Doorashooyinkii madaxtooyada ee Somaliland hore uga soo qabsoomay iyo side loo kala guuleystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashooyinkii madaxtooyada ee Somaliland hore uga soo qabsoomay iyo side loo kala guuleystay
November 25, 2017 - Written by Reporter:

1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay
– Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac
waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”.

2- Doorashadii shirbeeleedka ee Harageisa ka dhacday 1997 waxaa is soo sharaxay
Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somaliland taa soo leh Dastuur, xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan.

 

 

FIDHINLE

 

3- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod
Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Dhurwaa iyo Ahmed Siilaanyo waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Dhurwaa. Doorashadan waxaa Taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somaliland uu Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee ah ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo ”

4- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Dhurwaa waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Dhurwaana wuxuu helay 17.18 % . Nasiibdaro Ahmed Mohamoud Siilaanyo laguma tilmaamin mudadii dheerayd ee uu xilka hayey madaxweyne qowmiyadeed ee waxaa taariikhda u gashay in uu noqday madaxweyne dhinac u ciiray ka dib markii uu badka soo dhigay Xukuumad dhinac ka raran oo basekeeda iyo baleysinkeedu yahay Jeegaan iyo jifooyin kooban oo ku shuraakoobay ilihii dhaqaalaha iyo hantidii maguuraanka aheyd ee ummaddu wada laheyd.Waxaana laysku raacay in aanu Madaxweyne Siilaanyo shacabka Somaliland ugu hiilin sidii ay codkooda iyo cuudkooda ugu hiiliyeen.

5- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Dhurwaa, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Dhurwaa wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashada ay ku gedaaman yihiin mugdi iyo mad-madow fara badan ayaa waxaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna udaadan maayo”

Yeelkeede xukuumada cusub ee jeeni-qaaran ee jeegaamaysan waxaa looga fadhiyaa Barnaamij siyaasadeed run sheeg ah oo dhugta la hela tiirarka iyo baaahiyaha Aasaasiga ah ee ay mikirifoonada kaga adimayeen mudada dheer sida Biyaha, Leydhka, Sicir bararka, Cadaalada, Caafimaadka iyo Waxbarashada.
-Waa in aanay noqon Xukuumad kala socota oo midba dhiishiisa dhaansado siidii xukuumadii Siilaanyo looga bartay.
-Waa in aanay noqon xukuumad shaqsiyaad aan la dooran ay yeeshaan awood dheeraad ah oo ka baxsan tii qaranku siiyey
-Waa in aanay noqon Xukuumad basekeedu yahay Jeegaan iyo Jifooyin gaar ah oo keliya ee noqotaa mid loo dhan yahay
-Waa in ay noqotaa Xukuumad waxqabadkeeda ay la socdaan qorsheyaal cad cad iyo halbeegyo lagu dabo galo mustaqbalka
-Waa in aanay noqon Xukuumad yeelata Cadaalad liidata iyo Cashuur leexata sida xukuumada Siilaanyo looga bartay
-Xukuumada cusubi waa in ay lahaataa Higsi iyo Hilaad durugsan, Sahan iyo saadaal soo ifaysa iyo odoros iyo aragti fog.
– Waa in ay noqotaa Xukuumada isu soo ururisa oo isku sidigta qabaailka siyaaada ku kala irdhoobay ee shacabka JSL ka kooban yahay.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

Attachments area

 

COMMENTS
LINKS