War- Deg Deg ah; DAAWO; Qaybo ka mida Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale Oo Dab Xoogani Qabsaday Iyo Hanti Badan Oo Ku Shuf Beeshay+ khasaaraha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War- Deg Deg ah; DAAWO; Qaybo ka mida Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale Oo Dab Xoogani Qabsaday Iyo Hanti Badan Oo Ku Shuf Beeshay+ khasaaraha.
December 26, 2017 - Written by Editor:

TOG- WAJAALE(W,N) Qaybo kamida Magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale ee xuduuda Somaliland iyo dalka Etoobiya isla markaana ay taalo hanti malaayiin dollar ahi ayaa waxaa xalay Niskii danbe  abaaro 3;30 habeenimo  dabkan ayaa qabsaday qaybo ka mida Meherado Ganacsiyeed ku yaala magaalada Tog- wajaale kuwaasi oo sobobay khaasare laxaadle halka uu wali dabkani ka holcayo qaybo ka mida suuqa bacadlaha .

Ciidamada kala duwan ee Dabdamiska ,booliska ,Ciidamada Qaranka iyo Dadwaynaha ku dhaqan maagalada Wajaale ayaa gurmad xoogan ugu jira sidii loo bakhtiin laha dabkan

Dhanka kale muwaadiniintan iyagu lahaa bakhaaradan ayaa isu dayay sidii wax looga badbaadin lahaa hantida meesha ku shuf beeshay halka qaar ay iskudayayeen in ay nafahooda uun kala baxsadaan,

Majiro khasaare nafeed oo wali lahayaa, marka laga reebo dadka qaar oo dhaawacyo fududi soo gaadheen

Dabka ayaa noqonaya dabkii ugu waynaa ee kakaca  magaalo ganacsiyeedka Tog- wajaale mudo  30 sano ka badan inta la ogyahay.

DAB WAJAALE 2

Maamulka magaalada Wajaale ayaan iyagu gabi ahaanba ka dhex muuqan guramad lagula tacaalayo sidii loo damin lahaa dabka ka kacay meheradaha ganacsi ee Wajaale  gaar ahaan qaybta xigta dhinaca toga.

Magaalada Tog-wajaale ayaa ah suuqa ganacsi ee ugu wayn Somaliland taasi oo kulmisa guud ahaan ganacsatada dalka.

Magaalada Tog- wajaale ayaa  ka tirsan gobolka Gabiley.

Wixii kasoo kordha kala soco shabakada wajaalenews.net

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE A,A, HABANE

 

COMMENTS
LINKS