XAQIIQ DAG DAG AH: Wax Aanad Ka Ogayn Oo Ku Saabsan Cali Cabdale Saalax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XAQIIQ DAG DAG AH: Wax Aanad Ka Ogayn Oo Ku Saabsan Cali Cabdale Saalax
December 7, 2017 - Written by Reporter:

SANCA,(W,N)-Cali Cabdala Saalax wuxuu ka dhashay qoys Sabool ah wuxuuna dhashay 21 march 1942-kii wuxuuna ku dhashay tuulada Beit alahmar ee Degmada Sanhan ee Gobolka Sanca. Wuxuu ka soo shaqeeyay adhi jir,wuxuuna Waxbarashadiisii aas aasiga ahayd ku qaatay dugsi quraanka tuulada.wuxuu ka baxay 1958-kii wuxuuna ku biiray ciidanka isaga oo 16 jir ah.wuxuu maamulayay Yemen 33 sano laakiin yaraantisii wuxuu soo maray dhibaatooyin badan ka dib markii ay waalidkii kala tageen isaga oo aad u da,yar.

Capture

 

Qarniyo fara badan Salax waa hogaamiyaha kaliya ee la ogyahay inuu u soo taliyay Yemen. Wuu mideeyay markii ay u kala qaybsameen laba maamul wuxuuna dib u soo celiyay xasiloonidii ka dib markii uu wadanku goob joog u ahaa inqilaabyo milatari oo is xigxigay.

In aan ka xusno Isku day dil oo madaxwaynaha Yemen ah oo ay ku dhinteen sadex ka mid ah shantii soo xukumaysay Yemen ka dib markii xilka laga tuuray xukunkii imaamyada. 1979- kii koox ka mid ah saraakiisha nassarite oo liibiya garab ka helaya ayaa Isku dayay inay ridaan ali abdallah salah laakiin inqilaabkaasi wuu fashilmay.

Dhacdadaas ka dib salah wuxuu u magacaabay qayb ka mid ah qoyskiisa iyo qaraabadiisii maamulka ciidamada iyo haayadaha amniga,sidaa darteed walaaladii xaga hooyo ayaa la siiyay meelihii ugu mihiimsanaa. 3 dii june 2011-kii salah waxaa loo gaystay Isku day dil qorshaysan oo ka dhacay masaajidka madaxtooyada halkaas oo uu ka soo gaadhay dhaawacyo culus iyo gubasho.waxaana daawo ahaan loo geeyay sucuudiga,wuxuuna ku galay qaliino kala duwan xilkiina waxaa lagu sii wareejiyay ku xigeenkiisii abid rabi mansour hadi. Baarlamaanka Yemen ayaa si buuxda u difaacay eedaymaha danbiyada siyaasadeed ee laga yaabo inuu gaystay in kasta oo uu ka tagay xafiiska.

Warar ayaa sheegaya inuu ku lug lahaa qabsashadii dagdaga ahayd ee Caasimada Sanca ee ururka xuutiyiinta ka Dibna magaalooyinkii waawaynaa ee yemen iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah dhinaca ciidamada iyo masuuliyiintaba September 2014-kii.

 

TURJUMAADII, AXMED QABAASE

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS