Chelsea Oo Stamford Bridge Guul Kaga Gaadhay Man Uited | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Chelsea Oo Stamford Bridge Guul Kaga Gaadhay Man Uited
November 5, 2017 - Written by Reporter:

Kooxda Chelse ayaa Stamfrod Bridge guul kaga gaadhay kooxda uu macalinkoodii hore ee Jose Mourinho hogaaminayay ee Manchester United iyada oo Alvaro Morata oo uu gool cajiib ah oo madax ahaa uu kulankan muhiimka ah uu ku go’aamiyay. Iyo Mourinho oo markale guuldaro kala laabtay Stamford Bridge.

 

an134401947london-england-

 

Romelu Lukalu ayaa isna markale si buuxda ugu fashilmay in markii ay kooxdiisu inta ugu badan u baahnayd uu caawin kari waayay halka Alvaro Morata oo ay si toos ah u tartamayeen uu noqday xidiga sameeyay farqiga labada kooxood u dhexeeyay. Chelsea ayaa niyadeeda sare ugu so qaatay guushan halka Man United ay 8 dhibcood hoos uga dhacday hogaana Premier leaque.

 

DAQIIQADII 7 AAD Chelsea ayaa u muuqatay in ay heshay gool deg deg ah kadib markii uu  Phil Jones si qalad ah shabaqa kooxdiisa kubbad ugu leexiyay laakiin garsooraha ayaa tilmaamay in aanu ahayn gool sharci ah maadaama oo uu sheegay in Alvaro Morata oo galay qalad goolkan meesha looga saaray laakiin  Phil Jones iyo Man United ayaa xaqiiqdii nasiib ku lahaa arintan iyada oo Morata uu taabashada ugu yar la gaadhay Jones kadib markii uu cadaadiska ku saarayay kubbad uu Marcos Alonso soo karoosay.

 

DN44VIlXcAAr-fg

 

Antonio Conte, ciyaartoyda iyo jamaahiirta Chelsea ayaan go’aankan jeclaysan halka Manchester United ay neef wayni ka soo baxday markii uu garsooruhu tilmaamay in aanu gool ahayn, waxayna Red Devils ka badbaaday gool dhibaato wayn xili hore ku noqon lahaa.

DAQIIQADII 11 AAD Chelsea ayaa heshay fursad aad u fiican oo gool lagu dhalin karayay kadib markii uu Zappacosta uu kubbad halis ah u soo karoosay dhinaca xerada ganaaxa Man United laakiin  Bakayoko iska lumiyay fursad uu goolka United horjoogay isaga oo darbadiisa birta goolka dhinac mariyay.

DAQIIQADII 16 AAD Romelu Lukaku ayaa darbo xoogan ku tijaabiyay goolhayaha ay isku qaranka yihiin ee Courtois kaas oo sameeyay gool badbaadintii ugu horaysay ee kulankan ee ay Man United samaysay waxayna noqtay bartilmaameedkii kaliya ee ay United samaysay qaybtii hore ee kulankan.

 

 

DN4470uWAAM9-Ri

 

DAQIIQADII 18 AAD Eden Hazard ayaa markiisa darbo cajiib ah ku ganay goolka Man United kadib markii uu laba xidig oo Man United ah oo kubbada ka farsamaystay laakiin David De Gea ayaa sameeyay gool badbaadin cajiib ah isaga oo waliba Alvaro Morata si aan la rumaysan karin kubbada uu Hazard soo darbeeyay dhulka uga galay si uu De Gea ugu qariyo laakiin goolhayaha ree Spain ayaa gool xaqiiqi ah badbaadiyay.

David De Gea ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ayaa goolhayaha mashquulka badan ku jiray maadaama oo ay Chelsea dardar badan iyo kubbad hayn badan ku ciyaaraysay halka goolhaye Courtois oo hal darbo oo kaliya uu wajahay qaybtii hore ee ciyaarta.

Manchester United ayaa guud ahaan qaybtii hore ku ciyaaraysay qaab ciyaareedkii difaaca ahaa ee Jose Mourinho looga bartay waxaana cadayn buuxda u ah sida ayna dhibaato ugu abuurin goolka Chelsea in 4 darbo oo kaliya ay dhinaca blues u tuureen iyada oo hal bartilmaameed oo kaliya ay Red Devils samaysay qaytii hore ee ciyaarta.

Laakiin mid taas ka duwan waxaa loo diwaan galiyay Chelsea oo 11 darbo qaybtii hore ee ciyaarta u tuurtay dhinaca goolka Man United waxayna bartilmaameedka la heleen 4 jeer laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chelsea soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana ku socota dardar cajiib ah, waxayna taasi keentay in Man United ay shaqada ugu badan ka dhigato sidii ay halista Blues iskaga ilaalin lahayd.

