Talyaaniga Oo Muddo 60 Sano Ah Kadib Ka Hadhay Ciyaaraha Koobka Aduunka Ee Sanadka 2018-ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talyaaniga Oo Muddo 60 Sano Ah Kadib Ka Hadhay Ciyaaraha Koobka Aduunka Ee Sanadka 2018-ka
November 14, 2017 - Written by Reporter:

Markii ugu horreysay muddo lixdan sanno ah xulka kubadda cagta ee waddanka Talyaaniga ayaa ku guuldarraystay in uu u soo baxo ciyaaraha Koobka Adduunka.

 

20171114636462205153932938talya

Xulkan afarta jeer ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa waxaa barbaro 0-0 ah xalay lagu celiyay xulka Sweden, lugta labaad ee ciyaaraha kala baxa taas oo ka dhacaysay magaalada Milan ee waddankaasi Talyaaniga.

Sweden oo lugtii hore ku guulaysatay 1-0 ayaa u soo gudubtay tartanka ciyaaraha adduunka ee sanadka soo socda ka dhici doona waddanka Ruushka.

Wargeyska Talyaaniga ee ciyaaraha ka faallooda ee sida weyn loo akhristo ee La Gazzetta dello Sport, ayaa guuldarrada xulka Talyaaniga waxa uu la meeldhigay sida dhammaadka dunida oo kale. Wargeysku waxa uu ku baaqay in tababare Gian Piero Ventura, shaqada laga eryo.

Nin kale oo ka faalooda ciyaaraha oo lagu magacaabo Sandro Piccinini ayaa waxa uu sheegay in Talyaaniga uu hal gool dhalin waayo labadii ciyaar ee uu Sweden la ciyaareen ay aheyd mid aan la hilmaami karin.

 

COMMENTS
LINKS