WAJAALE NEWS

Gabyaagii Gobaysane: Qamaan Bulxan (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)

Wiil taaninimo loo qiroo sida talmiiggaasa

Aan lagu taxwiyin oo lagdini timaha boodhaynin

Mid uun baa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye

wallee inan ragaw tala aduun taada uun maaha.

Gu’gii la baxay Gobaysane oo ku beegnaa hillaaddii 1865 waxa dhashay ama kacaamay gabyaa caan ah oo ay Soomaalidu murtidooda si weyn ugu hal-qabsato. Waxaa raggaa ka mid ahaa maansayahankii weynaa Alle ha u naxariistee Qamaan Bulxan Yuusuf oo ku dhashay deegaanka Qabri-Dahare oo ka tirsan Gobolka Qoraxay ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

AHN Qamaan waa gabyaa  lagu tixgeliyo gabay-murtiyeedka. Xeeldheerida  suugaanta Soomaalidu waxay ku jir taa sarbeebta, sogordaha  iyo sandahnaanta. Qamaan wuxuu saf ka  hore kaga jiraa suugaanyahanka ay maansadoodu  intaaba midaysay. Waxaana lagu majeertaa maansooyinkiisa murtida iyo  mahadhooyinka reebay ee maahmaahda iyo halqabsiga loo sooqaato. Maqaalkan kooban suugaantii Qamaan kuma soo wada qaadan karno, waxanse jeclaystay in aynu milicsano maansooyin muhiim ah oo qaarkood dadka badankiisu yaqaanaan iyo silsiladihii ama doodihii ay ka midka ahaayeen.

Aan ku bilaabo gabay duur xulkiisu ahaa  dood dhex martay libaax iyo dam’eer iyo habka farshaxannimada ah ee uu u dhigay. Wuxu yihdi:

Libaax iyo waxaa seertay miir sogob dam’eeraade

Wuxuu yidhi samaan aan cabnee suluq ka dhawr  miirta

Waxay tidhi sadkay gaan ba’ sane ha ina sooyaamin

Wuxuu yidhi si kas  taad fashaba biyaha hayna wada seejin

Waxay tidhi armaad  sibir-qaskaa sir uga jeedaaba

Wuxuu yidhi haddaad sidatan tidhi sahay ka qaadoo tag

Waxay tidhi inkas taad sidaa tidhi sayndhaw daynmaayo

Dabadeedna suluf  tii lugtiyo galisay suulkiiba

Isaguna kusara joogsayoo madaxa saydh yoo dil

Qamaan xilligii uu noolaa waxaa geyiga ka curtay laba silsiladood oo waaweyn. Ta hore waxay caan ku tahay Halac-Dheere. Halac wuxuu taariikhda ku galay hunguri waynaan. Wuxuu  ahaa reer Doolood. Waxaanu  ardaa-dhig u raacay nin ay isxigeen oo gabadh ka doonay Suldaan Cali Yuusuf oo xaruntiisu ahayd Hobyo. Cali Sharma’arke oo ka mid ahaa odayaasha Hobyo ayaa wax ka tilmaamay hungiri waynaanta  Halac-Dheere. Waxaanu yidhi:

Gobanimo in ay hiba tohoo hore naloo siiyay

Halac-Dheere nimankii wax badan hayn jiraan ahay’e

Qamaan Bulxan ayaa ka soo jawaabay tixdaa Cali Sharmaarke waxaanu gaashaanka ku dhuftay gobanimada uu sheegtay.

Halkaad Cali Sharma’arkaw natidhi waa huf iyo beene

Gobanimo haday hibo tahoo hore laguu siiyay

Hoh maxaad u tidhi wiil martiya hilib intaad siisay

AHN. Cali Dhuux Aadan oo la safan tixdii hore  ee Cali Sharma’arke, kana hor jeeda Qamaan Bulxan ayaa isna yidhi:

Halac oo hir dheer la egi haduu hogob ka soo muuqdo

Idinkoo la hayb ahiba waa wada   habaartaane

Harti maxaad ku geli Eebeheen horor hadduu keenay

AHN Sayid Maxamed ayaa isna soo galay. Waxaanay u ekaatay in laba dhinc loo kala saftay waxaanu yidhi:

Koluu Hiirad oo kale noqdoo ibil la haaneedo

Huwan muu u kaco kuma qadeen hodan-qabeenkiiye

Hobyo maxaa u dhigay uumiyuu kala hoyaad roone

Silsiladdii Guba amaRayid

Waagii ay Daraawiish jabtay, hadhaageediina Iimay iyo Carro-Ogaadeen u kacay, ayaa Ingiriisku qalqaaliyay duulaan ballaadhan oo ku-talogalkiisu ahaa in ay soo qabtaan Sayid Maxamed.  Sheekooyinka qaar waxay wariyaan Cali-Dhuux iyo col uu wataa in ay qayb ka ahaayeen gulufkaas. Inkastoo colkaasi aanu ku guulaysan qabashada Sayid Maxamed, wuxuu cagta mariyay Qamaan Bulxan  iyo beeshiisu wixii ay maadh adduun lahayd, waxaanay qaadeen geela labaxay Hagoogane. Waa dambe ayaa Cali- Dhuux Aadan ibo furay silsiladdii Guba. Waxaanu si ban’ u guubaabiyay beesha uu ka soo jeedo Qamaan Bulxan. Laakiin xusuusta Qamaan kama bixin geelii hogaagane iyo kaalintii uu ku lahaa Cali-dhuux Aadan, waana ta uu ku salaynayo jawaabtiisa Dhiiftoon. Wuxu yidhi:

Duunyada fardood maalintaad  dalabku qaadaysay

Sidii duul Amxaara’a markaad nagu dabraynaysay

Aad duubi waynaw sangaha nagu dabaalaysay

Intaad haatan ii laba diblayn muudamqado jiidhku

Baadida nin baa kula daydaya daalna kaabadane

Aan doonahayn in aad heshana daa’in abidkaaye

Dadkuna moodi duul wadadhashaan wax u dahsoonayne

Dalo malaha aakhiro haddii loo kitaab dayo’e.

