Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Ex Wasiir Marwo Samsam Cabdi Aadan Mudadii Ay Haysay Xilalka Kala Duwan Ee Qaranka!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Ex Wasiir Marwo Samsam Cabdi Aadan Mudadii Ay Haysay Xilalka Kala Duwan Ee Qaranka!.
December 25, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Warbixintan Waxaynu ku lafa guri doonaan waxyaabaha lagu xusuusan doona wasiirkii hore ee wasaaradaha waxbarashada iyo maaliyada Jsl Marwo Samsam Cabdi Aadan oo mudo xilieedkii madaxwayne siilaanyo haystay xilka wasiirnimo loona kala badalay laba wasraadood oo ah kuwa ugu calculus hadaba waxaynu qormadeenan diirada ku saaray maxaa lagu xusuusan doonaan?waxqabad side ayay ua qayb qaadatay waxqbadkii xukumada siilaanyo;

 

MARWO SAMSAM 1

Marwo Samsam Cabdi Aadan Waxay Hormood ka Ahayd  ShakhsiyaadKii Haweenka ahaa ee   Markii Xoriyada Somaliland Dib Loola soo noqday Dagaal Qadhaadhka Ka dib dalka dib ugu soo noqday iyadoo ka bilowday sidii dadka tabaalaysan ee ka soo noqday qaxii dadka reer somaliland ugu hayaameen Xeryahan Qaxootiyada Ee Dalka Etoobiya Sida Dulcad, Daroor Xarshin,Gaashaamo  Iyo Harta sheekha ,

Marwo Samsam Cabdi Aaden Waxay 1993 Adeegyo Caawimo ah oo lagu Taakulaynayo dadka tabaalaysan ee dalka ku soo noqday ka bilowday Magaalada Berbera iyo Caasimada Hargaysa Waxaana Xusid mudan Meelihii ay Deeqahan Gargaarka ah soo Gaadhsiisay Xarunta Agoomaha Dhalinta kacaanka Ee Hargaysa  halkaasi oo ay ku jireen  caruur tiro badan oo duruufo kala duwan darteed halkan lays kugu keenay iyo sidoo kale waxay deeq taakulo ah gaadhsiisay goobo Lagu xanaanaynayay naafadii SNM Ee Xarunta Sooyaal.

SAMSAM 1

Habada Marwo Samsam Cabdi Aadan Mudadii ay Somaliland jirtay Waxay ka mid ahayd Haweenka tirada yar ee ku Suntanaa sidii dalkeena hooyo loo gaadhsiin lahaa horumar waxay mudo iyana ka mid ahayd ururada bulshada ee ka Hawlgala gudaha Somaliland.

Marwo samsam Cabdi Aadan Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Maaliyada  waxay ka mid Ahayd Golihii Wasiirada ee Ugu Horeeyay Ee Madaxwayne Siilaanyo Magacaabo Waxayna ku soo baxday Xiligaa Wasiirka Wasaarda Waxbarashada Xilkaasi oo ay haysay Mudo Afar Sano ah iyadoo mudadaa ay Wasiirka waxbarshada ahayd  ku Talaabsatay waxqabad muuqda oo lagu xasuusan Doono Diwaanka Taariikhdana Lagu Xusidoono.

Hadii aynu Dul Istaagno Dhowrkii Qodob Ee ugu muhiimsanaa Waxqabadkii wasiir samsam ay hirgalisay mudadii ay wasiirka waxbrashada ahayd,

1; Waxay ku guulaysatay in gabi ahaanba dugsiyada waxbarashada ee dawlada laga dhigo bilaash kaasi oo ay ku diirsadeen dan yarta reer somaliland ee aan awoodin in caruurtooda ka bixiyaan lacagta laga qaadi jiray markii hore waxbrashada,

2; Waxay ku guulaysatay in ay hirgaliso in wasaarada waxbarsahdu samayso xaqa lasiiyo  dadka hawlgabka noqda taasi oo  noqotay mid ay ku diirsadaan boqolaal macalimiin ah oo da,a ahaa isla markaana aan awoodi karayn in ay sii dhigaan casharada balse nafta uun ay ku khasbaysay in aanay ka bixin fiilka waxbarshada si ay u raadsadaan nolosha qoysaskooda waxay marwo samsam siisay xubnihii hawlgabka ka noqday wasaarada dhaqaale ku filan oo qaarkood ay ku samaysteen ganacsiyo ay caruurtoodu kala soo baxaan nolol maalmeedkooda,

Dhanka kale wasiir Samsam Cabdi Aadan Waxaa lagu xasuusan doonaa, Hadal dabacsan,Damqasho waalidnimo iyo dareen wadaniyadeed,

Sidoo kale Marwo Samsam Cabdi Aadan kuma ay koobnayn oo kaliya Wasaaradahan waxay Hadh iyo Habeenba heegan ugu jirtay sidii ay dadka tabaalaysan ee Abaaruhu Saameeyeen ay Gurmad ula gaadhi Lahayd min Xeeb Ilaa Bari Sanaag,

Waxaa intaa Udheeraa xilka Wasaaradaha Marwo Samsam Waxay Ceelal biyood  kor Udhaafaya 100 Ceel ay ka kala Qoday Deegaanada aan lahayn biyaha fiican ismarkana dadka ku dhaqani ay xiliyada jiilaalka ugu  dhiman jireen haraadka .

Marwo samsam cabdi aadan Maxay kusoo Kordhisay Wasaarada Maaliyada Mudadii ay Xilka Haystay?

DAAWO; MUQAALKA WARXIBIN LAGA DIYAARIYAY DOORKII SAMSAM CABDI AADAN KU LAHAYD DIB UDHISKII DALKA IYO WAXYAABIHII AY QABATAY MUDADII AY WASIIRNIMO HAYSAY,

https://youtu.be/k6ozjn5EIxU

 

LASOCO QAYBAHA DANBE

WARIYE A,A, HABANE

EMAILWAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS