WAJAALE NEWS
Waa kuma Madax Wayne Muuse Biixi Cabdi? Waa Maxayse Rajada Hogaamineed Ee Ay Shacabku ka Filayaan?Qalinkii Xamse Cirro.
December 4, 2017 - Written by editor editor

Dalka Jamhuuriyada Somaliland oo ahaa dal hore ula midoobay Somalida konfureed laga bilaabo xiligii laga xoroobay gumaystayashii kala maamuli jiray labada wadan ee kala ahaa Somaliland iyo Somaliya. Sida aan lawada socono inaga oo ay ina qaaday qadiyad Somaaliyeed oo aynu hormuud ka ahayn I soomaali isu timaad waxna wada yeelato ayaynu si shuruud la’aana ula midownay Somaliya lana baadi doono sadexdii kale way dhici wayday qadiyadii aan ku hongownay hadana waxaa inoo dheeratay cadaalad darro la inoo gaystay waan ka damqanay waanan iska ridnay, iyadoo aynu xoriyadii la soo noqonay 1991-kii, maantana waxan maraynaa in madaxwaynihii shanaad aan ku doorano cod xor iyo xalaala taas oon Africa kadhicin ayaa inagoo awooda dhaqaale iyo milateriga ee ay wadamada Africa leeyihiin aan lahayn ahna wadan curdin ah noqonay wadan ku dayosho mudan. Waa Ilaahay mahadii nidaam buuxa oo kala dambayn ku dhisan Ilaahay ina siiyay oo aanay haynin kuwaan wax wada lahayn ee aduunyadu sanka inagaga tolayso iyaguna qasabka iskugu keen tolaya waa guul inoo soo hoyatay maantana waxaa inoo qabsoontay doorashadii shanaad ee qof iyo hal cod oo uu muwadin kasta oo qaan gaadhay xaq u leeyahay wax doorto lana doorto taas oo aanay ka dhicin qaarada Africa een ku nool nahay dowladaha kamid ka ah ee boqolaal qarni jira awood aanay u lahayn in doorasho caynkaas ah ay ka qabsoonto iyo caalamul islaamba taas oo aynu u isticmaalnay nidaamkii ugu casriyeysnaa ee aduunyada horumartay isticmaalay ee inoo suurto galisay in si dhamaystiran u qaadanay dimoqradiyada oo Africa adag tahay qaadashadeedu ayaa maanta taabagal oo aynu ku dhaqano inagoo diinteena, dhaqankeena ku salaynay taas oo ah guul aan Africa ila qabin soomaali daaba hadalkeed. Maanta waxaa doorashadii shanaad dalka ku tartamay 3 xisbi Wadani, Kulmiye iyoUcid halkaas oo uu ku guulaystay mar labaad xisbiga Kulmiye oo ay hogaanka u hayaan madaxwayne Muj.Muse Bixi Abdi iyo M/W ku xigenkiisa A/rahman Iama’il Saylici.

Madax weynaha Jamhuriyada Somaliland ee 2018-2022. Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi oo haatan talada dalka majaraha u qabtay ahna madaxwaynihii shanaad ee xukunka qabta, ahaana dadkii xoriyada dalkan maanta ka jirta ee aan ku naaloonayno dhiigooda u huray, ahna shaqsiyad karti qo’aan qaadasho iyo mabda’a ama hadaf  shakhsiyadeed leh kana go’an tahay in uu dalka meel gaadhsiiyo.

Haddaba marka aynu dib u eegno madaxdii ku kala danbeeyey xukunka dalkeena Jamhuuriyada Somaliland mid walba xaalado iyo wacyi dalka ka taagnaa ayaa soo wajahay madaxwayne kastaana waxbuu qabtay oo uu ku suntanyahay.

Dhanka kale, waxaa jira mid kasta wax uu ku guuldaraystay ha ahaato wax dariiqa uu u maray aanay ahayn dariiqii ku haboonaa ama ha ahaato wax uu dhayalsaday ama wax awood darro guud oo ah xag dhaqaale iyo xag xukun xumoba.

Maanta oo madaxwaynihii shanaad ee dalka uu nasiib u helay mudane Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi.

Haddaba waxa is waydiin mudan markaynu eegno wacyiga dalka yaal iyo duruufaha dadku qabaan oo u baahan hoggaan suuban oo aqli salima leh kana go’an tahay in uu wax dhaxal-gal ah uga tago shacbi waynaha Somaliland.

Haddaba su’aalaha  hoggaanka dalka majaraha u qabtay horyaala ee la rabo in uu kaga jawaabo waxqabad muuqda oo dhaxal-gal u noqda shacabka Somaliland. Haddaba waxa aan ku soo koobi karnaa shan su’aalood.

Hoggaamin noocee ah ayay shacabku rabaan? Hoggaamin noocee ah baa laga rajaynayaa Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi?  Hogaamin go’aan qaadasho leh ma leeyahay?

Waa maxay baahida shacabku la ildaran yihiin ee u baahan wax-qabad, horyaalana Mudane Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi? Sidee buu ugu guulaysan karaa in uu ka saaro baahida shacabkiisu la liito iyo tabashooyinka jira ee horyaal ?

Waa maxay dibaatooyinka iyo duruufaha  ku habsaday dalka Somaliland una  baahan wax ka qabasho ee horyaal mudane Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi iyo xukumadiisa? Sidee wax looga qaban karaa dhibaatooyinkan?

Madaama ay madaxdii ka horaysay midba ku dhiiraday xaalado u baahnaa wax ka qabad. Tusaale, Madaxweyne Sillaanyo oo aan ogayn sida uu ugu dhiiraday darajada ciidanka. Haddaba Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi maku dhiiran karaa mana soo afjari doonaa xaalada saami-qaybsi ee aan dheeli tirnayn, Dariiqee buu se u mari karaa Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi ?

Siduu u midayn karaa shacbi-waynaha kala tafaraaruqsan oo ay xuquuq-siman muwadin kasta u helo oo ku nool Jamhuriyad Somaliland Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi?

Haddaba, hadaynu eegno baahida dalku iyo dadku u qabaan hoggaan inaga saara duruufaha aynu ku suganahay maanta baahi inagaga wayni mijirto. Hadaan tusaale, usoo qaato wadamada dhigeena ah ee aduunyada kale sida Taiwan iyadoon xidhiidh caalami haydsan ayay saamayn wayn ku leedahay xaga dhaqaale waxa halkaa gaadhsiiyay waa hoggaan suuban, waxa kale oo jirta wadanka Singapore waynu ognahay in aanay wax khayraad dabiiciya lahayn kali aata bad mooyee markaasbay wadanka Malaysia  ay ka tirsanaydna iska saaray oo ay iska jareen iyadoo daacuun iyo macaluul ku sugan ayaa madax-wayne xilkii qabsaday 30 sanno ayuu ka talinayay wadankii iska jaray dhaqaalihiisu aad u sareeyay aan lana filayn in ay Singapore dhaafo xaga dhaqaale iyo horumarba. Horumarka intaas leegna iskama iman ee waxa keenay hoggaan layimid dadaal fikirkiisa u huray umaddiisa. Taas waxay ina tusaysaa xidhiidhka caalami ee inaga maqan in aanu wax horumar ah dalkeena inagala maqnayn ee la’aantii aan noqon karno dad wax qabsaday waa hadii aan helno hoggaan daacad ah kaas baa inagala maqan horumarka aan tabayno.

Markaynu eegno hab dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi waxa uu qaadayaa ama marayaa toobiye madaxdii ka horysay ama kuwa la tartamayayba badidood ka leexdeen taas oo ah balanqaad been ah, ha ahaato shakhsi ama beelba taas oo ahayd mid culays wayn ku hayn jirtay madaxda ka hor istaagaysay horumarka iyo danta guud ee shacabka una adeegayay kooxo ama shakhsiyaad gaara.

Hoggaaminta aan rabnaa shacab ahaan, waa in muwadin kastaa uu hello waxa uu xaq u leeyahay oo ah baahidii muwaadin kastaa u baahnaa sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, dhamaan adeegii bulsho taas ku salaysan sinaan iyo caddaalad. Markaan eegno rajada shacabku ka qabaan inuu noqdo Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi hoggaamiye daacad ah shacabkana ku hagga sinaan iyo cadaalad taas oo aanu la imanayn kala xigtaysi in cid gaara ka faa’ido xukunkiisa taas oo dhabar jab ama sumcad xumo uu ka dhaxli doono aakhirana lagala xisaab tami doono. Haduu dariiqa saxda ah uu maro rabbi ha waafajjyo’e waxa uu baal dahaba ka gali doonaa taariikhda wadankan sida hoggamiyayaal badan oo dunidan aan ku noolnahay soomaray dadkooda uga tageen wax dhaxal gala. Haddii kalena wuxuu dhaxli doonaa taariikh xumo.

Waxaynu la wada soconaa nus-qarnigii tagay ee xoriyadeena lasoo noqonay dalku xaalado kala duwan buu soo maray iyo madax kala duwan iyadoo oo ay jireen duruufo kala duwan hoggaamiye kastaana ay jirtay xaalado uu ku guulaystay iyo kuwo uu ku guuldaraystay iyadoo dhibaatooyin badan ka hortaagnaayeen sida Qabyaalad, Dhaqaale darro dalka haysatay iyo karti la’aan, habrasho ama danaysi hogaamiyaha haysata ha ahaatee haddana madaxdii kala dhaxashay dalka midba meelbuu kasoo qaaday meelna wuu kaga tagay haddaba iyadoo uu maanta nasiib u yeeshay madaxweynihii shanaad ee dalkeenu yeesho mudane Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi.

Haddaba, baahida shacabku la ildaran yahay ee wakhti xaadirkan horyaalna madaxweynaha haatan talada dalka ku guulaystay loogana fadhiyo inuu wax ka qabto. Markaynu eegno ididiilada iyo rajada uu galiyay shacbi waynaha reer Somaliland xiligii uu kursiga ku aadanaa ee ay haysay baahida shacabku in ay codkooda siiyaan ama u dhibtaan talada dalka taas oo uu ku sifoobi doono laba mid inuu noqdo mid kaga dhabeeya hadafkii uu ku soo fuulay kursiga ama sidaynu ku naqaanay siyaasiyiinta dalka oo ahayd laba wajiile markuu baahan yahay waji karti uu wax ku qabto ina tusa markuu hantiyo kursigana wajigiisa dhabta ah inoo la soo baxa ilaahay kama dhigo laba wajilahaa aan ka daalnee. Haddaba waxaynu xusi doonaa baahida shacabku la liito ee horyaal madaxweynaha haatan talada dalka ku guulaystay waa laba baahiyood.

Baahida Aas aasiga.

Baahida Siyaasada iyo Ladagaalanka Hogaan Xumada Dalka.

1.Baahida Aas aasiga Ah.

 Biyo: Biyo la’aanta dalka jirtaa waa mid baadiye iyo magaaloba samaysay markuu jilaal inoo soo galaba rafaadka iyo silica aan marno una baahan in loo kaco oo gu’ iyo jiilaalba aan biyo yaraan inagu dhicin. AHN Abwan A/Lahi Suldan Tima’ade ayaa gabay kamida gabayadiisa oo xanbaarsan hami nololeed oo khuseeya shakhsi iyo bulshaba tuduc kamida gabaygaa ayaa odhanayay.

Madhax maleh wax aadmi kuu mitamiyo.

Macaluul waxkaaga taro maal laguu guree.

Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajadee.

Hadaynu raacno gabaygaas waxa uu ina farayo Ilaahay mooyee aadame u baahan mayno xataa aqoonsi ama xidhiidh caalami.

Caafimaad: Caafimaadka dalku waxa uu marayaa halkii ugu liidatay taas oo u baahan wax-qabad wayn.

Waxbarashada: In la tayeeyo waxbarashada ilaa Jamacaded laguna dadaalo sidii waxbarasho bilaash ah muwaadin kastaa helo, si degdeg ahna loo bilaabo farsamadii gacanta dhaman Jamacadaha dalkana loo hagi lahaa kolba kuliyadaha dalku u baahan yahay.

Beeraha, Hoolaha Iyo Horumarinta Reer Miyiga: in la horumariyo lana dhiirigaliyo beeralayda iyo dhaqista xoolaha dalka awoodana la saaro.

Koboca Dhaqaale: In lagu dadaalo sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka oo heerkii ugu liitay maraya.

Khayraadka Dbiiciga ah Macdanta iyo Shidaalka: In lagu dadaalo sidii xidhiidh caalami oo maalgashi loola samayn lahaa aduunyada horumartay.

Dhamaan baahida aasaasiga ah ee muwadin kastaa ka maarmi karin in uu helo taas oo ku salaysan sinaan iyo cadaalad uu ku hoggaamiyo mudane Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi kana reeban tahay qaraabo hiil iyo nin jeclaysi hore inoo ragaadiyay.

  1. Baahida Siyaasada iyo Hogaan Xumada Dalka.

Waxa kale oo jira marka aynu ka nimaadno baahiyaadka aasaasiga ah ee muwaadin kastaa u baahan yahay baahi guud oo dalku qabo ama midaynta muwaadininta Jamhuuriyada Somaliland ay adkaanayso hadaan wax laga qaban una baahan hogaamiye kudhac leh kana adag dhamaan beelaha wada daga dalka. Ha ahaato beeshiisa ama beelaha kale dalka daga taas oo uu kaga adag yahay sinaan iyo cadaalad sharciguna si saxa u shaqeeyo waliba beeshiisa xoog uga adag yahay. Dhiiranaanta howlahaas xasxaasiga ah waxay iiga dhex muuqatay madaxda maanta jooga mudane Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi oo haduu dhamaystiri waayo aanan filayn dabadii hoggaan kartideed leh oo soo mari doona Jamhuuriyada Somaliland taladii Alleh moyee. Waana kuwan soo socda.

Saami-qaybsi: Sida aan lawada socono dhibaatada ka taagan saami qaybsiga beelaha wada leh Jamhuuriyada Somaliland. Runtiina ay ka muuqato in ay beesha dhexe uun leedahay dalka taas oo cawaaqib xumo ku ah dalka iyadoo inoogu danbaysay saami-qaybsi dheeli tiran xukumadii  AHN Mudane Madax wayne Mohamed H.Ibrahim Egal oo kaga duwanaa madaxdii kale ee dalka soo martay ku dhac iyo dhiiranaanta uu ku hago umadan kuna salaysan ama tiir ay u tahay sinaan iyo cadaalad AHN kuna hamiyay mudane Madaxweyne Egal in uu uga tago dowladnimo dhaxal gal ah oo waara waana inta aynu halkaa maanta ku soo gaadhnay waana mudane M/Wayne Egal ta uu baaldahaba kaga xusan yahay oo aan cidi ku labayn tariikhda Jamhuriyada Somaliland. Fursada maanta Ilaahay ku simay mudane Madaxweyne Muj. Mouse Bihi Abdi madaama uu yahay siyaasiyiga kali ahaata ee maanta soo afjari kara ku dhaceegana leh wax badana u soo taagnaa beel kastana ku qancin kara waxay xaq u leedahay iyo waxa aanay xaq u lahayn isla markaana beeshiisana ka adag runtana u sheegi kara cid kasta oo xaqiiqda agmarsan. Anigoo aan faaninayn wax uuna lahayna ku sheegayn waa siyaasiga xogogaal u ah xaaladaha dalka ka taagan isla markaana ku dhiiran kara xaaladaha xasxaasiga ah ee u baahan hoggaan hal addayg leh isla markaana ku dhaqa shacabka sinaan iyo cadaalad.

Doorashada Golaha Guurtida: Golaha guurtida Somaliland waa golaha jiritaanka Somaliland udub dhexaadka ay ku dhisan tahay marka aynu xaqiiqda isu sheegno maadama umad walba ama dal walba ay leedahay nus-danbeed masayrka dalkooda go’aan kama danbayn ah oo aan la dhaafi karin kana fikira danaha dalka ay leeyihiin. Dhinaca kale golaha guurtida maadama aan wada ognahay marka siyaasiyiinta dalka ay isu qabsadaan kuraasta ay kala kacsanayaan golaha guurtidu waa halka aan u noqono ee gaadha go’aanka badbaadada dalku ku jirto. Golaha guurtida waxaa ugu neceb siyaasiyiinta dalka ee mid kastaaba in uu ka qayb qaato hogaaminta dalka taas dhibaato ku noqotay danihii siyaasiyiinta taasina waxay ka dhalatay in ay ina nacsiiyaan siyaasiyiintu golaha guurtida xaqiiqda jirtaana ay tahay in golaha guurtidu uu yahay mid aan ku faano taariikh ahaana ugu faano golohaas guurtida dadyowga kale lana qiimeeyo halka maanta inoo muuqato ifafaalada burburka golahaas. Siyaasiinta dalka oo ka hadlaya qiimaha uu qarankan u leeyahay dalka sheegayaa in uu inoo la mid yahay Congrass-ka dalka USA siyaasigaas ahaa AHN Prof.Muj. Ibraahim Maygag Samater waa siyaasiga kaliya ee muujiyay lexejeclada dalka uu ka leeyayahay halka kuwa neceb golaha guurtidu danaynayaan danahooda gaarka ah ee golaha la’aantii u hirgali lahaa. Haddaba ujeedada aan u soo dhaadhacee madama goluhu qiime lagama maarmaana ugu fadhiyo dalka sidee loo helaa in kolba ay tagaan dadkii ugu haboonaa golahaasi? Doorasho sidee ah baa ku haboon? hadaan lafa gurno doorashada ku haboon golaha guurtida talo ahaan waxa ugu haboon doorshada madaxtooyada iyo golaha wakiilada doorasho ka duwan in aynu u qabsano taas oo u baahan hoggaan leh go’aaan qaadasho karti uu ku meel mariyo waxa dan u ah dalka. Doorashada golaha guurtida loo qabto ama la raaco talooyinkii dhaxal galka u ah dalka AHN siyaasi Prof.Muj. Ibrahim Maygaag Samater oo ah dariiqa ugu haboon ee aynu golaha guurtida ku badali karnaa ay tahay in si ka duwan labada doorasho ee kale laguna badalo 82 xildhibaan waxay ku fadhiyaan beelo taas oo talaabada ugu horaysa ee la qaadayaana ay tahay in dib loo eego saami qaybsiga golaha isla markaana markuu wakhtigu ka dhamaadaba nidaamka u haboon oo ah in beel kastaba odayga ugu da’da wayn ee aqli saaxibka iyo samo katalis ah ha lahaado aqoon ama yaanu lahaane kaas oo shuruudahan lagu soo xulayo.

Dada Xildhibaanka oo Ka Wayn 65 Sano.

Badalka xildhbaanka ka baxa: waa in badalka xildhibaanka kabaxa goloha ama dhinta laga joojiyo nidaamka dhaxalka ah ee dhalan rogay golaha lana sameeyaa nidaamka ku haboon oo ah in beesha xildhibaanka leh laga soo xulo ki ugu haboonaa ee buuxinaya shuruudaha kamid noqoshada golaha guurtida.

Nidaamka Dowladnimo: Nidaamka dowladnimo ee dalka ka jirta oo halkii ugu hoosaysay maraysa iyada oo ay kalifayso hoggaan xumada dalka haysata waxaa lumay nidaamkii dowladnimo iyo kala dambayntii taas oo laga dhaxlay ama meesha ka baxday nidaam dowladnimo waxayna noqotay in cid gaara ay howlahooda ku fushadaan. Madaxweynaha haatan talada dalka ku guulaystay waxa looga fadhiyaa in uu nidaamkii dowladnimo soo cesho ahna mid muwadin kasta uu hadhsado, lehna nidaam iyo kala danbayn buuxda.

Guusha ama guuldarada hortaala madaxweyne Muj. Muse Bixi Abdi waa baahida aasaasiga iyo baahida siyaasadeed ee dalka maanta haysata. Waa mide baahida aasaasiga ah waxay ku xidhan tahay dowlada uu soo dhiso tayada ay leedahay iyo la xisaabtanka golihiisa Wasiirada iyo fulinta barnaamij siyaasadedkii xisbigu ku ololeeyay oo aanu garab marin. Haday saamayn ku yeeshaan wixii xukumadihii ka horeeyay la talaabsan waayeen sida qabyaalad, danaysi reer ama kooxa gaara waa guuldaro dhaxal gal u ah taariikhda madaxwayne Muj. Muse Bixi Abdi sidii madaxdii ka horaysay.

Xaalada labaad ee dalka ka taagan waa baahida siyaasada iyo hoggaan xumada dalka ka taagan oo ah mihiim in lasoo af jaro iyadoo dadkii wada lahaa u dhamayn dalka aanay tahay in lala yimaad siyaasad hufan oo wada raaligalisa beelaha walaalaha ah ee wada daga Jamhuuriyada Somaliland una soo afjaro muranka siyasadeed ee kala fogaynaya dadka wada leh dalkan. In uu ka fikiro kuna dhaqaaqo maadama golaha guurtidu uu yahay gole dalkan nusdanbeedkii loo noqonayay uu yahay side ugu haboon ee loogu qaban lahaa doorashada inagu soo wajahan.

Dhibaatooyinka:

Dhibaatooyinka dalka haysta ee xukumadiihii ka horeeyay xukumada haatan talada dalka ku guulaysatay ee uu hogaaminayo mudane Madaxwayn Muj. Mouse Bihi Abdi loona baahanyahay in uu wax ka qabto waa kuwan,

Cadaalad Daro.

Musuq maasuq.

Qurba joog.

Ganacsatada Dhiig Miiratada ah.

Shaqo La’aanta Bahsan ee Haysata Dhalinyaada Dalka.

