DAAWO: Deeq La Gaadhsiiyay Qoys Danyar Ah Oo Haysta Caruur Aan Lahayn Maqaarka Sare Ee Jidhka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO: Deeq La Gaadhsiiyay Qoys Danyar Ah Oo Haysta Caruur Aan Lahayn Maqaarka Sare Ee Jidhka.
December 24, 2017 - Written by Reporter:

Qaarkamida Qurba Joogta Somaliland Ee Dalka Uk Oo Deeq Soo Gaadhsiiyay Qoys Haysta Caruura  Aan Lahayn Maqaarka Sare Ee Jidhka Iyo Hooyada Dhashay Caruurtan Oo ka Warbixisay Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin.

vlcsnap-2017-12-24-22h14m23s42

Capture

GABILEY (W,N)-Xubno ka mid ah Qurba Joogta Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Cariga Ingiriiska ayaa Deeq Mucaawino ah soo gaadhsiiyay Qoys Haysta Dhowr Caruura Oo ku soo dhashay iyagoon lahayn Maqaarka Sare Ee Jidhka Kuwaasi Oo Unugul Qoraxda ,Qabowga  qoyska Ayaa ah Qoys  danyar ah,

Hadaba Deeqdan lacageed ee ay soo direen qurba joogta Somaliland ee Dalka Ingiriiska Gaar ahaan Magaalada Bristol Ayaa waxaa gaadhsiinteeda  ay u soo wakiisheen in ay hooyada Caruurtan dhashay Gaadhsiiyaan Marwo Saado Jaamaca Hirsi iyo Marwo Saynab Maxamed Cabdilaahi.

Ugu Horayna waxaa arinta mucaawinada ka warbixiyay Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan) oo kamid ahaa xubnnihii kasoo shaqeeyay in deeqdan soo gaadho qoyskan tabaalaysan ee ku nool deegaanada u dhexeeya KALABAYDH IYO WAJAALE Tuulada Balayga Cas Agagaarka Banka Mashruuca Ee gobolka Gabiley,

 

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKAN OO DHAMAYSTIRAN.

 

 

COMMENTS
LINKS