 

Chelseas-Spanish-striker-Alvaro-Morata

DAQIIQADII 55 AAD Chelsea ayaa ugu danbayn heshay waxay ciyaarta uga qalantay ee ahaa goolka furitaanka kadib markii ay dardar xoogan ku raadinaysay goolkan waxaana qaab cajiib ah goolkan ku dhaliyay Alvaro Morata kaas oo darbo madax ah ku tuuray goolka uu De Gea ilaalinayay isaga oo caawin fiican ka helay Cesar Azpilicueta, laakiin markan goolhaye De Gea ayaa daawanayay kubbada oo dhiniciisa bidix ka sii galaysa goolka, manay jirin waxa uu ka qaban karayay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ku qabtay.

 

Cesar Azpilicueta ayaa sameeyay gool caawintiisii 5 aad ee horyaalka Premier Leaque ee xili ciyaareedkan isaga oo waliba qaab layaableh gool caawin badan ugu soo sameeyay Alvaro Morata kaas oo dhaliyay goolkiisii 10 aad ee madax ah tan iyo bilawgii xili ciyaareedkii hore mana jiro ciyaartoy shanta horyaal ee Yurub ka ciyaara oo rekoodhkan gaadhayaa.

 

 

DAQIIQADII 62 AAD Jose Mourinho ayaa wuxuu bilaabay in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo isaga oo hal mar kaydka uga wada yeedhay Marouane Fellaini iyo Anthony Martial wuxuuna ciyaarta ka saaray  Henrikh Mkhitaryan oo kulankan ku fashilmay iyo Phil Jones

DAQIIQADII 66 AAD Antonio Conte ayaa markiisa sameeyay badalkiisa ugu horeeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray  Zappacosta waxaana ciyaarta soo galay Antonio Rudiger taas oo keentay in Cesar Azpilicueta uu difaaca midig u dhaqaaqay.

Chelsea ayaa wali sii ahayd kooxda laga filan karayay goolka labaad iyada oo Antonio Conte uu cadho wayn ka qaaday fursado badan oo ay kooxdiisu abuurtay balse ayna awoodu hore ugu yeelan inay goolka labaad ee kalsoonida ay ku dhaliyaan iyada oo Bakayoko iyo Hazard ay ka mid ahaayeen xidigo fursado lumiyay.

DAQIIQADII 80 AAD Chelsea ayaa ugu dhawaan heli gaadhay goolka labaad oo nasiib ah kadib markii uu Rudiger kubbad uu soo karoosay uu De Gea ku khalkhlay waxayna ku sigatay Man United in ay ciyaarta ay wali rajada ka qabtay ay iska disho.

Man United ayaa markan doonaysay in ay raadiso dariiqii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd wuxuuna Mourinho badalkiisa saddexaad ka dhigtay Lingard isaga oo ciyaarta ka saaray Ashley Young, laakiin markale Conte ayaa kaga jawaabay in  Danny Drinkwater uu kaydka uga yeedhay wuxuuna badalay Cesc Fabregas.

Dhamaadkii ciyaarta markii ay Man United sida xoogan u raadinaysya goolka barbaraha ayuu Antonio Conte kaydka uga yeedhay Willian wuxuuna ciyaarta ka saaray Hazard iyada oo isla markaas uu Rashfrod helay fursad fiican oo jamaahiirta Blues walwal ku abuurtay.

Manchester United ayaa ugu danbayn dhaamaadkii ciyaarta noqotay kooxda markii ugu horaysay kubbada si fiican ula wareegtay laakiin markan Blues waxayna Chelsea bilawday in ay markeeda difaac gaasho si ay guul ugu dhamaysato ciyaarta.

DAQIIQADII 89 AAD Marouane Fellaini ayaa helay fursad gool dhalin cajiib ah laakiin goolhayaha qarankiisa Belgium ee Courtois ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah isaga oo kubbada dib iskaga joojiyay laakiin kubbada la soo celiyay ayuu Marouane Fellaini markale isku dayay inuu madaxa la raadsado laakiin waxa uu cadaadis kala kulmay Gary Cahill isaga oo dhulka ku dhacay wuxuuna ku dooday rekoodhe laakiin garsooraha ayaan waxba tilmaamin.

DAQIIQADII 90+2 aad Alvaro Morata ayaa la siiyay fursad cajiib ah kadib markii uu Willian kubbad dilaa ah uu goolka United u sii hor dhigay laakiin xidiga ree Spain ayaa halkii uu kubbada ka darbayn lahaa waxa uu isku dayay in uu difaaca la daba maro taas oo fashil xun ku dhamaatay.

Wax walba oo ay Manchester United dhaamadkii ciyaarta samaysay ayaa fashil ku dhamaaday waxayna taas keentay in ugu danbayn ay Chelsea 1-0 guul ku gaadhay. Antonio Conte ayaa saddexda dhibcood ka tirsaday Jose Mourinho oo ay erayo kulkulul saxaafada isku mariyeen ka hor kulankan.

Guuldarada Manchester United soo gaadhay ayaa keentay in kooxda Jose Mourinho ay 8 dhibcood hoos uga dhacday hogaamiyaasha Premier Leaque ee Manchester City oo Etihad Stadium ku garaacay Arsenal, waxayna haddaba Red Devils si wayn hoos uga dhacday hogaanka Premier leaque waana hubaal in Mourinho uu eedayn kale kula kumi doono qaabkii uu Blues ku wajahay.

 

COMMENTS
LINKS