Daawo: Madaxwaynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madax-dhaqameedka Somaliland Iyo Nuxurka Waxa laga Wada Hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxwaynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madax-dhaqameedka Somaliland Iyo Nuxurka Waxa laga Wada Hadlay
December 6, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Madaxwaynaha dhawaan la doortay ee Somaaliland  Md Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay maanta madax-dhaqameedka Somaliland.

Waxaana kulankan oo ahaa mid maalmihii u danbeeyeyba qaban qaabadiisu socotay isla markaana aan wali rasmi ah kasoo bixin ayaa waxay labada dhinacba ay ka wada hadleen sidii la iskugu soo dhawayn lahaa bulshada reer Somaliland ee siyaasadda iyo ololihii Xisbiyadu kala irdheeyeen.

Waxaana kulankan uu noqday mid la isla meel dhigay sidii bulshada kala qaybsantay la iskugu soo laab xaadhi lahaa looguna soo celin lahaa midowgii ka dhaxeeyey.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS