Madaxweyne Muuse Biixi Doorashadda Ka-dib, Xulidda Golaha Xukuumadiisa Maxaa Laga Filan Karaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi Doorashadda Ka-dib, Xulidda Golaha Xukuumadiisa Maxaa Laga Filan Karaa?
November 28, 2017 - Written by Editor:

Mudane Madaxweyne Waxaynu uga baahanahay Somaliland dibu-habeyn iyo nidaam wanaagsan. “Somaliland Systems Reform” Ummada Horumar Gadhaa ,: Waa mida khaladkeedda saxda, Waxaa loo baahan-yahay in wax laga bedelo qaabkii gacanta la soo qaban-jirey shaqsi ka madhan aqoonta Wasiir/Agaasime oo Wasaarad kasta aad u soo magacowdo.

Madaxweyne Muuse Biixi  oo haatan noqday Madaxweynihii shanaad ee Somaliland , kaasi oo ku soo biiray Taariikhda . Masraxa Siyaasadda iyo Hoggaaminta Golaha Fulinta  Xukuumadda JSL iyo Madal-siyasadeedka lafdhabar u ah Golayaasha Hoggaaminta Qaranka.

madaxweyne muuse 20173

Hadaba Madaxweyne Biixi oo dhowr jeer hor-tegay goobo-badan , lana kulmay : Sidda Saraakiisha Xisbigiisa Kulmiye . tageerayaasha Qurba-jooga Xisbiga . Golaha xukuumaddda uu waqtigiisu sii Idlaanayo iyo Gudidii kaambeynka Kulmiye. dhamaantood waxa uu jeediyey Khudbad uu nuxurkeeda ahaa :  In Himilada Xukuumadiisa noqon doonto mid tirro yar oo tayo leh .isla-markaana Halbeeg ay u tahay: Aqoon Cadaalad . Karti, Hufnaan, La-xisaabtan, La-shaqeynta Hay’addaha Dastuuriga  iyo La-dagaalanka Musuqa.

Taasi waa hubaal inuu Madaxweynuhu  arar ahaan uu sheegay Istaraatijiyadda Xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaase is-weydiin mudan nooca ay noqon doonto Xukuumadda cusub (Tiro ahaan iyo Tayo ahaan). Madaama ay shacabka Somaliland doorteen Madaxweyne Biixi. oo Tisqaadka Siyaasadiisu noqon doonta Halbeegga lagu qiimeyn doono Golaha Xukuumadiisa  ee uu soo xulanayo iyo Wax-qabadka ama Dib-u-dhaca ay ka tegi doonaan.

Iyaddoo iminka Madaxweynaha Cusub Mudane Biixi .ay tahay xili uu ku mashquulsan yahay dhisida xukuumadda cusub. waxaa hadda ku sugan Magaalada Hargeysa . Shaqsiyaad badan oo xilal raadinaaya, kuwaasi oo iskaga kala yimid Gobalada Somaliland, Waxaana qaarkood ay ku sheegayaan in ay rajo qabaan.

Waxaa iyadduna hubaala inay jiraan odayaal Beeshoodda doonaya inay u soo xulaan cida wasiir u noqon lahayd. sidoo kale  . Wassiiro. Agaasimayaal . Qurba-joog iyo kuwa xisbiga kulmiye ku jira . Ayaa xusul-duub iyo xodxodasho ugu jira sidii ay uga mid noqon lahaayeen Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Biixi. Lakiin Saadaalinta la bixinayo ayaa sheegaysa in 10% wasiiradii hore ay soo laaban karaan, waqti ay jiraan eedo badan oo ay dadweynuhu u jeedinayaan xubnahaasi Wasiiradda ka midda xukuumadda jirta . ayaa la filayaa in uu soo laabashadoodu in sabab looga dhigo, bacdamaa ay gacanta ku hayaan maamulida iyo dar-dargelinta mashaariic waa-weyn oo ka socota gudaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi waxaa la gudboon inuu dib u jaleeco Caqabadihii iyo taariikhda madaxweynayaashii isaga ka horeeyey iyo xakameynta fara-gelinta kaga-iman-karta dhinac-kasta,  kuwaasi oo doonaaya in sida ay iyagu doonayaan loo soo xulo Golaha waiiradda.

