Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Loo Gudbiyay Qaraar Ka Dhan Ah Go,aankii Trump Ee Qudus | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Loo Gudbiyay Qaraar Ka Dhan Ah Go,aankii Trump Ee Qudus
December 17, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Qaraar qabyo ah ayaa loo gudbiyay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasi oo ku saabsan magaalada Qudus.

 

_99240860_8b246745-9e79-4a27-9f17-9dc250f41dda

Qaraarkan qabyada ah ayaa dhigaya in sal iyo raad aysan sharciga ku lahayn in hal dhinac uu go’aan ka gaadho mustaqbalka magaalada Qudus.
Tillaabooyiinkan oo ay soo jeedisay dowladda Masar ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu madaxwayne Trump ku dhawaaqay in Mareykanka ay Qudus u aqoonsadeen caasimada Israa’iil.
Qaraarkan qabyada ah ee loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhammaan dalalka kale in ay ka dheeraadaan in ay safaaradahooda ka samaystaan magaalada Qudus.
Dublamaasiyiinta ayaa sheegaya in qaraarkani uu haysto taageerada inta badan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Balse waxaa laga cabsi qabaa in xukumadda Washington ay adeegsadto codka diidmada qayaxan ee Veto.

COMMENTS
LINKS