Jacaylkii Curyaanka Iyo Ciilkii Nasiibka W/Q: Nasri Sheekh Yuusuf | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jacaylkii Curyaanka Iyo Ciilkii Nasiibka W/Q: Nasri Sheekh Yuusuf
December 18, 2017 - Written by Reporter:

Sheekadan waxan ka faa’iday cibro qaadashada nolosha iyo kal dhantaalanta aduunyada ma ogi mana filayo qof si fiican u akhriyi doona oo aanay xasuus ku reebayn iyo mid looga sheekayn doono oo aanay murugo galinayn,kolay qofnaba moodi maayo inay arintani Hargeisa ka dhacday lakin xaqiiqada dhabta ah ayaa indhaha kuu furi doonta markaa rumayso ama ha rumaysan arintani jaar ayey inala noqotay. Wakhti badan ayey igu qaadatay inaan jaanis isu helo waraysiga iyo la sheekaysiga shaqsigan ay xaaladu la kulantay,guriga uu Hargeisa ka degan yahay ayaan kula kulmay si nadiifa oo daacadnimo iyo kalsooni ku jirto ayuu iigu waramay wakhti dheer ayey igu qaadatay inuu ii dhamaystiro sheekadan.

15037223_1220952761295498_2663584096413546786_n

Si kastaba ha ahaatee markii ay ii dhamaatay dhugashada iyo dhigaysiga arintani ayaan qali ka u qaatay oo aan jeclaystay inaan la wadaago asxaabta aan aadka u qiimeeyo ee aanu bah-wadaagta nahay, waa sheekada kaliya ee ay igu adkaatay qoristeedu waayo waxaa ka dhex muuqda waayo nololeed iyo laxaad la,aan aan hiil lahayn oo ku habsaday shaqsi aan awoodeedii lahayn waxaanu isla qaadanay inuu magaciisu qarsoonaado. Xaalad kastaaba ha jirtee goor galaba ayuu ii waramay oo uu sidan iigu bilaabay:- Walaal wax walba waan ku xamdiyaa xaalad wal oo isoo martayna ilaahay ayaan ugu shugri naqaa mana qoomameeyo fursad I dhaaftay oo aan rabi ii qorin ilaa imikana saadashaydu ma xuma mana niyad jabi doono. Waxaan ku dhashay Hargeisa 1981 dabayaaqadii bishii sadexaad isla Hargeisa ayaan ku barbaaray oo aan ku hana qaaday,mid ka mida labadayda waalid oo ahaa aabahay wuxuu ku dhintay dagaalkii hubaysnaa ee ay jabhadii SNM la gashay dawladii uu hogaanka ka ahaa Maxamed Siyaad Bare, waxaan ahay Curyaan labadayda lugood ma dhamaystira oo waan gur-guurta mararka qaarkoodna waxaan isticmaaala gadhi curyaan oo aan sida baaskiilka u kaxaysto,waxaan leeyahay asxaab badan oo dal iyo dibad ba leh mararka qaarkood waxaan imaadaa oo aan asxaabtayda la fadhiista goobaha lagu shaaheeyo ee ay dhalin yaradu ku kulmaan laftayduna wali dhalin yaro ayaan ahay oo wali ma guursan ma ihi raga haasaawaha iyo sheekada dumarka ku dheereeya lakin marar aan isku dayey waxaa caqabad igu noqotay laxaad la,aantayda oo ahayd mid haween badan oo aan la xidhiidhay iga eriday ama ay igula calool adaygi kari waayeen taasina waxay sababtay inaan ku dhiiran waayo haasaawaha iyo hawenkaba. Hadaba waxaaan kaga waramayaa caqabada noloshayda ka hadhi la ee ilaa hada xasuusta igu reebtay maskaxdayduna ay sii dayn ladahay run ahaantiina waxaan xaqiiqsanahay inay tahay imtaxaan rabi muuqaal ahaan waxaan ahay qof dhamays tiran markaan fadhiyo igana dareemi maysid inay maqan yihiin qaar ka mida xubnahaygu waxba yaanan hadal kugu daaline waa hotel dalxiis ee magaalada