Maxaa Hawl Idin Sugeysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Hawl Idin Sugeysa!
December 16, 2017 - Written by Reporter:

wax badan bay ku celcelin jirtey inay Dhalinyarada Tamarta iyo aqoonta badan kursiga uga weydaaranayso

Bashiir Tarabi(16)

Wixii oo Wasiiro buurbuuran ahaa,Wasiirro cod iyo muuq lahaa,Wasiiro Jareexada belaayo ku qabey,wixii Rag sheegan jirey waraaqihii Ninka Caddi bixiyey oo dhan,Madaxweyne Biixi wuxuu kalasoo baxay intiinaa.Laydiinka minan fadhiyee.

 

Waxaan aad u bogaadinayaa Wasiirka keliya ee uu Madaxweynuhu kalasoo baxay Wasiiru dowlayaashii,waa Sheekh Maxamuud Xaaji Aadan oo loo magacaabay Wasiirka Dastuurka iyo isku xidhka Golayaasha,isaga indhahaa lagu wada hayey,Marwo Baandare iyo Marwo Hinda Gaanina waan bogaadinayaa,waxaan iyagana bogaadinayaa Wasiirka Maaliyada iyo inta ku qoran Fartii Marwo Samsam wax u eg,wax badan bay ku celcelin jirtey inay Dhalinyarada Tamarta iyo aqoonta badan kursiga uga weydaaranayso,iyaga Hargeysaa lagu carbiyey markaa waa inay cidkasta wax dheeraadaan.Mudanayaasha Sacad Shire,Gaafaadhi,Faratoon,Muumin Seed,Sheekh Khaliil iyo Mujaahid Maxamed Kaahinna si diiran baan u bogaadinayaa,kuligood Golaha waan bogaadinayaa.

 

Madaxtooyada Somaliland kama howl yara Aqlalka Cad,Madaxweyne kastaa wuxuu galaa isagoo Doobta labada dhinac ka ridaya,Sanad ka dibna waxaad odhanaysaa kumaa dhitinaya? wanaagga dadka reer Somalilad ayaa isna sida ayskiriimka u dhalaaliya.jilayc uun bay ka qaadaan iyo masuuliyadda oo ay qaar dad kale ku casuumaan,Madaxweyne Muuse Biixi isaga loogama fadhiyo inuu dhakhso u raabuqo,mihnadiisii hore iyo magaca Aabihii baa ka markhaati ah.

 

Bashiir Tarabbi Oogle.

COMMENTS
LINKS