Ciidamada Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Si Qarsoodi Ah Ay Masuuliyiinta Hay’adda Hello-Trust Uga Saarayeen Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Si Qarsoodi Ah Ay Masuuliyiinta Hay’adda Hello-Trust Uga Saarayeen Dalka
December 7, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan gaadiid ay leedahay hay’adda Helloo Trust oo ka shaqaysa Miino Baadhista,kuwaas oo la doonayay in si qarsoodi ah dalka looga saaro loona geeyo dalka Somaliya.
Print

Waxaana gaadiidkan ay ciidamada Boolisku gacanta kusoo dhigeen iyaga oo ka talaabaya kaantaroolka bari ee magaalada Hargeysa,waxaana ay hadda darawaliintii waday gaadiidka qaarkamid ah iyo gaadiidkiiba ay ku xidhan yihiin xarunta dambi-baadhista Somaliland ee C.I.D-da.
Gaadiidkan oo tiradoodu dhan tahay 4 gaadhi oo ah gaadiidka loo yaqaan Haadh-toob (Hard-top) ayaa sida naloo xaqiijiyay ay wasaaradda maaliyadda Somaliland hore u xayirtay islamarkaana ay ku amartay inaanay dalka dhinacna u dhaafi karin ,madaama oo ay hay’addu cashuurf dhaaf loo sameeyey kusoo dajisatay gaadiidkan isla markaana loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan gaadiidkan gudaha dalka Somaliland.
Masuuliyiinta hay’addan ayaa isku dayay inay si qarsoodi ah uga saaraan dalka afarta gaadhi,waxaana ay u dirayeen magaalada Baladwayne ee dalka Somaliya,halkaas oo ay doonayeen inay ka hawl galaan gaadiidkani,waxaana ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen gaadiidkan iyo qaar kamid ah darawaliintii gaadiidka waday oo ahaa kuwo shacab ah oo la doonayay inay gaadhsiiyaan magaalada Laascaanood,halkaas oo ay kusii diyaarsanaayeen darawaliin kale oo toos u galinayay maamulka Puntland ilaa inta ay ka gaadhayeen magaalada Baladwayne.
Sidoo kalena darawaliintii afartan gaadhi waday qaar kamid ah ayaa ka baxsaday Ciidanka,kuwaas oo ilaa hadda aan la garanayn halka ay ku sugan yihiin.
Waxaana gaadiidkii ay ku xidhan yihiin xarunta dambi baadhista Somaliland ee Hargeysa.
Wakhtigan ay masuuliyiinta hay’adda Hello Trustt ay doonayeen inay dalka si qarsoodi ah uga saaraan baabuurtan ayaa kusoo beegmaya wakhti lagu jiro kala wareega laba dawladood iyo xil wareejinta laba madaxwayne.

COMMENTS
LINKS