Real Madrid Oo Markii Sadexaad Ku Guulaysatay Koobka Kooxaha Aduunka Ee Club World Cup | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Markii Sadexaad Ku Guulaysatay Koobka Kooxaha Aduunka Ee Club World Cup
December 16, 2017 - Written by Reporter:

Kooxda Real Madrid ayaa markii saddexaad ku guulaysatay koobka kooxaha aduunka kadib markii ay 1-0 ku kaga badisay kooxda reer Brazil ee Gremio iyada oo Cristiano Ronaldo uu guushan ku hogaamiyay Los Blancos.

2230

Real Madrid ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah difaacatay koobka Club World Cupka taas oo la micno ah in ay difaacatay koobabka Champions league, UEFA Super Cup iyo Club World Cupka oo ay min laba sano oo xidhiidh ah soo hanatay.
Zidane ayaa taariikh cajiib ah dhigay wuxuuna markale muujiyay in haddii ay kooxdiisu ay final soo gaadho aan koobka laga dhaqaajin karin. Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 7 aad ee koobka kooxaha aduunka si uu u sii dheeraysato rekoodhka gool dhalinta tartankan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Real Madrid XI: Keylor Navas; Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo; Luka Modric, Casemiro; Isco, Toni Kroos, Cristiano Ronaldo; Karim Benzema.
KAYDKA: Kiko Casilla, Nacho, Gareth Bale, Theo Hernandez, Lucas Vazquez, Marcos Llorente, Achraf Hakimi, Marco Asensio, Borja Mayoral, Mateo Kovacic, Dani Ceballos, Moha Ramos.
Gremio XI: Marcelo Grohe; Edilson, Pedro Geromel, Walter Kannemann, Bruno Cortez; Michel, Jailson; Ramiro, Luan, Fernandinho; Lucas Barrios.
KAYDKA: Bruno Grassi, Paulo Victor, Leonardo, Maicon, Jael, Everton, Bruno Rodrigo, Rafael Thyere, Bressan, Marcelo Olivera, Kaio, Leo Moura.

Kooxaha Real Madrid iyo Gremio ayaa u dagaalamayay sidii ay ugu guulaysan la hayeen koobka kooxaha aduunka ee FIFA Club World Cup iyada oo kooxda koobkan difaacanaysay ee Real Madrid ay doonaysay in ay sanadkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaysto koobkan si ay u barbarayso rekoodhka ay koobkan ku haysato kooxda ay xifiltamaan ee Barcelona.
Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahaa mid fursado gool dhalineed fiican la sameeyay isla markaana ay Real Madrid ahayd kooxda gacanta sare lahayd laakiin waxay labada kooxood ku fashilmeen in 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore ee ciyaarta ay wax goolal ah iska dhalyaan.
Real Madrid ayaa abuurtay fursado aad u fiicnaa oo goolal lagu dhalin karayay halka kooxda Gremio ay inta ugu badan wakhtigii qaybtii hore ay ku qaadatay in ay iska difaacdo weerarka Real madrid. Laakiin sidoo kale Gremio mararka qaar fursado abuuraysay inkasta oo ay ahayeen kuwo xadidan.
Cristiano Ronaldo ayaa fursado fiican helay laakiin difaaca kooxda Gremio ayaa ka beeniyay in uu wax gool ah ka dhaliyo qabtii hore halka Modric iyo Marcelo ayaa fursado fiican helay waxayna Real Madrid qaybtii hore ee ciyaarta samaysay isku dayo badan iyada oo boqolkiiba 68% boosishanka ciyaarta haysatay.
Laakiin inkasta oo ay Real Madrid ahayd kooxda awooda buuxda qaybtii hore ee ciyaarta lahayd waxay haddana awoodi wayday in ay dhaafto difaaca kooxda Gremio waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’an ah.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid sii laba jibaartay dagaalkii ay ugu jirtay in ay la timaado goolka furitaanka si ay xaalad xun ugu abuurto kooxda ree Brazil ee Gremio waxayna kooxda Zidane markan u muuqdeen kuwo aan shabaqa laga ilaashan karin.
DAQIIQADII 53 AAD Cristiano Ronaldo ayaa kubbad laaga xorta ah Real Madrid ugu dhaliyay goolka ay wakhtiga badan ka soo shaqaynaysay kadib markii uu ku guulaystay qalad lagu galay isla markaana uu banaan ka helay ciyaartoyda safka taagnayd ee Gremio, wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolkiisii 7 aad ee Club World Cupka isaga oo sii dheeraysatay rekoodhka gool dhalinta tartankan waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay ugu danbayn Madrid hogaanka ciyarta kula wareegtay.

download

Kooxda Gremio ayaan markan faraxsanayn iyada oo wakhti kooban ka hor goolka Ronaldo ay ku doodeen in ay rekoodhe ku guulaysteen balse aanu garsooruhu waxba tilmaamin waxayna Real Madrid markan bilawday in ay raadiso goolka labaad ee kalsoonida.

DAQIIQADII 59 AAD Ronaldo ayaa shabaqa Gremio soo taabtay laakiin kubbada ay Marcelo iyo Benzema soo wada ciyaareen ayaa loo diiday in Ronaldo uu offside ku jiray taas oo meesha ka saartay in uu noqdo gool sharci ah laakiin Madrid ayaa dadaalkeeda sii waday.
DAQIIQQADII 65 AAD BIRTA GOOLKA!! Modric ayaa ku dhawaaaday in uu Real Madrid u keeno goolka labaad ee ay doonaysay inay Gremio ku disho laakiin xidiga ree Croatia ayaa arkay darbo xoogan oo uu tuuray uu badbaaday goolhaye Marcelo Grohe laakiin kubbada ayaa birta goolka ku sii dhacday.
Intaa wixii ka danbeeyay Real Madrid ayaa noqotay kooxda wakhtiga in uu dhamaado ku sugaysay in ay koobka kooxaha aduunka ku guulaysto iyada oo kooxda Gremio ayna awood u yeelan in ay ciyaarta dib ugu soo laaban karto.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Real Madrid ku garaacday kooxda Gremio iyada oo guushanu u horseeday in ay markii labaad oo xidhiidh ahku guulaysato koobka kooxaha aduuka waxayna hantay koobkan markii saddexaad iyada oo ugu danbayn iska barbaraysay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona oo iyaduna hore koobakan saddex jeer ugu soo guulaysatay.

COMMENTS
LINKS