Dhibaatooyinka aan kor ku soo xusnay ee dalka haysta ee ragaadiyey lagana dhaxlay in xukumada jirtaa ku dhaqanto qaraabo hiil iyo kooxo ku adeeganaya shaadhkii dowladnimo ee ay kaliftay in dalku duruufo adag galo oo la waayo dowlad shacbigeed u leh damqasho iyo daryeel uguna adeegta cadaalad iyo sinaan.

Maanta shacabka waxa haysta oo dhiiga ka miirtay laba kooxood oo dowlada aan u danaynayn shacabka iyo ganacsato waayay wax ka qabta. Dhibaatooyinkaas oo keenay cadaalad darro, qaraabo hiil, musuqmaasuq baahsan iyo xukunkii dalka oo gacan shisheeye ku jira.

Maxaa la gudboon hoggaanka cusub ee talada dalka ku guulaystay ama siyaasad caynkee ah ayaa looga fadhiyaa mudane Madaxwayne Muj. Mouse Bihi Abdi?

Cadaalad Daro: In uu ka fogaado cadaalad daro, qaraabo hiil iyo in uu ku adeegto xukunka isaga iyo reerkiisa taas oo dhabar jab ku ah horumarka dalka waana in uu layimaad hoggaamin siyaasadeed oo ay tiir u yihiin daacad, karti iyo go’aan qaadasho uu ku dabarjaro dhibaatada ku habsatay hoggaaminta dalka.

Musuq-Maasuq: Musuq maasuqa baahsan ee dalka ka jira oo sabab ay u yihiin cadaalad darada qaraaba hiil iyo hogaan aan daacad u ahayn dalka. Waa inuu la yimaad siyaasad ku waajahan soona noolaysiyaa nidaamkii dowladnimo  ee faraha kabaxay oo la helaa in uu shakhsi kasta oo uu u igmado haayad dowli ah in uu la xisaabtamo, kana shaqaysiiyaa hayadaha dowliga ah ee khuseeya ladagaalanka musuq maasuqa ee haatan kharash uun ku haya dalka sida Hanti dhowrka guud ee qaranka iyo hayada la dagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaaga

Qorba-Joogta Dalka: Markaynu eegno xukumadii M/W Silaanyo waxay xukumadihii hore kaga duwanayd dhammaan waxay ahaayeen dadka qurba jooga. Markaan ku leeyahay talada dalku gacan shisheeye ayay ku jirtaa waxaan kawadaa tusaale waxaa kuugu filan xukumadii M/W Siilaanyo taas oo keentay in xumada siilanyo lexejeclayn waydo dadka iyo dalkaba. Sababna u noqotay in musuq maasuq laxaad leh ka dhaco dalka.

Qorba joogta dalka duulaanka ku ah oo inoo soo xidhay shaadh reer hebela oo ah kuwii ay ku adkaatay nolosha qurbuhu ayaa maanta dalka fursad ay ku baadhan helay. Wadama badan oo ina la mida oo qurbajoog leh baa jira sideena waxa kaliya ama fursada uga banaan waxa weeyi in ay sameeyaan maalgashi wadankoodii ay ku sameeyaan inagana maanta way u soo shaqo doontaan waana ta keentay in laga shaqeeyo danta danyarta marka xilka laga qaadana 7 cisho dalka ma sii joogo isagoo wuxuu baxayaa lacag aanu noloshiisa heleen iska sii horaysiiyay waana dhibaatada ugu wayn ee ina haysata. Maanta waynu wada ognahay sixir bararka aan wakhti lahayn ee ina haystay wakhtigii ugu badnaa xukuumadii M/W Silaanyo uuna marayo 10,000sh/$ 1 halka uu xukumadii M/W Rayaale huduu kor uga kaco 6,500sh/$ 1 talaabo laga qaadayay si dhakhso ah waana faraqa u dhaxeeya xukuumad dadka u damqanaysa iyo mid aan u damqanayn sababtuna waxa weeyi dadkii wadankan lahaa oo aan gacanta ku hayn tiina maanta la helay oo uu madaxwayne shacabka la siman oo maxastiisii taalo wadanka uu nasiib u yeeshay xukunka dalka markaa waa inuu kala fogeeyo xukunka dalka iyo qurba joogta diiratay dhulka sidaas baa musuq masuqa dalka dulaystayna ku ba’ayaa marka nin lexejeclo kale oo u badkiisa doonayo in uu wax uga tago taas baa wadanku wax ku noqonayaa.

Ganacsatada Dalka: Ganacsada dalka oo iyaguna dhiig miirato noqday in lala xisaabtamo oo aanay saamayn ku yeelan xukumada sidii xukumadihii ka horeeyay xukuumada haatan dalka ka talisa oo sida saxda ah ee ay dowladuhu sameeyaan una maamulaan wixii horumar dalku ubaahan yahayna ugu dhiirigaliso ganacsatada shacabkana dantooda eegto ee aanay noqon mid ganacsatada dantooda eegta.

Shaqo La’aanta Baahsan ee Haysata Dhalinyarada Dalka: Waxan shaki ku jirin ama aan inaga qarsoonayn shaqa la’aanta baahsan ee dhalinyarada dalka haysata taas oo ay sabab u yihiin arrimo badan.

Hogaan Xumada Dalka: Hogaan xumada dalka haysata oo ah sababta ugu wayn ee ah in shaqo la’aan baahsan ku habsato dhalinyarada dalka. Hogaanka dalka oo ay tahay sidii uu ula tacaali lahaa camal la’aanta oo uu cid kasta saamayn ku leh ladagaalanka shaqo la’aanta doorkooda ku hago sida ganacsatada dalka ee ka howl yaraysanayaan in maalgashi sameeyaan ka adag dantooda, taas oo ay uga howl yar tahay keenista ama soo dajinta. Iyada oo aynu wada ognahay dadka iyo dalkaba in aanay dani ugu jirin soo dajinta.

Shaqaalaha Ajnabiga Ah: Waxa aan kawada dharagsanahay Hayadaha dalka ka shaqeeya in ay dhamaan shoqoyinkii xaq uu ulahaa muwadinku isagoo qaban kara labaal mariyay kana shaqeeyaan shaqaale wadamo shisheeye laga keenay taas oo amar laga soo saaro in shaqaalaha ajnabiga ah dalka laga saaro haayad kastana lagu amro in ay qaadato muwadiniinta karti iyo aqoonteediiba leh shaqada. Haayada diidana laga saaro dalka. Haayad kastaana waxaa khasab ku ah in dowladu siday rabto in ay u shaqayso Tusaale, maamul goboleedka Putland waxay ku amartay haayad kasta oo ka shaqaysa Putland ay ushaqayso sida dowladu doonayso haayad kastana ay u shaqaysaa, xataa sida loo qaato Somali kale oo deegaan kale kasoo jeeda kuma dhacdo hayad shaqaalaysiin kartaa.

Ganacsatada Dalka: Waa in ganacsatada dalka lagu dhiirigaliyo maal gashi dalka ay maal gashadaan kana qayb qaatan ladagaalanka shaqo la’aanta dalka haysata.

Fursada ubaahan hogaan dhiiranaan iyo go’aan qaadasho leh ee uu nasiib u helay madaxwaynaha haatan talada dalka hogaaminaya haduu ku guulaystana taariikhda baal dahaba ka galayo umadana dhaxal gal waarta u noqon doonta. Sidaan aaminsanahayna in aanu jirin siyaasi dabadii ku dhiiran kara arrimahan xasaasiga ah ama xogogaal u ah waxii lagu heshiiyay umadan wada dagan dalka. Waana kuwan.

Saami Qaybsi Dhamaystiran.

Qabyo tirka Tastuurka Dalka.

La dagaalanka Musuq maasuq.

La dagaalanka qurbo jooga ee gacanta ugu jiro xukunka dalku. Taas oo sabaysa dhibaatooyin badan dalka haysta sida musuq maasuqa iyo lexejeclo la’aanta dalka, shaqo la’aanta baahsan ee dhalinta dalka ku habsatay sababi karana burburka dalka waayo wax kayaal majiro maxastoodiina dibaday soo wada dhigteen wa ta keentay in aanay wax lexejeclo ka qaban dalka.

Midaynta Dadka:

Sida aan la wada socono shacabka dalka wada dega xaalada ay ku sugan yihiin oo ah kala tafaraaruq iyo baahsani shacabku kala qoqoban yahay oo aanay laba qof isu raacayn dantii guud ee ay wada lahaayeen ay u baabinayan waxaan faa’iido u lahayn midna taas ooy sabab u yihiin qabyaalad iyo siyaasi ku adeeganaya shacabka si uu u gaadho danihiisa halkay iska qaban lahaayeen dantoodana u raaci lahaayeen taas oo ah arrimaha ku horyaal ee u baahan in aad dabar jarto lana dagaalanto kooxaha danta ay u tahay tafaraaruqa bulshadu.