Barni Sheekh Cabdulle oo qurux iyo qaayo meel isu taagtay ayuu guursaday Qamaan Bulxan. In muddo ah markii uu qabay ayay socdaal gaaban ku gaadhay reera hoodii. Nasiib-darro war dhiilo leh ayaa Qamaan loo soo sheegay  kaas  oo ah in uu nin kale guursaday Barni. Qamaan Bulxan Jiif iyo joogba waa qaban  waayay  waxaanu noqday duleed-yuurur. Haybe Cabdulle oo ay saaxiib ahaayeen ayaa ka codsaday in uu giriga u raaco. Kadibna tixdan ayuu Haybe jawaab uga dhigay, waxaanu yidhi.

Gartayweeye Haybaw in aan goroda laadshaaye

Waxba gogosha haydhigin hurdadu waygu gabilay’e

Rag waxgaadhagabadhuuqabooguurninlagusheegay

Iyo gabasmariidloo u gala guunjigiihilibka

Ugudboonelabadaahalbuugamaladiidaaye

Anigunagedaasaanaheeguriga hay gaynin

Qamaan Bulxan wuxuu aad uga horjeeday hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed waxaanu qayb ka ahaa Kala-kicii Gurdimi ee lagu shirqoolay Sayid Maxamed inkastoo aan  lagu guulaysan dilkii Sayidka,dhawr tixood ayay is dhaafsadeen Qamaan Bulxan iyo Sayid Maxamed .Tixdii aynu qormadan kuballaysinay oo duurxul iyo sarbeeb ahayd ayaa Qamaan tiriyay.

Tamed aada  adigoo ahoo fara ku taagaystay

Tunka yaa ku soo qaban haddaa tered ku xaajooto

Miduun baa tusmada kaara roo lagugu taagaaye

Wallee inan Ragaw tala aduun taada uun maaha

Tixdaa Qamaan Sayidku majeclaysan waana ka soo jawaabay isagoo yidhi:

 

Qamaanaw qoon-xumadu wey ku ambin doontaaye

Adinkaaga lagu madiro uubiyo ceel’e

Maandhaw afkaagaad u dhiman aakhiraw samane

Qamaan Bulxan yaa isna ku soo noqday waxaanu yidhi

Alle-celi codkana waa yaqaan waana caytamay e

Carabkiisa saw umabiqiyo codadka nuu baani

Nin hadduu cimriyooo waxbadan cagaha meel saaro

Koluun baa carshiga mawd ka yimi cunaha taabtaaye

Waxbadan baad cokani-dheelmatee calaf go’ baa taagan

Waxaa xiisaheeda leh aragti kale oo labadooduba muujiyeen mar Qamaan Bulxan oo Herer ku xidhan loo soo sheegay geerida Sayid Maxamed, warkaa soo been-abuur ahaa. Qamaan majeclaysan waana rumaysan waayay tix kale ayuu sidan ku yidhi:

Dhawaaqaale xaajada tagtiyo Adari dhuuxeeda

Dhulkaa ii dalooshamay hadday dhab u ekeeyeene

Dhagbaa waagu ii yidhi sidaan dheel u yuururay e

Sayid Maxamed wuu dhaqanyahee dhimay nin kiisheegay

Rabi dhinaca naar hawdhigee wuuna dhuunmuday e

Lib tuu dheelmiyo taandhigaa ii dhawaaq -siman’e

Sayid Maxamed markii loo mariyay gabaygii Qamaan wuxuu ku jawaabay: Daraaweeshay markii la xujeynayay Qamaan Bulxan haddii aynu dili lahayn Darwiish dhintay buu noqon lahaa.

Sidaan hore u soo sheegay, qormo iyo laba toona lagu ma koobi karo murtida iyo maansooyinkii Alle ha u naxariisto’e Qamaan Bulxan. Isaga iyo raggii la ayniga ahaa waxay ahaayeen hormuudka dhidibbada u aasay suugaanta Soomaalida sida uu Hadraawi ku xusay maansadiisa Hal-abuur.

Hal-abuurka niman baa

Hawraar u bixiyoo

Haaneedka Raagaa

 

Qaban jiray hadhuubkoo

Cali-dhuuxna hooduu

Ragba kaga horeeyoo

Hidda-raacQamaan bay

Habar wada jeqeenoo

Hadda gabay Salaan baa

Dhigijiray higgaadoo

Hami Faarax Nuur baan

Ladijirin habeenoo

Hitiqsiga Gamuuntaa

Habrashada aqoonoo

Mahadhada kalgacalkiyo

Hodan iyo xusuusaha

Cilmi haadka duuluu

Fari jiray hayaydoo

Sayid Maxamed hawlaha

Halgankiyo dagaalkuu

U hor kacay Daraawiish

Hurintiisa jiiftaa

U ahayd halhaysoo

Ugu dabayn waxaan hanbalyo iyo  bogaadin gaadhsiinayaa saaxiibkay Axmed Cabdi Haybe oo dhawaan soo saaray buug uu ku ururiyay maansooyinkii Qamaan Bulxan,  nuqul ka midana hadyad ahaan iigu soodiray.

Yuusuf Cismaan Cabdule (Yuusuf-Shaacir)

Hargeysa Somaliland

shaacir12@gmail.com

Exit mobile version