Ma Waxa Waalan Ninkii Xil Wareentii Qaranka Ee Madaxtooyada Ay Ka Saamayn Badatay Soo Dhaweyntiisii Madaarku. W/Q: Maxamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Waxa Waalan Ninkii Xil Wareentii Qaranka Ee Madaxtooyada Ay Ka Saamayn Badatay Soo Dhaweyntiisii Madaarku. W/Q: Maxamed Hagi
December 18, 2017 - Written by Reporter:

Ninka live-ka Hargeysa kaga jiray ee meel walba dhex-qaaday, ee madaarka qaybta VIB-da la ga ga soo dhaweeyey, caruuruhuna hareero boodayeen, Wixii uu rabo ku hadlaayey ee siyaasad iyo danaha kale ee umadda si deelqaaf ah oo jeesjees ah ugu doob dhabanaayey, horena sida la sheegayo cay iyo aflagaado miiska ahaa – miyaa haddana la leeyahay waa nin waalan?

hagi

Ninka safarkiisa Hargeysa loo ga sii diyaargaroobayey ee sida diiran loo soo dhaweeyey, huteelka iyo halkii uu degi lahaana toddobaad horteed loo sii habeeyey, ee sidii oo uu faddilan yahay meel walba ragga iyo dhallinyarada hunguriga ka fallaagoobay, qaddiyadda qarannimo na qiimaynteeda qaddaadiic loo qaybiyo ka doorbiday ee weliba Xamar u duulduulaa hor boodayeen miyaad hadda leedihiin waa nin waalan?

Reer Somaliland-now, ninka kani ma waalna, ma na xanuunsana, caqligiisa ayuu qabaa waana shaqaynayaa oo idinka lacag badan yahay in badan oo idinka mid ahna ka nolol wanaagsan yahay. Ninka kani cid ayuu u shaqaynayaa – Somaliland na ma aha markii ugu horreysay ee uu yimaaddo- waase markii ugu horreysay ee uu is-muujiyo. Ka caan noqoshada baraha bulshada muddo labo sano aan gaadhin weeye inta shaqada loo soo dhex-galiye waxa ku shaqaysanayaana waa dawlado.

Maanta waxa ay hawli la taal waa ciidanka war-doonka Somaliland – dadku in ay isaga dhex baxaan hawshiisa ayaa habboon. Dhanka kale, isaga oo keliya in la xidho amma la warsado ma aha – haddii aan shabakadda isku xidhan min Maraykan, Somaliland, Soomaaliya ilaa Jabuuti aan wax la ga qabanahayn. Somaliland waxa la ga rabaa in ay cadowgooda fahmaan oo ay yaqiinsadaan. Dadka noocan oo kale ahi waa dadka ay dawladuhu ku shaqaystaan ee hawl-gallada magac dilka ah (blackmailing missions) la gu fushado.

Mar se haddii uu idin dhex-qaaday oo war-doonkii ku fashilmay in la fahmo ninkan xil-wareejintii Madaxweynaha ka xoogga batay ee maalintii uu yimi inta ka hadlaysa xil-wareejinta iyo inta Dabcasar ka hadlaysaa ay kala badnaayeen- waxa aan anigu shakhsi ahaan ku talin lahaa in la fasaxo oo la sii daayo haddii uu xidhan yahay. Sidoo kale dhaqdhaqaaqiisa hoosena la la socdo oo la is-daad raaciyo. Haddiise hadda oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen la firirigleeyo waa innoo dheg xumo. Mar haddii uu soo degay, VIP-da la gu oo dhaweeyey oo uu noqday shaqsi saameyn weyn yeeshay hadda iskaba raacin baa idin la gudboon.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

 

COMMENTS
LINKS