Gabagabo iyo Dardaaran:

Gunta, gabagabada iyo dardaaranka ku aadan maqaalkaygan, waxaad tahay madaxwaynihii shanaad ee dalka majaraha uu u qabtay mudane madaxwayne Muj. Muse Bixi Abdi oo ay ididiilada iyo rajada shacabku qabaan in maanta xaalada dadku la ildaran yahay uu yahay hoggaanka ka saari kara. Dardaaranka aan farayaa Ilaahay ha waafajiyee sidii madaxdii ka horaysay aanad sii baabin rajada shacabku qabo ee aad u rumeyso rajada shacabku qabo waayayna hoggaan u rumeeya kana leexatid dariiqa saxda ah ee hogaaminta dalka uroon waxa kale oon si wayn dardaarankaygu ugu wajahan yahay arrimo badan oo hoggaanka san saameeya, hagana dariiqa saxda ahna ka leexiya waxaa kamida danaysi gaara oo hoggaanku ku danaysto kursiga tu gaara iyo tu reereedba, shacabka oo ku haga oo aad noqoto hoggaan u nugul yeelana siday rabaan shacabku, qabyaalad iyo kooxo saluugsan xukunkaaga oo ka hor imanaya danahooda gaarka ah. Arimahaas oo ah kuwo saameeyay madaxdii kaa horaysay dalkana ragaadiyay arimahaas oo u baahan hogaamiye hamigiisu yahay in uu umadan daranyada iyo diifta la ildaran hoggaan xumaduna dhabarka ka jabisay ka saara islamarkaana ah hoggaan karti go’aan qaadasho iyo ku dhacba leh una kala xaq soori kara umada kana adag beeshiisa ama beesha dhexe oo wax badan ka suurtoobi laa yihiin in si saxa u qabsoomaan sida tabashada saami qaybsi ee beelaha kale runtiina ay jirto sadbursi ku maqan beesha dhexe hoggaanka kaliya ee ka adkaa tolkii ama beeshiisa oo beesha dhexe ah uu ahaa AHN madax wayne EGAL cid kastana ama beel kasta xaqay lahayd siinayay saami qaybsi dheelitirana dalka ugu dambaysay, hadaynu dib u milicsano ama eegno xukumadii Siilaanyo wuxuu ahaa maamul sadbursi ama dheeli wayn oo qayrul caadi ah ka muuqdo iska daa beelihii kale ee reer sh.Isaxaaq dhexdooda sad-bursi xoogan ka jiro, taas oo ku dhisnayd Madaxwayne Siilaanyo oo hamigiisu ahaa mid ku salaysa qabyaalad iyo dano gaara waxayna ahayd nasiib daro dalka burbur aan waligeen aynaan ka kaban sida koonfuna noqono horseeda laakiin nasiib wanaag waxa taa inaga badbaadiyay beelaha samray iyagoo cadaaladdaro haysatay waa beelaha darifka dalkee waxa aan kula dardaarmayaa hogaanka talada dalka ku guulaystay in uu waxa dhacay ee uu markhaatiga ka yahay uu ku dhiirado oo maro dariiqii AHN madax wayne Egal ee ku salaysnaa sinaan iyo cadaalad. Madaxwaynaha maanta talada hayaa oo aan ognahay in uu yahay siyaasigii ugu danbeeyay ee xogogaal u ah dalka kuna dhiiran kara in soo afjaro arimahaa aanu ii muqana dabadii siyaasi wax ka qaban kara run ahaantii anoon buunbuuninayn siinayna wax aanu lahayn sida iga muuqata waa hogaan ay ka go’an tahay in uu umadan wax u qabto taas oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan. Waxaan ku soo gunaanadayaa mudane Madaxwayne waa in aad beel kasta ka adkaataa oo aad gacan bir ah ku qabataa adigoo raacaya sharciga iyo dastuurka dalka u yaal cid kasta ama arin kasta oo horumalka iyo jiritaanka dalka lid aanad u aabayeeline talaabada u haboon ee kula dagaalamayso aad qaadaa. Ilaahayna hakaa dhigo kii lagu diirsado ee lagu doogsado, Ilaahayna hakula garab qabto xilkaa umadu kuu igmatay, xaqana Ilaahay haku garansiiyo.

Fiiro-gaar ah: Qormadan iyo aragtida ku duugan aniga ayay gaar ii tahay.

Qalinkii; Hamse Suleiman Osman ( Cirro )

Tell: 0634466670

hamseciro@gmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews