaaladeed ugu Ololeeyaan Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi,Kooxdan lama garanayo ujeedooyinka ku kalifay in ay Talaabada ku dhaqaaqaan,mana garanayaan Cawaaqib xumada ay dhaxalsiin doonto Shirkadahooda Ganacsi.

2: Kooxda Labaad waxaa  horjooge u ah Maayarka Gabiley waa koox Xillal kala duwan ka haya Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Dawladaha hoose ee Dagmooyinka G/Gabiley hoos yimaada,kooxdani waxay Shaqooyinkii ay qaranka u hayeen ka door bideen in ay Olole Qabyaaladaysan ku Muquuniyaan Maamulka iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani u jooga Gobolka Gabiley, iyagoo fulinaya sida xogahani tibaaxeen fariin uu usoo iliqimay murashaxa muuse biixi taasi oo ah in lagu dadaalo sidii bulshada reer gabiley looga dhigi lahaa mid aanay aaminin xisbiyada mucaaridk iyadoo marka ka xilloo soo magacaabo ay kooxdan ula tagaan woxogaa dhaqaale ah,

maayar amiin

Inkasta oo Masuuliyiintan Xillalka haya ay S/land Darif ilaa Darif uu Xill ka saran yahay ay tagaana, basle ay xiligan ka doorbidaan kala burburinta hanaanka dimuqradiyada, waxay Su”aali ka taagan tahay sida uu noqon doono Mustaqbalkooda Siyaasadeed.

3:  Kooxda Sadexaad waa koox Siyaasiyiina oo Xillal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadii Madaxwayne Rayaale iyo Madaxwayne Cigaal, waxaana horjooge u ah Wasiiradii hore ee Wasaaradaha Duulista Hawada waxayna dhamaantood Xubnahani ka rajaynayaan Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi in uu guulaysto kadibna uu Xil u magacaabo,hadii la doorto, balse Siyaasiyiintani waxay moogan yihiin iiqda ay ku reebayso Mustaqbalkooda Siyaasadeed .

4: Kooxda Afraad waa koox Qurba-jooga oo maanta laga filayay in ay Bulshada S/land baraan Casharada Ilbaxnimada iyo Xadaaradu hagayso ee ay ka soo barteen Bulshooyinka Qabyaalada ka koray ee ay la nool yihiin,ee Dawladaha Reer yurub iyo Maraykan ee horumarka iyo Badhaadhaha u horseeday,balse taasi may dhicin waxayna Xambaarsan yihiin Xumaan,Xiqdi,Xasad iyo Qabyaalad ka badan ta Siyaasiyiinta u dhaqmaan, iyagoo dhamaantood Qurbaha uga yimid in ay Bulshada S/land ku sadheeyaan Qabyaalad Qaawan iyo Xaabada iyo Xansaska oo ay ku sii shidaan,Bulshada S/land ee Nolosha Cidhiidhiga ah,Sarif,bararka,Maamul Xumada iyo Abaaruhu daashadeen ku sadheeyaan Qabyaalad sabob u noqon kara Nabadgalyo darro iyo Colaado Nabada Dhaawacaya .

Ugu dambayn waxaa hubaala in Taariikhdu isqorayso Maalmaha soo socdana Taariikhda lagu xusi doono Xubnaha Qurba-jooga ee Bulshada G/Gabiley Qabyaalada Qaawan ku sadheeyay.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS