Warqad Furan Oo ku Socota Madaxweynaha Cusub Ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warqad Furan Oo ku Socota Madaxweynaha Cusub Ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi!!
December 9, 2017 - Written by Editor:

Mahad dhammaanteed Eebbe sarreeye oo korreeye ayey u sugnaatay,nabad gelyo iyo wada jir innoogusoo dhammeeyey  tartankii doorashada madaxweynaha ee aynnu kusoo jirnay muddooyinkii u danbeeyey.Eebbe ha inna baal mariyo balaayooyinka gayiga ka jira ee aynu ka bad qabno, nabada iyo wada jirkana ummadda Somaliland ku caano maashayna,ha innoo adkeeyo.Duco iyo balaayo xijaab aan qoraalka intaasi balaysin uga dhigo.Madax weynaha cusub ee la doortay Alle aynnu uga barino xilka loo igmaday in uu uga  dhigo  mid sikhran oo uu  ka soo baxo, Allena ku asturo.Mudane madaxweyne Waxaan jeclaystay in warqadan furan kuu soo mariyo warbaahinta nooceeda kala duwan, waxaanay ka kooban tahay,dareen in badan oo bulshada Somalialnd kamid ahi ay ila qabaan qoddobada kala duwan ee hoos ku xusan ee ay warqadan furani xanbaarsan tahay.Lexo jeclo iyo wanaag aan madaxweyne kaa qabo ayaa igu kaliftay in aan warqadan furan ee bulshada Somaliland dareenkooda ka turjumaysa, waxay xanbaarsan tahay qoddobadan hoos ku xusan oo aan is idhi waxay ka mid yihiin kuwa ugu muhiimsan ee bulshada Somaliland qabaan in wax laga qabto awooddana la saaro.

muuse biixi sexeex

Magacaabista Golaha Wasiirrada Cusub.

Mudane madaxweyne, shacabka Somaliland ee ee ku doortay,waxay kaa filayaan ku gulana talin lahaayaan,haddaad talo weydiin lahayd walaw fursada la isku helayaa iska yartahay wakhtiga oo kooban iyo dawladda cusub dhisideeda oo aad ku mashquul san tahay awgeed,in aad u magacawdo gole wasiiro ah oo tiro yar tayo muuqata oo aqoon iyo waayo-aragnimo leh,baahiyaha ummaddu qabto ee maamulna sidooda u gasoo bixi kara.Mudane madaxweyne shacbiga Somaaliland meel kastoy dunida kaga nool yihiin,way ka daalleen xayn wasiiro ah oo xukuumadihii Somaliland isaga dan beeyey kasoo dhex muuqata, iyadoon waxqabad yadooda qaar kood lamahadin  mudadooyinkii ay ka tirsanaayeen ee ay la soo shaqaynayeen xukuumadihii afarta ahaa ee kaa horreeyey.Isbeddeladda togan ee bulshada Somaliland xukuumadaada ka rejayso, ayaa waxa kamid ah in aanay kamid ahaan  wasiirrada sannadaha badan bulshada hortaagnaa,indhaha ummaddana daashaday.Mudane madaxweyne wasiirrada  waxqabad koodu tolmoonnaa, haddaad dib u dirane/shaqaale bulshada uga dhigto sharaf mooyee mudane madaxweyne shar ka dheefi Maysid.Mudane madaxweyne waxay bulshada Somaliland, kaa sugaysaa in aad u magacawdo gole wasiirro ah oo  ka madax bannaan qabyaaladda iyo hebel caashaqa muddooyinka badan,  faraha baas innagusoo hayey ee ina ragaadiyey.Mudane madaxweyne magacaabista golaha wasiirrada ee xukuumada aad dhisi doonto,ku salee  shaqo aqoon, wasiirkastaa wasaaradda uu aqoonteeda iyo waayo-aragnimadeeda leeyahay waxna ka qaban karo u magacaw,si ay xukuumada aad dhisi doontaa u ga bad baado wax qabad la’aan iyo tayo xumada  in badan dawladihii kaa horreeyey ragaadiyey.Mudane madaxweyne hal wasiir maamuuskii waxa ka mudan ummadda reer Somaliland maamuuskooda iyo rabitaankooda cidda ka turjumaysa oo aad saaxadda keento si ay bulsha ugu adeegto looguna niyad samaado.Mudane madaxweyne waxa lagaa filayaa in magaacisbta golehaaga wasiirrada aadan ku salaysan abaal celin siyaasadeed. Mudane madaxweyne waxay bulshada Somaliland ee ku dooratay ee cad ceeda iyo dhaxanta kuu soo taagnaa kuuna hanweyni kaa rejaynayaan in aad talada waddanka ka qayb galiso dadka adeegayaasha bulshada ahaa eek u astaysan  waxqabadyada kala duwan ,kana madhan musuqa iyo qaraabo kiilka intooda badan siyaasiyiinteennu kusoo caano maaleen.Mudane madaxweyne dalka waxa halakeeyey kooxo wasiirro ah oo isu bahaystay cunista iyo dhaca hantida ummadda,kuwaas oo aan ciddina la xisaabtamin.Mudane madaxweyne si looga bad baado dhaca hantida ummadda waxa lagama maar maan ah in masuul kasta oo aad xil dawladeed u igmato hantidiisa gaarka ah guurto iyo ma guurtaba la diwaan galiyo si goor dhaw loogula xisaabtamo haddii uu musuq maasuq iyo wax lahal maala layimaado.

Sicir-bararka.

Sicir-bararku waxa uu kamid yahay,aafooyinka soo noq noqda ee dalkeenna ka jira,marba marka kasii danbaysanna isa soo taray weli aan xal rasmiya laga gaadhin.Dhibtuna haddaan la-af-jarin saamaynteedu way sii korodho marba marka ka danbayse jeerooy gaadho meel la xakaymayn kari waayo.Soomaliland waxay kamid tahay waddamadda sicir-bararku xadhkaha goostay gaar ahaan muddooyinkii u danbeeyey.Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,dad weynaha Somaliland waxay kaa sugayaan in aad la timaado qorsheyaal  lagu xakamanayo khatarta sicir-bararka ee maalin ba maalinta ka danbaysa isa soo taraysa.Mudane madaxweyne, dadkeennii danyarta ahaa  waxay ku sugan yihiin heer aanay waxba iibsan Karin, waxay haysteen xoolo iyo lacagna aanay  waxba aanay u jarayn, si arrintaasi looga gudbo mudane madaxweyne waxa lagaa rejaynayaa in aad  soo badhigto qorsheyaashaada koowaadna ku darsato wax ka qabashada dhibtan  sicir-bararku ummadda ku hayo.Waxa lagaa sugayaa  Alle hakugu guuleeyo in aad wasaaradaha iyo haayadaha ay khusayso hawshan sicir-bararku aad u igmato cid aqoonteeda leh, dalka iyo dadkanna ka bad baadisa dhibtan uu innagu hayo sicir-bararku.Lacagtii Qaranka ee mudnayn qiimaynta  in ay  lahaato waxa u xoog sheegtay saaxaddana ka qabsaday iyagoo  kastana uga qiimo badnaaday lacago qalaad oo ay kamid tahay lacagta Maraykanku,haddaan si deg deg ah qorshe lagu xakamaynayo lacagahaasi qalaad laga yeelanina hubaashi lacagta qaranku qiima beel iyo saaxaadda oo  ay gebi ahaan ba ka baxdo waa wax dhici kara.Mudane madaxweyna waxa lagaa rejaynayaa in aad hawshaasi wax ka qabashadeeda isu bahaysataan adiga iyo cidda ku shuqul leh ee aad u xilsaari doonto in ay ummadda u qaabil sanaato wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe.Mudane madaxweyne waxa lagaa rabaa in aad wax ka qabato,shakhsiyaadka suuqa fadhiya ee la wareegay shaqadii bangiga jamhuuriyadda Somaliland lahaa si  sicir-bararku u yaraado.

Ciidamada Qalabka sida.

Ciidamada qalabka sida ee kala duwani waa laf dhabarta qaranka jamhuuriyadda Somaliland.Xorreyntii dalka iyo dib u dhisidiisii oo ay ugu horrayso nabadayntii lagu tannaaday door muhiim ah ayey kasoo qaateen.Waa direnayaal Alle ummaddooda u sikhray hawlaha kala duwan ee ay u horrayso difaaca dalkuna hagar la’aan ayey dalkooda iyo dadkoodaba ugu qabtaan.Duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin marna kama niyad jabiyaan,shaqadooda nusqaana ma geliyaan direnayaasha qaranka.Daljiro duhur iyo habeen ba daacad u ah dalkooda weeyaan,duruufkaskata oo ay qabaana aanay marna niyadooda hoos u dhihiginayn weeyaan.Mudane madaxweyne ciidamada qalabka sida ee qaranka gaadhka ka hayaa,waxay ku nool yihiin nolol adag oo u baahan in wax badan laga qabto xuquuqda aas-aasiga ah ee ay leeyihiinna in ay helaan.Mudane madaxweyne,daljirada hadh iyo habeen ba heegan ugu jira difaaca dalku waxay ku nool yihiin nolol heer keedu aad u hooseeyo taas oo ay ugu samraan dalkooda hooyo.Mudane madaxweyne ciidankeenna sharafta lihi waxay qabaan baahida dadka caadiga ah qabaan mid lamid ah ,ubadkoodu wax barasho tayo leh,biyo nadiif ah iyo caafimaad wanaagsan oo intooda badaniba lacag aanay tahli karin laga rabo, ayey u baahan yihiin xaqna ay u leeyihiin mana helaan maada shay kastaa lacag noqday noloshu iska adkaatay.Mushaharka ay qaatana kuma final,sannadahan danbena waxaaba u raacay oo saameeyey sicir-bararka dalkoo dhan saameyey oo mushaharkii yaraa waxba wuu u jari la’dahay.Mudane madaxweyne waxa aan kuu soo jeedinaynaa in aad awooda shaqo saarto sidii ay ciidamada kala duwan ee jamhuuriyadda Somaliland,xaqooda iyo xuquuqda u heli lahaayeen,mudnaantana loo siin lahaa.Mudane madaxweyne ciidamada Somaliland waxay kaa rejaynayaa, maadaama  oo aad tahay siyaasi aan dalka ka bixin intii aynnu xornimada kalasoo nonoqonay Soomaaliya,ogna duruufaha dhaqaale iyo nololeed ee ay qabaan ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland,waxa lagaaga fadhiyaa in aad ciidamada wax u qabato iyagana aad mudnaanta siiso,halkii aad ka siin lahayd niman siyaasiyiin ah oo  magaalooyinka waa weyn aan dhinacna aan u dhaafayn qaarkoodna ubadkoodii qurbaha geystay,.Mudane madaxweyne waxa lagaa rejaynayaa in aad la dareen noqoto ciidamada kalad duwan ee habaaska,.cad ceedda iyo roobku ku qaadeen siday u difaaci lahaayeen qaranka nafaha badan innaga qaba ee aynaan hadiyada ku helin.Mudane madaxweyne waxa lagaaga fadhiyaa adiga iyo inta aad madaxweynaha u tahay ee reer Somaliland sidii wax loogu qaban lahaa askarta   sooh dimaha /jiidaha jooga ee u badkoodiina u awoodi la’ in ay la nolol noqdaan kuwa dhiggooda ah.Mudane madaxweyne waxanu Eebbe kaaga baryeyaayaa in uu xilkaasi laguu igmaday kugu asturo kuuna fududeeyo,adna waxa lagaaga baahan yahay in aad latimaado shaqo hufan oo daacadnnimo iyo karti ku dheehan tahay..

Wax Soo Saarka Beeraha.

Dunidan aynnu ku nool nahay,beeruhu waxay kamid yihiin,kaabeyaasha dhaqaalaha ee waddan leeyahay.Waddanba waddanka uu wax soo saarka beeraha kaga horreeyo dhaqaalihiisuna wuuka fiican yahay.Xilligan aynnu joognanana waxa lagu tartamayaa  wax soosaarka dhinaca beeraha.Hoggaamiye kastaanna waxa uu qorsheyaashiisa horumarineed ugu horraysiiyaa beeraha,si dhaqaalaha waddankiisu kor ugu kaco,loogana badbaado khataraha cunto yaraanta ee dunida maalinba maalinta ka danbaysa kusoo badanaya.Dadka  Somaliland ku nooli waxay kamid yihiin,dadyowga aan wax soo saarka beeraha in yar mooyaane aan awoodda saarin, dadka reer Somalilnd ee wax beertaana dhaqaale ku filan iyo taageero dawladeed ma helaan,dhammaan cuntooyinka aynu isticmaalnana badidooda waxa la innoogasoo waarida dunida kale,cuntooyinkaasi oo aan caafimaad iyo tayo ahaan ba aan wanaagsanayn. Dunida wax kastaa in ay dhacaan waa shay lasurayn karo,tusaale ahaan  haddii ay dhacdo in waddamada la inooga keenno cuntada ama baddaha ay soo maraan dagaalo ama masiibooyin dabiiciya ka dhacaan dadkeennu gaajo ayey u dhiman doonnaan,Haddii aan talo qaran laga yeelanin nolosha inta ka hadhay waxaynu ku jiri doonnaa in aynu ahaanno Saylad wax lagu kala iibsado ama dad cid kale noloshoodu ku xidhan tahay .Mudane madaxweyne waxa lagaaga baahan yahay in aad isugu yeedho dhammaan khubaradeena cilmiga beeraha iyo deegaanka si looga bad baado khataraha cunno yaraanta ee innagusoo fool yeelan karta.Mudane madaxweyne dalna horumar ma gaadhi karo jeer uu waxbeerashadiisa kor u qaado,adna markaad ololaha ku jirtay dhawr gooboow oo aad ka khud badaysay waxaad ka balan qaaday in aad wax beerashada awooda saari doonto,dhulkeenna wax beerida ku habboonna aad bulshadaada uga faa’iidayn doonto.Mudane madaxweyne ku dooranay oo hoggaankii qaranka kugu hubsanaye waxa lagaa rabaa in aad balan qaadyadaadii ay kamid ahayd wax soosaarka beeraha in aad kor u qaadayso fuli.

Waxbarashada.

Tani iyo markii dalka dib loo gusoo noqday,waxbarashada dalku,heerar kala duwan ayey soo martay.Waxa lasoo maray wakhti dugsi dhisan daaye aan lahayn goob ardaydu ay cad ceeda iyo roobab da’aya kaga gabadaan.Heerarkaasi kala duwan ee aynnu soo marnay,haddana marnaba bulshadeenna gaar ahaan bahdii waxbarashadu umay yaray san  oo hadh iyo habeenba heegan ayey u ahaayeen in ubadkeennu dunida la jaan qaadaan dad iyo dalna lagasoo kabto oo ummaddu wax barato.Dedaalo lama yaraysan,qofkastaana waxa uu guntiga dhiisha isaga dhigay,sidii ummaddeennu jahliga iyo burburka ku dhacay waxbarashadii dalka dib loogusoo celin lahaa, waxaana la bilaabay in ubadka geedaha hoosta iyo iskuuladii dumay qaarkooda jiingado loo saaro si aanay ubadku u baabi’in uguna dhex milmin duruufaha adage e waddanku xilligaasi ku sugnaa.Maalin ba maalinta ka danabysa waxbarashadu way isasoo taraysan waana lagu niyad samaa in maalin uu wax is beddeli doonnaan lana gaadhi doonno timaado/mustaqbal tolmoon oo lagu tannaado.Wax barashadu waa hagaha bulshada,shay kastaana kama maarno in qorshe iyo siyaasad wax ku ool ah loo dajiyo.Manhaj qurux badan oo si qumman loo qaabaayey ayaa waxa uu soo saari karaa,ubad dad iyo dalba anfaca.Muddooyinkii u danbeeyey dalkeenna wax barashadii way biyo dhacday,waxaanay gashay ganacsi qofkii lacag haystaaba uu iska furto dugsi lacagta uu doonno uu ka qaado,qaarkoodna manhajka dalka aan laguba dhigin,taasina waxay sababi doontaa in dhallinyaro dubka Soomaali ah, balse dad yaw kale afkaartood xanbaarsani in ay soo baxaan.Mudane madaxweyne dhibaatooyinkaasi waxbarasho ee tirada badan leh ayaa dalkii hadheeyey,waxbarashadii dalkuna dhammaanteed waxay gacanta u gashay dad gaar ah,dugsiyadii dawladdana xaalkooda wax barasho waa liitaa, ardayda wax ka barataana dhammaantood waa in tahli kari weyday dugsi gaar loo leeyhay oo Dollar laga qaato.Mudane madaxweyne waxa lagaaga fadhiyaa in aad tayadii waxbarashada dalka aad soo celiso,jaamacaddaha iyo dugsiyada  tirada badan leh ee dalka mahalakeeyeyna aad wax ka qabato,wax barashada dalkana aad ku dedaasho tayeynteeda.Mudane madaxweyne waxa latabayaa oo gabi ahaanba meesha ka baxay dugsiyadii farsamada gacanta oo lafdhabar xoog oo shaqaale waddanka u saari lahaa,waxa lagaaga fadhiyaa  kuwa hadda jirana  aad tayeyso siina xoojiso.Mudane madaxweyne waddanka waxa ka furmay jaamacado tiro badan oo qaarkood tayadooda aanay heerkii looga baahnaa Gaadh siisnayn, taasina qaranka uma wanaagsan oo berri waxay soo saari doonnaan  muwaadin aan wax baran taas oo a sababi karta in dhalinyaradu nolosha dalka ka dayriso tahriib iyo wax yaabo kale ay miciin sadaan,si dhibtaasi looga hortago waa in lagu dedaala tayeynta wax barashada.

W/Q Muxiyadiin Jaamac Xirsi

Hargiesa, Somaliland

Tell: 0634149234  

COMMENTS
LINKS