Hargeisa goor maqriba ayaan soo fadhiistay si aan ugu sugo asxaab aanu goobta ku sheekaysan jiray lakin inyar ka hor wakhtigii ay asxaabtu ii iman jireen anigoo laydha qaadanaaya ayaan arkay hablo asxaaba oo sadex ah oo soo galay hotel-ka waaaw waa inan dheer dhexday ugu jirtaa hablaha waanay laafwoonaysaa oo quruxdii rabi u dhaliyey waxaaba u dheer ta ay samaysatay,markay hortayda marayaan ayaa la hadlay oo si guud ayaan u salaamay waxayse noqotay inantii iigu furfurayd oo salaanta sidii qof I garaya ayey iiga qaaday oo waliba hadalka usii waday oo waliba sidoo kalana salaam labaad oo taydii ka qiimo badan iigu badashay ana waan ka qaaday intaa ka dibna waxaan ka raystay hadalkii aan la tiigsanayey oo waabay isoo istaagtay waan is ogahay oo uma kici karo oo waadiga I arkaya lakin waxaan ahay fadhi ku xoog leh hadalo midba mid ka haboonaa ayaa is waydaarsanay waxaan fadhiya meel dhinac ka ah hotelka lakin inantu waxay iga rajaynaysaa inaan usoo kaco oo aan usoo dhaweeyo xaga asxaabteedu u kacday awoodse uma lihi oo waxaan ahay curyaan,waxaan fadhiga isku nababa si fiican ayaanu inantii isku baranay inay asxaabteedii ka daba tagto dibna usoo xidhiidhno ayaanu ila qaadanay. Inyar markay iga sii maqnayd ayaan hareertayda eegay oo waxaa dhinaca midig iga yaala gaadhiga ay habluhu wateen sidoo kale waxaa ag yaala oo aniga ii dhaw gaadhi ruyaankii aan anigu watay taasina ceeb iyo cadho toona ma leh oo ninba ceesaantii ceel keen. Intaa wixii ka danbeeyey waxaa mid mid iila soo istaagay asxaabtii aan mudada sugayey oo aanu meeshii cabaar ku cawaynaynay goor danbe oo aanu aad u sheekaysanay ayaanu iska kala hoyanay aniguse waxaan ahay nin rajo fiicani ku jirto oo soo bartay gabadh aan ogayn curyaanimadayda kolsooniyise igama maqna oo waxaan bilaabay inaan la xidhiidho inantii waxaanse la kulmay soo dhawayntii mid ka qaalisan,kaftan iyo wada qosol aan xad lahayn ka dib waxaa noo bilaabmay barasho intii ka xeel-dheer waxaananu noqonay dad isku dheer mudana waanu xidhiidhaynay walise ma oga inaan curyaan ahay waxaanan ka codsaday inaan soo booqdo doorbidaya inaanu isku sii dheeraano aaminaad intii ka badanina meesha timaado ilaahay mahadii way iga aqbashay ,waxaaase markaasuun hadana ii bilaabantay sidii aan u kala ilaalain lahaa laxaad la,aantayda iyo indhaheeda. Mid ka mida saxibadayda aan adka ugu kalsoonahay ayaan ka codsaday in uu I qaado oo uu gaadhigiisa ii kaxeeyo isla markaana aanu si guud inanta ugu tagno isna iga aqbal oo tagnay gurigoodii ayaanu hor-joogsanay noo timi oo in cabaara gaadhiga dhexdiisii ku kaftanay anagoo sadexa markaanu cabaar joognay ayaanu inantii macasalaamaynay oo u sheegnay inaanu sii hoyan doono iyaduna nala qaadatay way degtay waxayse iga sii codsatay inaan soo dego oo ay ii sheegto arin anaga markaa gaar noo ahayd aniguse ma degi karo waayo maba lihi lugo aan ku dego talana way igu ciirtay waxaanse ugu jawaabay aniga oo aad uga naxay arintaa………………………….. la soco qaybta labaad

 

Qalinkii: Nasri Sheekh Yuusuf

COMMENTS
LINKS