Madaxweyne Muuse Biixow Ma Hadhin Hadal Lays Yidhaahdaaye Waxaad Iga Gudoontaa Hadiyad Ah Shaabuug Iyo Birlab Weyn!!!!! By Rashiid Sulub Caalin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixow Ma Hadhin Hadal Lays Yidhaahdaaye Waxaad Iga Gudoontaa Hadiyad Ah Shaabuug Iyo Birlab Weyn!!!!! By Rashiid Sulub Caalin
December 12, 2017 - Written by Reporter:

Ugu horrayn, waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa la doortay Muuse Biixi Cabdi Iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi xilka ay bulshadu idiin soo xulatay in aad hoggaamisaan shanta sanno ee soo socda.

 

caaa(4).jpg

Afar cisho horteed maqaal aan qoray Mudane Madaxweyne, waxaan faray Dadweynaha reer Somaliland dardaaran sidan u dhignaa‘Reer Somaliland-oow Madaxweynaha Somaliland ee la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi waxaad kula shaqeysaan a) Hadal yar iyo Hawl badan. B) ka daaya Madaxda aad doorateen hagardaamooyinka aynu 100 sannadood u danbeeyay ka tallaabsan kari waynay oo ah, dan-Shaqsi, Dan-Reereed iyo mid Kooxeed oo lala gudo hadh iyo habeen. Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu garansiiyee. Waxa ila gudboonatay Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa in aan u soo gudbiyo dardaaran, anigoo Warbaahinta idiin soo marinaya. Waxaana aan rajaynayaa in aad ka heli doontaan dardaarankaygan wallow aad ku mashquulsan tihiin hawlaha Xil-Wareejinta iyo Dhisidda Xukuumadda Cusub.

Mudane Madaxweyne, sida aad ogtahayba adigoo iga Waayo-aragnimo iyo Aqoon badan, laga soo bilaabo 1985-kii da’dii dhalatay iyo intii kacaantayba waqtigaas waxa haleelay waran holcaya oo ka dhashay Dowlad xumadii, dagaaladii lagala hor-tegay Maxamed Siyaad barre, Qaxii, duruufihii lagala kulmay dagaaladii sokeeye iyo marxaladihii qallafsanaa ee la galay hawlo  baxad weyn oo lagu dhisayey Haykalkii Dowladnimo oo aad ka mid ahayd Raggii Udub dhexaadka u ahaa. Arrimahaasi oo dhaliyey mudasho badan oo dadka Reer Somaliland gude iyo debadba soo wada gaadhay, gaar ahaan da’dii dhalatay amma kacaantayba ilaa 1985-kii,xagga maskaxda iyo dhaqanka, Kuwaasi oo aan waqti iyo dhaqaaleba loo helin sidii loo dhisi laha iyo la jaan-qaadka nololeed ee soo wajahay.

Ilaahay mahadii, inagoo maanta haysana Dowlad adag oo hanaqaadday, jug kastaba ha ina gaadhee, intii dhimatayna iyo inta ku dhaawacatayba Alleh ha u naxariistee, waxa soo baxay sida aad ogtihiin badankiinu kooxo aan ugu yeedho Shaadh-Madobayaal. Kuwaasi oo si gurracan oo cadowtinimo axmaqnimo ak ugu caano maasha Tuugada, Musuqmaasuqa Hantida Qaranka ee la wada leeyahay mid dhintay, mid nool iyo mid iman doona iyo dhabar ka jabinta Nidaamka Dowladeed ee aas-aasiga ah  ee lagu kala dambeeyo. Sidoo kale, qolooyinkaas Shaadh-madobayaashu waxay  ruxaan tiirarka Dowladnimo, iyagoo ku gabbanaya Reero amma kooxo.

Kooxdan Shaadh-madobayaasha ah, oo kolba Madaxda Dalka hoggaaminaysa hoos yaacda, hor yaacda oo daba yaacda waxay isku dayaan in ay Madaxda ka weeciyaan jidkii toosnaa ee lagu doortay in ay ku hagi doonaan Waddanka. Kooxdan oo aynu ka wada war-qabno badankeenu sida ay u shaqeystaan iyo ujeeddooyinkooda, gaar ahaaneed ee ay leeyihiin, waxay tumaatida ugu weyn ku dhuftaan haykalka Dowladnimo ee la wada hadhsanayo, Bacad-dhiga Danyar iyo inta jilican, iyagoo isku xidhaya Masuuliyiin Dowladda ah iyo xubno bulshada ka mid ah oo ay ahayd inay kala madax-banaanadaan, mid walbana ku eekaado shaqadii loo igmaday si sharciga iyo shaqadiisa waafaqsan. Waxaanay isku xidhaan kuwii la kala ilaalin jiray marka laga hadlayo Maamul-wanaag oo dab iyo dhagax isku ah. kuwaasi oo kala ah, qaar ka mid ah Siyaasiinta, Ciidamada Qaran, Ganacsatada, Xeer dajinta iyo Hay’adaha Garsoorka,kuwa qalinka & Shaanbada gacanta ku haya ee loo igmadey in si cadaalad ah ay u adeegadan Bulshada,Dilaaliin an Damiir laheyn. Kooxahani tabaha ay adeegsadaan amma ay iskugu  xidhan yihiin oo ay ku dambeeyaan oo ay noqdaan Maafiyo ma naxdo ah oo rogmasho iyo kala yaac bulshadeena u horseedi kara.

Sidoo kale, waxa iyaguna jira koox kale oo bulshada ka mid ah oo aan u aqaano Shaadh-caddayaal oo Ilaahay ka badbaadiyey isbeddeladii Wajiyadda kala duwan lahaa  ee  soo dhacayey ee wagaagaas kor ku soo xusney oo ah koox wata ama leh dhaqan suuban, oo ah Xalaal-quutayaal, Aqoonyahano, Mujaahidiin, Culimo khilaaf ka madax badnaan, Madax-dhaqameedyo iyo dad wanaagsan oo bulshada ka soo dhex baxay. Dadkaas wanaagga u saaxiibka ah oo ay Shaadh-madobayaashii  kor ka mareen oo Cagta ay mariyeen, oo ay sharaftooda meel weyn kaga dhaceyn, iyadoo aysan aheyn in la siiyaba markii horeba fursada ay taasi ku dhacday lana saxo ayaa loo baahan yahay in laga takhaluso dhamaantoon,waxii towbad keena mooyaane,  Umaddana laga sifeeyo kor iyo hoosba Shaadh-caddayashana   Waddanka daacadda u ah, arrinkaas oo aynu ku khasbannahay oo aynaan sinaba uga hawl yaraysan karayn.

Haddba, Mudane Madaxweyne si aad u gaadho himilooyinkaagii iyo ballamahagii lagugu doortay, waxaan kugula talinayaa, in Shaadh-madobayaasha  aan hawshooda kor ku xusay oo bara-dheeraysiisay Maafiyadii Talyaaniga ka jiri jirtay in anay ku soo hawaysan agtadana ka soo wareegin. Shabuugga aan kuugu talo-galayna waxa loo baahan yahay in aad ku karbaashto oo aad xadka kaga saarto Shaadh-madobyaasha aan ifka ugu necebahay, ee hantideenii Qarankeena maalin cad horteena ku baabi’iyey. Sidoo kale, Birlabta Weyn oo la socota Shabuuga aan kuugu talo-galayna shaqadeedu waxay noqonaysaa in Reer Somaliland Shaadh-caddayasheeda in ay kuu soo jiido, meel kasta oo ay joogaanba oo ay kula garab galaan hawlaha Qaranka ee balaadhan ee wax ka qabashada weyn u baahan.

Ugu dambayntiina waqtigii aad ku jirteen ololaha iyo markan dambe ee aad ku guulaysateen xilalka cid kasta oo ka mid ah Somaliland waxay idinkula talinayeen si hagar la’aan ah in aad ka dhabaysan ballan-qaadyadiina iyo barnaamijyadiina, aniguna waxaan ku soo xidhayaa dardaarankaygan kalmadihii lagu soo gaba-gabayn jiray baydadka Hees Caan aheyd oo ay tiriyaan Hobaladii Wabari oo guubaabo waxqabad ahaydoo uu sameeyey Alla ha u naxariistee abwaankii weynaa eeCALI SUGULEH  oo ah ‘Ma Hadhin, Ma Hadhin Hadal la is yidhadayee’, ee iga gudooma ,oo Hawl gala. oo Geediga Guuleystayaal Waday Wadaay! ,waa halkii uu Alle ha u naxariiste abwaanka kale ee Caanka ahaa eeHassan Sheekh Muumin Hees Caan ah ku yidhi 1962 madaxdii markii lays raacay la doortay ee ka dhamaan waayey Danahoodii Gaarka ah,ee aniguna Barnaamikayga Wadankeena aan ka wado ee qaybaha kala duwan leh aan magaciisa ugu soo qaadey.!

waanan idiin ducaynayaa inuu Ilaahay idinku asturo xilalka hoggaamineed ee aad Qaranka u qaddeen.

Qallinkii: Haldoor Rashiid Sulub Caalin, Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781.Somtel4426781

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
LINKS