“Itaal Meel Uu Ina Dhigi lahaaba, Socodkeenu Si Buu Gaabis u Yahay” Aqoonyahan Maxamed Dhibmiil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Itaal Meel Uu Ina Dhigi lahaaba, Socodkeenu Si Buu Gaabis u Yahay” Aqoonyahan Maxamed Dhibmiil
December 5, 2017 - Written by Editor:

“Xisaabtankaa Inaga Maqan ( Accountability)

Dalkeena waxa ka dhaca doorashooyin waxaana aynu dooranaa madaxweyne iyo gole wakiilo iyo goleyaal deegaan, cid waliba waajibaad loo doortay ayey leedahay oo laga rabo in ay fuliso mudo xileedkaa la doortay, bulshadana uga wakiil tahay.

Iyada oo shuruucda iyo nidaamku dalku u dhisan yahay hab casri ah oo ay suuragali lahayd hadii laga shaqeysiiyo in uu is miisaamo oo la xisaabtamo, oo si guud iyo si gaar gaaraba qaranku u xisaabtamo si aynu horumar u gaadhno, haddana ma dhacdo wax ina haystana mooyaan.!

Umadina horumar may gaadhin ilaa heshay nidaam xisaabtan iyo mi qiyaas lagu garto yaa wax qalday yaa wax qaloociyey yaase waajibaadkii loo doortay ka soo baxay, halkee aynu maraynaa xagee aynu u soconaa miyeynu dib u dhacnay, hiigsigeenu muxuu ahaa, iyo iwm ilaa ay heleen.

Waxa aynu sanduuq u samaysanay wax aynaan inagu lahayn iyo dawaro aduunyada laga soo qaadhaamo markaasaa lagu saleeyey wax loogu yeedhay qorshe qarameed horumarineed, waxa wax lala yaabo ah in aynu aaminsanahay aynu ku horumarayno dawaro iyo waxa ay ugu yeedhaan deeqaha, Ilaahay baa deeqda bixiyee. !!!

Dal kasta oo horumaray wuxuu ku horumaray ama wadada horumarkuba tahay marka waxa aad haysto hagaajisato, ee khayraadka iyo dhaqaalaha aad adigu leedahay sidii ugu wanagsanayd u qorshakasta, shuruucdii aad dhigateen sidii ay ahaayeen u raacdid, isla xisaabtan dhab ahna la samaysto.

Bireeye

Haddaba isweydiintu waxa ay tahay inta aynu garanayno miyey garan waayeen cidii waajibaadyadaa aynu u dooraney?

Ma inagaa bulsho ahaan aan rabin in aynu helno hogaamin wanaagsan oo lala xisaabtamo oon kuna baraarugsanayn?

Ma caqabado culus oo aan inoo muuqan baa jira oo diidan in la xisaabtamo? Mise dadka aynu dooraney ayaan daacadba ka aheyn waxii aynu u dooraney? Ma dadka aynu dooraney ayaan aheyn cidii ku habooneyd halkaa loo doortay?

Su’aalahaa iyo qaar kale oo badani waxa ay ka dhex guuxayaan bulshada inta soo jeeda ee isha ku haysa ama la socota nidaamka siyaasadeed ee dalka iyo sida ay wax u socdaan ama qaran ahaan loo shaqeynayo.

Markasta oo doorasho dhacdo dadka rajo ayey fishaan iyo yidiidiilo in uun ay is leeyihiin wax weyn baa idiin hagaagaya oo hore ayeydun u soconeysaan, mudo marka ay ka soo wareegto ayuunbay wadadii hore qaadaa ama kaba hooseysaaba, aqoonsi iyo ictiraafkii isaga lamaba hadal hayo.

 

Haddaba waxa aan shaki jirin in aynaan meelna gaadhayn ilaa la helo nidaam cad oo muuqda oo qaranku ku xisaabtamo min hoos ilaa kor oo sharciyad adag ku dhisan, oo aynu ku hagaajisano ku horumarino ku dhaqno dalkeena.

Wa Bilahi tawfiiq

 

Aqoonyahan Maxamed  Dhimbiil

COMMENTS
LINKS