Xubnaha La Saadaalinayo In Ay Safka Hore Kaga Jiraan Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub Ee Uu Soo dhisi Doono Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xubnaha La Saadaalinayo In Ay Safka Hore Kaga Jiraan Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub Ee Uu Soo dhisi Doono Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
November 28, 2017 - Written by Editor:

Halkan ka Akhri; Magacyada Xubnaha la Saadaalinayo In ay Kamid Noqdaan Golaha Wasiirada Xukumada Muuse Biixi + kuwa kaga Jira Golahii Wasiirada Ee Siilaanyo;

HARGAYSA(W,N) Shacbiga somaliland Ayaa  13/11/2017 u dareeray maalintii loo Asteeyay in ay dalka Somaliland ka qabsoonto doorashada madaxtooyada jsl taasi oo uu ku guulaystay in marlabaad lasoo doorto xisbiga talada haya ee kulmiye iyadoo  55% Aqlabiyada Somaliland in ay Madaxwayne iyo madaxwayne kuxigeen ay ka Noqdaan Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici oo isagu hore ku xigeen ugu ahaa madaxwaynaha xilka kasii dagaya  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mudo todobo sano ah gadhwadeen ka ahaa dalka, soona dhisay xukuumada marba marka kadanbaysa ay sii kordhayeen goleheeda wasiirada iyo sidoo kale laamaha kala duwan ee dawladu.

muuse

muuse biixi sexeex

Hadaba hadii aynu u Daadagno Dulucda faaladan  ay shabakada caalamiga ah ee Wajaalenews.net Oo marwalba ku Hawlan sidii ay Akhristayaasheeda ugu soo Gudbin lahayd  Arimaha taagan iyo sidoo kale waxyaabaha laga filan karo xukumada cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi cabdi Taasi oo xukuumada uu soo dhiso doono  xiligan hadalhaynteedu xoog ugu badan tahay bulshada Somaliland iyadoo si dhaw loola socda  nooca ay noqon doonto xukuumada uu soo dhisayaa? Tirada ay ka koobnaan doonaan golihiisa wasiirada iyo sida ay uga dhex muuqan doonaan xubnihii ugu miisaanka cuslaa xisbiga kulmiye isla markaana kaalin muhiim  ah ku lahaa guushii uu xisbigu ka gaaadhay guud ahaan dalka oo dhan.

axmed muumin seed

Shabkada wararka ee wajaalenews iyadoo u kuur gashay xogaha ugu dhow dhow ee laga helayo qaar ka mid ah dadka sida dhow ulasocda xaraarada xildoonka iyo xulashada madxawaynaha cusub iyo sidoo kale loolanka loogu jiro ka mid noqoshada xukuumada  oo maalmihii ugu danbeeyay noqday waxyaabaha ay bulshada reer Somaliland ugu hadalhayn badan tahay.

gaafadi

Xukuumada Cusub ee laga filayaana in uu soo dhiso madaxwayne Muuse  Biixi Cabdi ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto  mid kooban isla markaana ay ku yaryihiin wasiiradii iyo xubnihii ka midka ahaa xukuumada madaxwayne siilaanyo ee wali xilka siihaysa kuwaasi wararkan aanu helaynaa ku sobobeeyay in madaxwaynaha cusub xukuumadiisa  kasoo xulan doona dhinaca xisbiga iyadoo  aanay ka maqnayn xubno aan iyagu gabi ahaanba ka dhex muuqan ololihii xisbigu.

Dhanka kale Golaha Wasiirada cusub ee Lasaadaalinayo in dhawaan lagu dhawaaqo ayaa  lafilayaa in ay ka koobnaanto 15 Ilaa 20 Wasaaradood  ugu badnaan halka wararka laga helayo ay xuseen in  gabi ahaanba meesha laga saarayo wasiirul dawlayaasha,

hodan 3

Dadka arimaha siyaasada ka faalaada ayaa iyagu odorasay xubnaha kamid noqon doona golaha wasiirada iyo dabcan xukuumada cusub in ay soo galaan

Dhanka kale waxaa  la sadaalinayaa in qaarkamida wasiirada xukuumada siilaanyo ay kamid noqondoonaan xukuumada Cusub ee lafilayo dhawaan in uu soo dhiso madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Halkan ka Akhri Magacyada Xubnaha lafilayo in dhawaan la magacaabo Wasiiro. Kuxigeeno iyo sidoo kale haayadaha madaxa banaan.

 

1; Axmed Muumin Seed Waxaa lafilayaa in kamid noqon doona Wasiirada xukuumada Muuse Biixi.

2, Xasan Gaafaadhi

3; Xil saleebaan Cali koore

4; Prof Axmed Ismaaciil Samatar

5; Axmed Cabdi Dheere

6; Xasan Siciid

7; Jaamac Shabeel

8; Aqoonyahan Cabdilaahi Batuun Muxumed (Xabo) oo kamid ahaa xubnihii guusha xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil keenay ismarkaana aqoon fiican u leh arimaha dekedaha ayaa  lafilayaa in loo magacaabo Wasiirka Wasaarada kaluumaysiga Iyo Maaraynta Dekedaha.

9; Cali Sandule

10; mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro)

11; Maxamed Iid Dhimbiil.

12; Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye.

13 ; Hodan Axmed Cabdilaahi

Dhanka kale waxaa la saadaalinayaa in ay xubnahan hoos ku qoran ee katirsan golihii wasiirada ee xukuumada siilaanyo in ay soo noqdaan kana mid noqdaan xukuumada Cusub Ee Muuse Biixi.

1; Wasiirka Wasaarada Caafimaad Dr Cismaan Xaglatoosiye.

2; Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Muxumed.

3; Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan Saxardiid (Cadaani)

4; Wasiirka Wasaarada Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare.

Waxaa iyana Aad loo Hadalhayaa in xukuumada cusub ee muuse biixi ay ka Dhex muuqan doonaan Dhalinyaro faro badan iyo xubno haween ah oo iyaguna laf dhabar u ahaa guushii xisbiga uu gaadhay,

LASOCO ARIMAHA KASOO CUSBOONAADA HADALHAYNTA DHISMAHA XUKUUMADA CUSUB EE MUUSE BIIXI

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS