Fariin caafimaad: Kawaanka Caasimada Oo Ay Aad U Hooseyso Nadaafadiisa Guud | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fariin caafimaad: Kawaanka Caasimada Oo Ay Aad U Hooseyso Nadaafadiisa Guud
December 14, 2017 - Written by Reporter:

Waxa kale oo loo baahanyahay in shirkada masuulka ka ah kawaanka qalinka xoolaha caasimadu in ay xil balaadhan iska saaran nadaafada

 

Capture

Kawaanka caasimada oo ay aad u hooseyso nadaafadiisa guud hanoqoto  nadiifinta goobaha qaliinka loogu talo galay sida kawaanka geela iyo loda  madaama ay jabtay mishinkii loogu talo galay diyaarinta biyaha kulul oo loogu talo galay nadaafada kawaanka  sidoo kale waa in loo isticmaala waqtiga nadaafada  madada chlorine oo runtii qayb laxaad leh ka qaadata nadaafada kawaanka iyo la dagaalanka noolaha keeni kara  cuduro laga qaado qalinka xoolaha waqtiga lagu guda jiro  qaliinka xoolaha  oo ah subaxa hore

Waxa kale oo loo baahanyahay in shirkada masuulka ka ah  kawaanka qalinka xoolaha caasimadu in ay xil balaadhan iska saaran nadaafada  weelka hilibka xoolaha loogu qatay waqtiga qalinka kadib  sidoo kale waa in ay kor u qaadan nadaafada gadiidka qalinka hilibka xoolaha loogu qaado  bulshada xoolaha loogu qalay kawaanka caasimada

Waxa meesha ka baxday in aan la baadhin caafimaad qabka xoolaha lagu qalayo kawaanka xoolaha sida dr wasaarada xanaanada xoolaha iyo wasaarada caafimaadka qaybteeda  public health section si loola socdo in xoolaha la qalay ay fayoqabaan cunista  hilibkooda waa in ay ku cadahay warqada cadaynta baadhista caafimaadka hilibka lagu qalay kawaanka maadama xoolaha qalinka  caasimadu uu aad u badan yahay

Waxa ta kale meesha ka baxday in dadka xoolaha qalanaya in ay ka xidhaan waqtiga qalinka gloves iyo dress loogu talo galay si aanay uga qaadin dhiiga qalinka xoolaha  cudurka Brussels

ama toxoplacemosis  oo ku keeni kara dumarka xoolaha ku qalanaya kawaanka cudurka dhiciska haweenka

Isku soo wada gee shirkadii masuulka ka ahayd nadaafada goobta qaliinka oo hoos u dhigtay hawshii ay u xilsaarnayd ee nadaafada kawaanka  iyo fayo qabka hilibka aynu cuno taasna waxa masuuliyadeeda iska leh wasaarada caafimaadka oo ka seexatay  in ay kormeer joogto ah ku samayso  goobta qalinka caasimada

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS