Madaxweynaha la Doortay Oo Tacsi Udiray Qoyskii Uu ka Baxay Marxuum Gaashaanle Sare Cabdixamiid Xaashi Cumar Oo Ku Geeriyooday Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha la Doortay Oo Tacsi Udiray Qoyskii Uu ka Baxay Marxuum Gaashaanle Sare Cabdixamiid Xaashi Cumar Oo Ku Geeriyooday Hargeysa
December 4, 2017 - Written by Editor:

TACSI: MADAXWEYNAHA LA DOORTAY

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakim KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, ciidammada Qaranka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gaanshaanle Sare Marxuum Cabdixamiid Xaashi Cumar oo ku geeriyooday Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 04/12/2017.

MARXUM

Madaxweynaha cusub ee Somaliland waxa uu ku sifeeyey Gaashaanle Sare Marxuum Cabdixamiid Xaashi Cumar sarkaal waxtar badan ku lahaa qaranka Somaliland, door muhiim ahna ku lahaa dhismihii iyo taabbogalkii ciidanka Qaranka oo uu ilaa waqtigan ka tirsanaa, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka, isla markaana uu ahaa addoon wanaagsan oo cibaado badan.

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka geeriyooday Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka, ciidanka Qaranka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

COMMENTS
LINKS