Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Xadhiga Siyaasi Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Xadhiga Siyaasi Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame
December 18, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho,(W,N)-Wasaaradda Amniga xukuumadda Somaaliya ayaa goor dhawayd war ka soo saartay xadhiga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo weerarkii xalay ciidamada dowladda ay ku qaadeen Hoygiisa.

Warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in in hey’adaha amniga iyo xeer ilaalinta ay maalmahan wadeen baadhis dambiyo lagu tuhunsan yahay muwaadiniin, kaasoo ku aadan falal dambiyeed khiyaamo qaran, khal khal gelin iyo bur burin.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim ayaa saxaafada u akhriyay war saxaafadeedka, ayaa sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu si cad uga horyimid ruqsadii loo heystay in gurigiisa la baadho inuu ka soo horjeestay, isla markaana ciidankii ilaalada u ahaa ay bilaabeen rasaasta,

Waxaa uu sheegay in isagoo bad qaba C/raxmaan C/shakuur ay ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen, sidoo kale ay hey’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aamisan yahay inay ka qeyb weyn ka qaadan doonto baadhitaanka.

 

COMMENTS
LINKS