WAJAALE NEWS

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Soomaali Lagu Laayay Deegaanka Oromiya

Addis.Ababa,(W,N)-Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah lagu laayay xero boolis dhexdeeda wuxuu ka tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Itoobiya,waxaanu sidoo kale dhacdada ku tilmaamay dil wadareed ka dhan ah dad shacab oo Soomaali ah kuwa dilka geystayna wuxuu ku tilmaamay dembiilayaal.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baadhaan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

Exit mobile version