Saadaasha Dowladda cusub ayaa laga sanqadhinayaa  inay noqon-karto xukuumad tiro yar oo tayo leh lakiin Saadaasha Fiican ee Madaxweynaha shanaad ayaa ah arrin abuuri karta Xasilooni Siyaasadeed, balse, marka xaqasha kale laga qiimeeyo waxaa loo baahan yahay in la ogaado inay si Filan-waa’ isu laba-rogi karto  Jihadda ay ku socoto dabaysha Siyaasadda.

Waxaa kaloo looga baahan-yahay Madxweyne Biixi : In Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda lagu soo xulo Aqoontoodda , islamarkaana lagu tartamamo Imtixaanka aqoonta wasaradaha Somaliland.  si ayna iskaga hor iman wasiirka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda . Taasi oo meesha ka saaraysa khilaafka ka dhex oogma agaasimaha guud iyo wasiirka wasaaradiisa.

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland waxaa looga baahanyahay inuu waxka bedelo qaabkii gacanta la soo qaban-jirey shaqsi ka madhan aqoonta Agaasime oo Wasaarad kasta aad u soo magacowdo : Agaasime hawsheedda wadda oo Khibrad u leh Wasaaradda iyo Hawlaheedda. Laguna daraa Shuruudaha looga baahanyahay (Criteria) ruuxa shaqadaasi Qabanaya . sida intaasi oo sano oo Khibrad shaqo ah, Shahaadada waxbarasho matalan Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda waa in uu haystaa Shahaado “Master Digree economic or Finance”.

Waxaa aan ognahay : Agaasimuhu waa Hawl-wadeenka wasaarad kasta iyo ururkasta, iyo meelkasta oo shaqo ka-socoto waxaana uu yahay shaqsiga shaqada fuliya oo waliba wixii dhaqaale ah ka masuul ah Waa Mr. Agaasime, haddii marka Arrinkaa Agaasimaha meel-iska saarin . siiba qaabkii loo magacaabi jireyna wax-ka bedelin lagu sameynin waligeen shaqo-xumo. Cadaalad-daro iyo Musuq-maasuq ka bixi-mayno.

Hadaba Mudane Madaxweyne Waxaynu uga baahanahay Somaliland dibu-habeyn iyo nidaam wanaagsan.

(Somaliland Systems Reform) Ummada oo Horumar gadhaa . Waa mida khaladkeedda saxda, dad aan qaladaadkoodda aan sixin waxay ku dambeysaa duruuf adag , dawlad xumo iyo Horumar la’aan. Somaliland waa in ay saxdo habka dawladnimo ee aynu ku dhaqano, waa in aynu ka gudubno habkan-dawladnimo aynu yabyabnay wakhtigii adkaa ee uu dalkeenu Burbursanaa.

Madaxweyne Mudane Muuse Biixi : sida uu cadeynaayo Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka JSL isagaa xaq iyo xilba u leh inuu soo xulo Golihiisa fulinta , Lakiinse Waxaynu u baahanahay Wasiir / Agaasime Qof aqoon-yahan ah oo haysta aqoon Jamacadeed ama aqoon u dhiganta, isla markana leh waayo-aragnimo shaqo oo ugu yaraan 6 ilaa 10 sano ah. Waayo-aragnimadiisa oo la xidhiidha waxaa uu bartay iyo Shaqo ‘professional’ ah ee looga baahanyahay.

Isku soo wada xooriyoo, Madaxweyne Biixi xukuumadda ay dadweynuhu ka dhursugayaan ayaa noqon doonta tallo lagu liibaano oo Qaranka Horumar u horseedi karta . haddiiba aad soo dhisto xukuumad kooban oo tayo iyo aqoon leh runtiina  keeni karta in kalsoonida shacabka ay u hayaan Madaxweyne Biixi iyo dawladiisaba ay sii laba jibaarmi doonto. Waxaynu dhawrnaaba waa sidda xaalku noqdo , Ilaahay waxaynu uga baryaaynaa inuu Madaxweynaha Cusub u fududeeyo hawlahaa.  Somalilandna Horumar & Nabad inooga dhigo markasta.

 

Adan Yusuf Elmi.

COMMENTS
LINKS