Talo ku Socota Madaxwaynaha La Doortay Ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo ku Socota Madaxwaynaha La Doortay Ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi;
December 6, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Qaarkamida Madaxdhaqameedka, Aqoonyahanka Iyo Indheer Garadka Jamhuuriyada Somaliland, Ayaa Baaq Talo Soo Jeedin Ah udiray Madaxwaynaha Cusub Ee loo Doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Anagoo ah Madaxdhaqameedka, Aqoonyahanka, iyo indheer garadka Somaliland Waxaanu Ugu horay halkan Uga Ducaynayaa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi  Ilaahay Xilkaa Aad Umada  Uqaaday Hakugu  Asturo   noqo mid dadka iyo Dalka Somalilandba Gaadhsiiya Horumar Iyo Badhaadhe,

Mudane mMdaxwayne Anakoo ah Xubanhan kor ku Qaran Waxaanu Talo ahaan kuugu Soo Jeedinaynaa In talaabooyinka ugu horeeya ee aad qaado ka bilowda dhinaca cadaalada iyo waxa ay ku sugan yihiin dadka ku xidhan Saldhigyada iyo Jeelasha dalka Adigoo safar indho indhayna oo Aad ugu Kuur Galayso Xaalada Dhabta Ee ay Kusugan yihiin dadka muwaadiniinta ah ee ku jira xabsiyada kusoo mara dhamaan jeelashada iyo saldhigyada dalka.

Mudane madaxwayne talaabada  aad ugu kuurgalayso dadka ku jira jeelasha waxaanu u aragnaa in ay muhiim u tahay waxqabadkaaga, waana arin ay bulshada somailand sugayso  waxka qaba shadeeda

ILAAHAY TALADA SAN HAYNA WAAFAJIYO

1; Suldaan Shariif Batuun,

2; Aadan Suldaan Cabdiramaan

2 Cali Aw jaamac Guuleed

3; Mahdi Ibraahim Isaxaaq(Mahdi Cawl)

4 Cabdiraxmaan Xaaji Nuur.

5 Eng Aadan Xasan.

6; Cali Qoorseef.

 

 

COMMENTS
LINKS