“TABNAAN IYO TOGNAAN XUKUUMADDA MADAXWEYNE BIIXI”Cabdinaasir Axmed Abraham | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“TABNAAN IYO TOGNAAN XUKUUMADDA MADAXWEYNE BIIXI”Cabdinaasir Axmed Abraham
December 15, 2017 - Written by Editor:

Qoraalkaygayan abbaarkiisu yahay saluuggayga xukuumadda M. Biixi wuxu ku soo hagaagay xilli guud ahaan dadkii rajada weyn ka qabay in uu M. Biixi soo dhisi doono xukuumad ka duwan kuwii hore ee lagu hungoobay, yididiilooyinkaa iyo nayaayiradaa shacabku ay burburtay.

Goor shacabkii rumaysnaa in M. Biixi xog-ogaal yahay dhismaha xukuumaddiisuna run waaqic ku dhisan noqon doonto Iyana u arkaan riyo aan rumoobin.

Ammin dhagaha shacabka ay wali ka sii dhex guuxayaan hadallo wanaagsan oo ka soo yeedheen M. Biixi oo laga filayay in xukuumaddiisu noqoto mid ka turjunta Somaliland la wada leeyahay. SIdaa darteed, ayaan aragtidayda nooca xukuumadda M. Biixi soo dhisay ay u eeg tahay halkan idinkula wadaagi doonaa. Hasa yeeshee, ka hor inta aynaan u gundo-deggin aan idin la wadaago dhowr maalmood uun ka hor inta aanu Madaxweyne Biixi soo dhisin xukuumaddiisa Maqaar-saarka ah ayaan qoraalkan warbaahinta ku baahiyay.

“Xarriiq-dhaqaaqa taageerada iyo mucaariddada xukuumadda Biixi waxa bud-dhig u noqon doona hannaanka dhismaha xukuumaddiisa. Sidaa darteed, qofkasta oo waddanka lexejeclo ka qabaa weydiimaha maskaxdiisa ku dhex hirdamaya waa qaar dhismaha xukuumadda ku aaddan. Anna waxa jeclaystay inaan halkan idin kula wadaago qaar ka mid ah su’aalaha dhex guclaynaya maskaxday ee ku aaddan odoroska xukuumad noocee ah ayuu Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi soo dhisi doonaa?”

Weydiimahii qoraalkaa aan isku weydiiyay waxa ka mid ahaa;

  1. Xukuumad ka jawaabta tabashooyinka guud ahaan qabaa’ilka Somaliland leh oo iyaga laftoodu gudahooda sii kala qaybqaybsan siduu u soo dhisi doonaa?
  2. Dhismaha xukuumaddiisu ma noqon doontaa mid isku soo jiidda quluubta kala irdhowday ee qabaa’ilka Somaliland leh?
  3. Yagleellida xukuumaddiisu ma waxa ay ku dhisnaan doontaa habkii, sidii iyo cidii taageertay intii uu halkanka ugu jiray kursiga Madaxweynenimo? Haddii ay sidaa ku dhisnaatona maxay cidhib xumo keeni kartaa?
  4. Xubnihii xukuumadda M. Siilaanyo ee ummaddu nacday ee intii ay xilka hayeen hawadooda la ciyaaray maantana barbar yaacaya Muuse Biixi lana soo shaqeeyay kuwaas laftooda maxaa uga meel yaal?
  5. Haddii kuraasta hab qabiil qaybintooda lagu salaynayo intee in leeg buu la tashan doonaa dhaqan yaqaanno “Anthropologist” taariikhda Somaliland, aqoonta qabaa’ilka iyo saami qaybsiga kuraasta intaa isla wada eega oo ka talo bixiyo xukuumad dhaqan siyaasadeed dhismaheed?
  6. Ma soo dhisi doonaa xukuumad aqoontu hagto ama bud-dhig u tahay oo sahan, cilmi baadhis iyo talo-wadaag qorsheyaasheeda ku fulisa?
  7. Masuulka magaacibistiisa bud-dhig looga dhigayo reernimo reerka laftiisa nin noocee ah ayuu Muuse Biixi Cabdi ka soo xuli doonaa?
  8. Dariiqii Madaxweyne Siilaanyo maray ee ahaa in xukuumaddiisa uu ku soo daro xubnihii ugu dhibaatada badnaa intii uu loolanka ku jiray sidaas oo kale awood ma u yeelan doonaa Madaxweynaha la doortay in uu kuwii ka soo hor jeeday cafiyo wali ba xilal u dhiibo?
  9. Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi reerka uu ka dhashay(Sacad Muuse) xilalka ay ku wadhwadheen ummadda ma u qeybin doonaa mise waabu uga sii badan inta ay hadda hayaan?

Sida aan qoraalkaygaa ku bilaabay xarriiqa taageerada iyo mucaaridadda xukuumadda M. Biixi soo dhisi doono, waxa jaan-goyn doona habka uu xukuumaddiisa u soo dhiso. Maanta dareenka dadka ayaa ka jawaabay hal-xidhaalahaa. Aan uga sii gudbo nuxurka fikirkayga xukuumadda M. Biixi soo dhisay.

Qodobbada aan ku bogaadinayo dhismaha xukuumaddan waxa ka mid ah;

1.01. DHISMAHA XUKUUMAD DHALLINYARTU SAD WANAAGSAN KU LEEDAHAY

In xukuumadda M. Biixi ay dhallinyartu ku badan tahay waa guul weyn marka aan dareen sannahay dhibkii ay da’yarta u geysatay siyaasadda aan laga hawl-gabin. Dhallinyartan oo aan qiyaasayo in da’ ahaan ay 34 jirro ka yar yihiin, waxa aan ku tilmaami karaa hannaan cusub oo dhismahiisa curin xeel-dheeraani ka muuqato. Aragtidayda xulashada dhallinyartan xoogga ahi waxa ay muujinayaa dhowr arrimood oo mid ba gaarkeeda ahmiyad weyn u leedahay. Kala ahna sidan;

  1. Tababar ama layli lagu siinayo dhallinyarta hoggaanka siyaasadda iyo shaqada qaranka si ay u beddelaan jiilka talax-gabka ku dhow oo saaxadda siyaasadda goor dhow wakhtigu ka saari doono.
  2. Diyaar garaw hoggaanka xukuumadda ah oo farta ku fiiqaya in xubnaha golaha wasiirradu u diyaar yihiin shaqo badan oo adag sidaa darteena luugu baahan yahay “Wadneyaal cusub oo aan sahal ku neeftuurayn.
  3. U guus goyn kooxdii koobnayd ee fagaaraha siyaasadda sida dhillow-yahanka uga dul baxay Qaranka. IWM.

Xilalka waaweyn ee da’yarta loo dhiibay waxa ka mid ah;

– Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, Wasiirka Wasaaradda Hurumarinta Maaliyadda.

– Yuusuf Mire Maxamed “Boos” Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarta iyo Ciyaaraha.

– Maxamed Axmed Maxamuud “Cawad” Wasiirka Wasaaradda Hurumarinta Maal-gashiga.

– Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen, Wasiir-ku-xigeenka WasaaraddaIyo Arrimaha Debedda.

– Cabdiqani Maxamuud Caateeye Wasiirka Caddaaladda.

– Xuseen Ibraahim Xasan “Buuni” Wasiir-ku-xegeenka Wasaaradda Qorshaynta kuwo kale.

 

1.02. MIDAYNTA WASAARADO HORE LOO KALA JARAY IYO KUWA UU M. BIIXI GARTAY IN MIDAYNTOODU AHMIYAD WEYN LEEDAHAY IYO KUWO UU CURIYAY

In wasaarradaha qaar oo hore laba wasaaradood u kala ahaa uu mideeyay M. Biixi. Kuwaas oo aan ka xusi karo;

– Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Kalluumaysiga. Waxaana hadda luugu yeedhi doonaa, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hurumarinta Kalluumaysiga.

– Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Dhaqanka. Haatanna isku ah, Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

– Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurku waa wasaarad lagu biiray shaqo Qaranku baahi weyn u qabay oo ah qabyo-tirka Xeerka Qaranka (Dastuurka) oo u baahan kaabis iyo wax ka beddel door ah( Amendment) Haddii wasaarraddani shaqadeeda si habsan u qabsato waxa xal loo heli doonaa arrimo badan oo xeerkii caddayn lahaa ama qayixi lahaa uu ku dhaafay, xeer baa qeexi doona.

1.03. KURAASTII JILIBKA MADAXWEYNUHU KU WADHWADHEEN OO UU HOOS U DHIGAY

In xilal dhowr ah oo xukuumadda ay jilibka madaxweynuhu (Sacad Muuse) ka hayeen uu ka qaaday.Taasi oo ah hal tallaabo oo dhinaca wanaagsan loo qaaday. Haddii uu ku dhiiran lahaa saamiga kuraasta ee beesha dhexe in uu intan ka yareeyo, waaxda uu iyaga ka soo jarana siiyo qabaa’ilka hore u saluugsanaa saami qaybsiga xukuumadda.

1.04. XUKUUMAD QURBE-JOOGTU KU YAR TAHAY

Xukuumaddii M. Siilaanyo Qurbe-joogtu waxa ay ku dhowaayeen saddex-daloolow-laba, waxa aad mooddaa in tan uu M. Biixi soo dhisay ay u badan tahay dad xog-ogaal u ahaa xaalka waddanka oo iskugu jira dhallinyar waddanka wax ku baratay, oo aan ka soo qaadan karo, Wasiirka Caddaaladda Cabdiqani Maxamuud Caateeye “Fariid” Wasiirka Hurumarinta Maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi Raage iyo shakhsiyaad kale oo rug-cadaa ah oo uu gadhwadeen u yahay Maxamed Kaahil Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

QALLOOCA MUUQDA WAJIIGA HORE EE DHISMAHA XUKUUMADDA M.BIIXI

Markii aan eegay dadyow kala duwanaa ee indheer-garadka ahaa ee noocyada bulshada oo dhan matalay ee uu M. Biixi talada waddanka wax ka weydiiyay, ee aan u geeyay in uu xog-ogaal u ahaa guud ahaan waddanka wixii ka dhacay

shar iyo khayr ba waxa ii soo baxday in uu soo dhisi doona xukuumada tan hordhaceedu hadda muuqdo ka barako badan waxa aanan ku dhaafayaa meerisyadan;

“Duluc-furasho mooyee,

Ducatay oo wax may dhalin…” Gaarriye.

1.01. MAGACAABISTA WASIIRRADAN HOOS KU XUSAN KUWA LAGU HUNGOOBAY AYAY IILA MUUQDAAN

Xubnaha golaha wasiirrada ku jira xukuumadda Biixi ee waxa ku jira kuwo xilalkii hore ee ay ummadda u hayeen dayacay oo hadda xil kale loo igmaday iyo qaar aan waaqica dalka wax badan ka ogayn oo ay aad u adag tahay in ay la jaan qaadaan. Markii aan magacyadooda maqlayna waxa maskaxdayda ku soo dhacay meerisyo uu Hadraawi lahaa oo maansada Debed-yaal ku yjiray. Waxay ahaayeen;

Wuxu yidhi degmadaydu

Duleed-joogta maqashiyo,

Ka hagrada ma durugtada,

Ayay geel u dirataa.

  1. Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faarax, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
  2. C

Abdiraxaan Cabdillaahi Faarax Diiriye “Guri-barwaaqo” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

  1. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw-Yuusuf. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurumarinta Jidadka.

LA SOCO…

COMMENTS
LINKS