Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Magacaabay Guddiga Xil-Wareejinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Magacaabay Guddiga Xil-Wareejinta
December 6, 2017 - Written by Reporter:

Xafiiska Madaxweynaha La Doortay

wjn-xayaysiis

Capture

 

REF: JSL/XM/WLD/009/12/2017 — December 6th, 2017

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin
Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,
Madaxweynaha La Doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
LINKS