Talo Bixin Ku Socota Madaxwaynaha Cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi (warqad Furan) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo Bixin Ku Socota Madaxwaynaha Cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi (warqad Furan)
December 3, 2017 - Written by Reporter:

Mudane Madaxwayne, Dhismaha Xukuumadaada ka hor akhri oo ka bogo Xeer No 71|2015 Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumada iyo Hay`addaha Madaxa Banaan.
[ Sharcigu Ha Sareeyo}

10421196_153784228125284_8316510982642132110_n

Xeerkani waxa uu abuurayaa Wasaarado tiradoodu dhan tahay 26 wasaaradood, waxa ka dambeeyay oo aan ku dhisnayn xeerkani
Wasaarada Dalxiiska iyo Dhaqanka , waxa kale oo uu qeexayaa Waajibaadkooda Shaqo ee Wasaarad walba, sidoo kale waxa uu xeerku sheegayaa xadka shaqo ee ay kala leeyihiin Wasiirka, Wasiirul- Dawlaha, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud, sidoo kale maareeyayaasha iyo ku xigeenada iyo gudoomiyayaasha hay`addaha iyo ku xigeenada, Waxa kale oo uu xusayaa qaab dhismeedka Wasaarada ee waaxaha hoos imanaya Agaasimaha Guud iyo isuduwayaasha gobolada.

Xeerku waxa uu qeexayaa shirkadaha xukuumadu leedahay, diiwaangelinta hantida qof kasta oo xil ka qabanaya xukuumada, xisaab xidhka hay`ad kasta kharash sanadeedka ay isticmaaleen, waxyaabaha ka reeban madaxda hay`addaha dawlada.

Hadaba Mudane Madaxwayne adiga oo la tashanaya sharci yaqaanadaada waxa uu kaa caawinayaa inaad hesho habka ugu wanaagsan ee aad wasaaradaha aad doonayso inaad yarayso aad isu raacin karto iyo waajibaadkooda shaqo.

wjn-xayaysiis

Xeerkan ayaa ah mid labada gole ay ansixiyeen, Madaxwaynihii kaa horeeyayna saxeexay oo ah mid dhaqan gal ah.

Mudane Madaxwayne adiga oo gudanaya waajibaadkaaga distooriga ah, waxa haboon xeerarkii hore u jiray (administrative law) oo ah kuwo in lagu shaqeeyaa haboon tahay ama wax ka badal lagu sameeyaa ayaa ah mid tixraac fiican u noqon kara habka aad jeceshahay inaad xukuumadaada u soo dhisto.

Xeerkani waxa uu odhanayaa waxa la laalay wareegto kasta oo lagu aasaasay Wasaarad, waxase dhaqan gal ah xeer kasta oo aan ka hor imanayn xeerkan, taas oo macnaheedu yahay waa xeerka kali ah ee abuuraya hay`addaha dawlada ee jiraya

iyadoo aanan halkan ku soo wada koobi karin nuxurka xeerka ayaa waxaan ka soo qaatay aragti guud oo kooban.

Waxaan kuu rajaynayaa Guul iyo Gobanimo
Cabdirashiid Caydiid Yaasiin
Bachelor Degree Public Administration
Bachelor Degree Urban Management

 

COMMENTS
LINKS