Madaxwaynaha jsl Oo Tacsi Udiray Qoyskii Uu Baxay Marxuum Jaamac Warsame Buraale (Jaamac Oday) Oo ku Geeriyooday Magaalada Burco. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Tacsi Udiray Qoyskii Uu Baxay Marxuum Jaamac Warsame Buraale (Jaamac Oday) Oo ku Geeriyooday Magaalada Burco.
December 22, 2017 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Warsame Buraale (Jaamac Oday) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 22/12/2017, Gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin.

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS