Muwaadin Wax Ka Baro Taageerada Saxda Ah Ee Xaqa Ah Ee Siyaasadu Siday U Taal W/Q: Maxamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Wax Ka Baro Taageerada Saxda Ah Ee Xaqa Ah Ee Siyaasadu Siday U Taal W/Q: Maxamed Hagi
December 16, 2017 - Written by Reporter:

Madaxweynaha aan inta badan u ololeynaayey waad i ga haysaan reer Somaliland-now – waa ninkaa nool ee xis iyo xoog ba u xayga ah – waa nin la xisaabtami doono kuwa uu xilalka hay’aadka dawladda idiinku dhiibay oo midhkaa baqo kama qabo.

25446030_2064312753595100_1661999678467535029_n.jpg

Waa nin go’aan adag, cidna aan u habran, caddaalad jecel, run la saaxiib ah oo aan oday iyo deegaan sadbursiinyo doon ahi ilduuf ku kellifi karin. Waa nin jecel dal iyo dadba in la doogo oo dacarta muudsigeeda la qabatimay oggol in hal mar la tufo midhkaa iyana ku kalsooni.

Dacarta muudsigeeda la qabatimay waxa aan ka wadaa; musuqa, eexda,caddaalad-darrada, dawladnimo u karti yarida, horumar yarida, caafimaad la’aanta, waxbarasho xumada, la gu jiray muddada badan ee lagu dhego barjoobay – maankuna garasho ahaan ka seexday ee saxa iyo qaladka midhqiyaaskii sooci lahaa lumay.

Hortiisa hadda iyo hadhow toona sida aan filayo hantidiinna si sharci -darro ah loo gu higlo raamsan maayo – wax-qabad na waa u diyaar inta ogaalkay ah. Sababta aan ugu ololeeyey ee barnaamijka xisbiga aan qaybta libaax uga qaatay ayaa sidaa ahayd.

Maalintase uu marinka ka leexdo ee uu karkaarka samaha waydaarto; Alle kama dhigo e, aniga sheegmada dhaliishiisa oo toosin ah cidi ii ga horrayn mayso. Weli miyaad aragteen aniga oo dawladnimo dhaliilaaya? Maya oo ma aydaan arag – sababo dhawr ah oo aan dhaliisha dawladnimo aan uga tanaasulay ayaa jirtay – taasina waxa ay ahayd xagga itaalka iyo duruufaha qaran ee Somaliland ku gadaannaa oo haddaba qaarkood ay jiraan.

Somaliland dawladnimadeeda dheeko-dheeko ayaan u arkayey- waana sida aan u naqdi siyaasad dhaliili waayey. Maalinta aan si daahfuran wax u dhaliilo ayeydin baran doontaan dhaliishayda siyaasadda iyo sida aan wax u naqdiyo oo aan eray deelqaaf iyo xajiin dhilqo ahi toona ka ag dhaweyn.

Qoraal aan laf jabin oo aan jiidh burburin weeye haddii ay wax baydhaan- haddii kale waa bogaadin iyo naaxnaaxin. Insha Allahu waan idin la wadaagi waxa ugu horreeya ee ka qaldamay xukuumadda cusub oo aan saxar iyo saxariir xumo midna lahayn – laakiin run qadhaadh ah oo nin karti badan oo daacad ah toosisa, nin kalsooni yar oo diciif ahna cadho galisa.

Filasho wacan haddii ay wax qalad ahi yimaaddaan – oggobay taageerada saxda ahi ee xaqa ahi waa tan eh. Ugu danbeyn aan hambalyeeyo toddobadii qodob ee maanta ka soo baxay xukuumadda cusub oo dhammaantood ahaa qaar qaran-dhis ah oo ammuur siyaasadeedna u ah walax dawladnimo oo la hollado.

Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS