Caqligu Ma Aqoon La kasbadaa ? Qalinkii Maxamuud Cabdirasaaq. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caqligu Ma Aqoon La kasbadaa ? Qalinkii Maxamuud Cabdirasaaq.
December 5, 2017 - Written by Editor:

Qormooyin taxane ah oo sharxaaya caqliga inaanu ahayn aqoon LA barto.

Noloshu waa isu geyn, kala goyn iyo qayb: Isugee oo ururi asxaabtaada iyo dadka aad is jeceshihiin; Naftaadana ka jar oo ka fogoow inaad kula dhaqanto dadkaa danaystenimo iyo bakhaylnimo; Jacaylkaagana si siman ugu qaybi dadka ku jecel. Waxa aad noqon doontaa ka dadka ugu farxadda badan ,intaa ka dib waa inaad qorshahaagu noqdo Haddii asxaabtaada aad la fadhido dad kaa aqoon badan dhegeyste fiican noqo,Weligaaba iska jir in aad hadalka ka dhex gasho qofku isaga oo aan dhamaysan,Hana ka hadlin wax aanad war u haynin ama aqoontiisa lahayn, In badan dhegayso dadka in yarna kala sheekayso aamusku waa luuqada ugu adag ee lagula hadlo doqomada.

waaga kasta oo kuu berya maalin kasta oo cusub Ka malayso umada inay khayr leedahay , naftaadana u aqoonso inay khayr yartahay markaas ayaa dedaalkeedu sii badane farxadna waad Ku noolaan yoolkaagana waad gaadhi mar kastana waa inaad maanka ku hayso Dhibta bin aadamka waxaa ka mid ah adigoo wacan maalin qudhaata oo khalad kaa dhacay ayay taariikhdaada ku baabinayaan.markastana qofka daciifka ahi wuu aar goostaa, qofka fiicanina wuu saamaxaa cidii ku khaldanta,dadka caqliga badanina way ilowsiiyaan naftooda cidii dhibaataysa.caqligana ilaahay wuxuu inoo siiyey inaynu Ku fikirno Qofka caqliga badani haduu khaldamo wuu murugoodaa , doqonkuna wuu ku sii kibraa Markuu dadka ku khaldamo. Sababta uu la murugoonayo waxa weeye isagoo garanaya in deeq ilaahay gaar u siiyey ay tahay islamarkaana ay Ku yahay imtixaan, markaa hays odhan ka kaa caqliga badan wuu kaa sareeyaa ka caqliga yarina wuu kaa hooseeyaa .

 

LA SOCO

Maxamuud Cabdirasaaq

 

 

COMMENTS
LINKS