Dawladdaha Somalia Iyo Maraykanka Oo Kala Saxeexday Heshiis Hurumarineed Oo Ku Kacaya $ 300 Million | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladdaha Somalia Iyo Maraykanka Oo Kala Saxeexday Heshiis Hurumarineed Oo Ku Kacaya $ 300 Million
December 5, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho,(W,N) – Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxeexday heshiis taariikhi ah waxaana goob-joog ka ahaa munaasabada heshiiskan lagu saxeexay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

2017125636480762981696167jouli

Hishiiskan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxeexay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku xigeenka USAID ee Qaarada Afrika Julie Koenen iyo Safiirka Mareykanka Martin Dale.

Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan waana barnaamijkan lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda.

Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Soomaaliya laga taageero, Maamulka, Waxbarashada, Kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida.

Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada” sidaa waxaa yidhi Julie Koenen.

“ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga go’antahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fog” sidaasi waxaa yidhi Martin Dale.

Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxeexdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya

COMMENTS
LINKS