“Maxaan Waxkasta Indho Qabiil Ugu Eegnaa?!” Cabdinaasir Axmed Abraham. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maxaan Waxkasta Indho Qabiil Ugu Eegnaa?!” Cabdinaasir Axmed Abraham.
December 9, 2017 - Written by Editor:

Fadliga dhalashadii Nebiga(NNKH) awgeed, waxa aan hawada idiin soo marinayaa salaan gacaltoonyo. Bariido kaddib waxa aan halkan idinkula wadaagi doonaa qodobbo aan u arkay in ay sabab u yihiin in aan wax kasta indho qabiil ku eegno.

Fahanka waxtarka dawladnimo oo aad innuugu yar iyo burburka akhlaaqeed ayaa ka mid ah arrimaha aan ku tuhmayo in ay seeska u yihiin in cid kasta ba dan gaar ah dawladda ka doonto.  (Intellectual collapse) Burburka garashada ayaa keenay dayowga ummadda iyo dhuuni-raacnimada samaha innaga indho-saabtay. Markii hoggaanka dalka dano qofeed iyo kuwa reereed lagala xaajooday waxa awood loo waayay in haddii gef uu sameeyo runta lagu toosiyo.

Dawlad kasta oo dadku doortaan dhab ahaan u jeeddooyinka rasmiga ah ee shacabku u doortaan haddii ay ka jawaabi weydo dadku sababta is ma weydiiyaan, ergooyinka shacabka ka taga ee hoggaanka xukuumadda gaadhaa iyagoo habqan ah ayay qolo kastaa tooda gaar ahaaneed kala hadashaa.  Hal-doorka ummaddu tuhunto ee cilmiga lagu majeerto samoto-bixinta ummadda ma lafo-guraan ee dalqada wax mara sidii ay kala badsan lahaayeen ayay wakhtigooda ugu badan galiyaan, mashaakilaadka ummaddeedna gaas bay ku sii daraan iyagoo hab qabiil adeegsanaya.

Qaddar kooban oo aan arrintaa ka fikiray waxa iiga baxay arrimahan hoose ku xusan in ay sabab u yihiin halka maanta aan naal. Waxa ay kala yihiin;

  1. Sooyaalkii siyaasadda qabiilku bud-dhigga u yahay “Clan based politics) ayaa hummaagyo faro-weyn kaga tagtay qalbiyada shacabka reer Somaliland. Kuwaas oo dhaxalsiiyay in wax kasta oo dawladnimo la hal maala hal-beeg looga dhigo QABIIL. Aragtida ah in indho qabiil wax lagu eego kuma koobnaan arrimaha dawladnimada oo kaliya, goor dhexe waxa ay raaf-dillaac ku noqatay warbaahinta gaarka loo leeyahay sida; Mareegaha wararka, Muuqbaahiyeyaasha iyo Joornaallada, halkaana waxa ka unkamay warbaahin madaxbannaanida iyo xornimada hadalka ee waddanka ku baaluqday salka ku haysa, tiirsimaadna ka dhigatay magac qabiil. Wixii ay adyad geysatana waxa ay ula oroddaa xagga reerka.
  2. Siyaasiga garashada curyaanka ka ah oo durbaanka qabyaaladda labada gacmood ba ku garaacay, had iyo goorna xoogga saaray sidii uu iskugu soohi lahaa dantiisa qofeed iyo danta qabiil. Halkaana wuxuu ka curiyaa sawirro indho-sarcaad ah oo indhow garadka iyo indheer garad reerkuba isku si u arkaan. Intuu xilka hayo wixii gef uu gaysto haddii cid ka hadasho wuxu dabada galiyaa qabiil. Rabbii Naxariistii Janno ha ka waraabiyee M. Xaashi Dhamac Gaarriye wuxu yidhi;

Ninkastoo dakano galay,

Qoluu dabada galiyoo,

Khalad dhacay masuul ma leh!

  1. Golaha dhaqanka oo indhowd shinni-xumaystay kuna dhex liin-baxay siyaasadda ayaa magaca qabiilkooda iyo milgahooda ba ugu adeegay siyaasiga sida Gabbal-dayaha Qorraxda la wareega.
  2. Doorashooyinka Somaliland ka hir-gala oo aalaa ba tayeeya kobciyana adeegsiga qabyaaladda, Gaar ahaanna kuwa Baarlamaanka iyo Deegaanka oo xildhibaanka qabiilkiisu u codeeyo. Hannaankaas oo ay wanaagsanaan lahayd in looga guuro degmooyin oo degmadu danaha guud ee ay wadaagto ciddii ay u aragto in ay ka shaqaynayso ay doortaan.
  3. Qaar ka mid ahaa masuuliyiintii xilalka ka qabtay xukuumadihii Somaliland soo maray oo awoodda xilka khalad adeegsaday ugana faa’iideeyay cid gaar ah oo xidhiidh dhiig ka dhexeeyo, halkii ay ummaddu ay xilka u hayaan ay ugu caddaalad samayn lahaayeen. Xuquuqdaa sad-bursiimada reernimo lagu helay waxa ay dhiiri-gelisay dareenka ah in reeruhu aanay helayn waxa ay xaqa u leeyihiin haddii aanay lahayn masuul hayb ahaan iyaga ah oo xukuumadda ugu jira.
  4. Quus iyo qalbi-jab muwaadinniinta reer Somaliland ay ka qaadeen xukuumadihii kala dambeeyay ee is-beddelay oo wixii dadku ka filayeen iyo wixii ay noqdeen kaaf iyo kala dheeri noqdeen. Xukuumadahaa sida diirta u halaloobiyay hantidii ummadda ayaa sas ka laxaadka leh beeray, haddaan murti ku soo koobno, Soomaali waxa ay ku maahmaahi jirtay; NINKII HABEENKII MAS ARKAA, DHARAARTII XADHIGGA AYUU MAS MOODAA, tan mid nuxurahaan la mid ahi waxa ay iyana ahayd; COL KU SOO GALAY CABSI KUGU REEB.
  5. Waxbarashadii dalka oo halkii mashaakilaadka nololeed ay xal uga baadi-goobi lahayd dabka ku sii hurisay qabyaaladda; midhihii jaamacadaha waddanka ka soo go’ay, caqligii ummadda iyo garashadii waddanka ayaa garaadkoodu dhanna u dhaafi waayay walaaqidda qabyaaladda.
  6. Fahanka macnaha dawladnimo oo aad u hooseeya, dawladi maxay shacabkeeda tartaa? Wasiirku miyuu yahay qof naftiisa u shaqo tagay wax ka badan?

Anigoo baadhitankaygaa halkaa ka sii wadan doona, afkaarta dadkana urursan doona waxa aan qaybtan idinku dhaafayaa…

“ Dugsi ma leh qabyaaladi

Waa dararta baahida

Waa astaanta dib-u-dhaca

Waa boog dalooshoo

Dadka maanka kaga taal

Dirxi qudhun ku nool iyo

Waxa fadha nin daalin ah

Damqa oo ku joogsada” Gaarriye (AHN)

COMMENTS
LINKS