Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Xil Cusub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Xil Cusub
December 17, 2017 - Written by Reporter:

Xafiiska Madaxweynaha

25446393_1501135780000270_7769522370800329113_n
Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS