“Khudbadii Uu Jeediyay Madaxwayne Muuse ka Dib Markii Xilka Loo Dhaariyay Ayaa Inagaga filan Aragtidiisa”Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Khudbadii Uu Jeediyay Madaxwayne Muuse ka Dib Markii Xilka Loo Dhaariyay Ayaa Inagaga filan Aragtidiisa”Cali Guray
December 13, 2017 - Written by Editor:

Khudbadii uu jeediyay Madaxwayne Muuse ka dib markii xilka loo dhaariyay maanta ayaa inagaga filan aragtidiisa uu doonayo inu ku hogaamiyo dadkiisa mudada uu xilka hayo. In kasta oo aanay qoraal ahayn hadana waxan odhan karaa waxay ahayd mid dhinac kasta taabanaysay oo dhamays tirnayd. Ilaahay hortii wuxu inoo cadeeyay inu yahay Madaxwayne aragti leh, garanaya dhibaatooyinka dalkiisa ka jira ee dadkiisa haysta, isla markaana ay ka go’an tahay sidii uu wax uga qaban lahaa si uu dadkiisa u gaadhsiiyo nolol ka door roon tan maanta oo uu sheegay in tahay mid hoosaysa marka, waa sida uu yidhiye Somaliland ay tahay dawladda sedexaad ugu saboolsan dunida isla markaana wuxu cadeeyay in dalkiisu uu ka mid yahay kuwa qaadhaanka loo ururiyo hankiisuna yahay in Somaliland ay ka mid noqoto kuwa iyagu qaadhaanka bixiya, ilahay ha u rumeeyo hankiisa sareeya eh.

Waxan hoosta ka xariiqay fariin ku socotay dalalka gobolka iyo dunidaba markii uu ka hadlayay dhinaca nabadgelyada oo sida aynu og nahay Somaliland ay ku bixiso miisaniyadeeda 60% wax ku dhaw taas oo uu sheegay inay ka go’an tahay dhinacyada caafimaadka iyo tacliinta cid wax kala qabata oo ka caawisaana aysan jirin. Dabcan fariinta Madaxwaynuhu uu beesha caalamka iyo dawladaha gobolkaba u dirayay waxay ahayd in sidii hore aanay shaqayn doonin ee cid waliba ay kaalinta kaga beegan diyaar u noqoto sidii ay u qaadan lahayd nabadgelyada Somaliland heer qaran, heer gobol, iyo heer caalami ahba hadii kale Somaliland keligeed dhibaatadu u gaar noqon mayso ee waxay u noqon kartaa gobolka iyo caalamkaba. Taasina waa runtii waayo Somaliland waxay dhacdaa dabada furan ee Badda Cas ee loo yaqaano Khaliijka Cadmeed waxana dhinaca galbeedka kaga dhaw marin biyoodka Baabul Mandab oo muhiim u ah ganacsiga badeecadaha u kala gudbaya dunida daafaheeda iyadoo xeebta ugu dheer ee Koonfurta Khaliijka Cadmeedna ay tahay Somaliland.

Ugu dambaystii anigu mustaqbalka Somaliland kama dayrinayo ee rejo fiican ayaan arkaa shacbiga Somalilandna waxan odhanayaa “ waa bishaaro ee bil khayr wada dheha

COMMENTS
LINKS