Maxaad Ka Og Tahay Xaladda Cakiran Ee Dirawaliinta Baabuurta basaska Iyo Dadwaynaha Rakaabka Ah? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Ka Og Tahay Xaladda Cakiran Ee Dirawaliinta Baabuurta basaska Iyo Dadwaynaha Rakaabka Ah?
December 18, 2017 - Written by Wariye:

basaska hargeisaHargeisa (wjn):-waxaaba jira dad aan haysan lacagta baska ee wakhtigaa ay raacayaan sidoo kalena  aan awoodin xitaa inay cid ka bixiyaan ama hadii ay ka lunto aan haysan lacag kale oo ay bask ku raacaan.

hadii aad raacdid mid ka mid ah baabuurta dadwaynaha ee isku xidha ama fududeeya isku socodka bulshada ku dhaqan caasimada iyo magaalooyinka dalka jamuuriyada Somaliland.

Waxaa kaloo iyadna inta  badan aad arkaysaa dhibaato wayn oo kala haysata dadka isticmaalaha baabuurta basaska ee ka rakabsada gudaha caasimada Hargeisa.

Sida aynu wada ogsonaha waxa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa soo  badanaya basaska iskood u shaqaynta, marka aan leeyahay iskood u qaysta waxan ugu jeedaa baabuurta aan lahayn KAALKAALIYE ama  “KIRISHBAY”  u dhaxeeya dadwaynaha rakaabka ah iyo dirawalka baska ama baabuurka ay la socdaan.

wjn-xayaysiis

Iyada oo bulshada somalidu ugu yeedhan macagyo kala duwan haddana waxa caan baxay oo loogu yeedha “KIRISHBAY” kaasi oo qayb muhiima ka qaata in si sahlan loo socdaalo oo aan wax dhibaato ahi soo kala dhaxgalin dirawalka baabuurka iyo bulshada saran kaasi oo mashquulka ka ilaliya dirawalka wixii hawlaha gudaha baabuurka iyo rakaabkana fududeeya.

Hadaba waxan markasta muran badani dhaxmaraa dadka istcmaala kuraasta basaska ee xaga dambe oo inta badan shaki iyo madmadow ka muujiya lacagta ay rakaabku bixiyaan.

Wakhtigii ay basaska la shaqayn jireen “KIRISHBAYADU” way dhici jirtay inay isku dhacaan dadka xaga dambe fadhiista iyo kirishbaygu oo marka lacagaha ay dhinadaan ayaa waxa loo tuhmaan in ay ku dhiman tahay dhinac dambe ama dadka fadhiya kuraasta dambe ee baska.

Hadaba imika oo ay isku soo hadheen dirawalkii baabuurka iyo dadkii rakaabka ahaa waxa soo kala dhaxgalay muran iyo is qabqabsi xoogan oo waxabad arkaysaa iyada oo wadadda dhexdeeda ay isku haystaa dirawalkii baabuurka iyo dadkii saarnaa ee rakaabka ahaa.

Arintaasi ayaa abuurtay in ragu isku qabsdaan ama u kala hor dhereyaan kuraasta xaga hore madama oo ay kuraastii dambe ay tuhun abuurtay oo marwalba hadal ka imanayo.

Hadaba aniga oo u kuurgalaya arintaasi ayaa waxa aan la sheekaystay mid ka mid ah dirawaliinta baabuurta waxan uu ii sheegay inay dadka aan lacagta haysan am ka dhiman tahay ay inta badan isticmalaan kuraasta baabuurka ee xaga dambe

Waa Barito Iyo Bil Dambe

Faallo Wariye:Abdulkadir Habane

Wajaalenews.net

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS