Milicsiga Taariikhda Wasiirka Maaliyada Jsl Ex-Maamule Kuxigeenkii Hore Ee Kastamka Kalabaydh. Iyo Falanqaynta Talaabadii Ugu Horaysay Ee Uu Qaado!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milicsiga Taariikhda Wasiirka Maaliyada Jsl Ex-Maamule Kuxigeenkii Hore Ee Kastamka Kalabaydh. Iyo Falanqaynta Talaabadii Ugu Horaysay Ee Uu Qaado!!
December 29, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N):-Masuul kasta oo xil qaran loo dhiibo Waxay Bulshadu Qiimayn Iyo Aragti Rasmiya Ka bixin karaan marka uu shaqada loo igmaday gudo galo taasi oo ay fure unoqoto hadba waxa laga qaadan karo halka uu ka bilaabo masuuliyada loo dhiibay gudashadeeda,

Waxaynu qormadeenan ku Eegi doonaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi  kaasi oo xilka wasaarada Maaliyada  Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Umagacabay 14/12/2017

wasiir yusuf

Sidoo kale Taxanaha Qoramadan ayaa waxay bulshada reer Somaliland La wadaagi doonaa Diwaanka Taariikhda Wasiirka Wasaarada Maaliyada, Wasaaradan Ayaa kamid ah wasaaradaha dalka kuwa  ugu cul culus, Taasi oo Door muhiim ah ka Qaadata Habsami usocodka Hawlaha Qaranka , Waxaana xusid mudan in madaxwayne kasta oo dalka Somaliland soo maray ay xukuumadiisa ka dhisanto, dadaalka wasaarada maaliyada , Halka dhinaceeda kale ay xukuumada wasiirkeeda maaliyadu noqdo mid aan buuxin kaalinta ay dalka kaga jirto wasaarad ahaan ay xukuumadiisu ka liicdo wana wasaarada kaliya ee sida ay ushaqayso ay ku xidhan tahay xidhiidh wanaagsan oo madaxwaynaha iyo  golayaasha qaranka, wakilada iyo guurtida wada yeeshaan,

wasiir yusuf ex maamule kuxigeen 1

Hadaba hadii aynu udaadagno Dulucda Qormadan, Waa kuma Wasiirka Maaliyada Ee Xiligani Ex Maamule kuxigeenkii Hore Ee kastamka kalabaydh.

Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland yuusuf wuxuu kamid ahaa Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada mudo dheer sidoo kale Wuxu xil Maamule kuxigeenka ka gaadhay isla wasaarada Maaliyada

Halka uu mudo ahaa Shaqaalaha Xarunta Dhexe  jooga isagoo dhanka kale mudadii uu shaqaalaha wasaarada ahaa uu fursad u helay in uu wax kabarto jaamacadaha dalka .

Wasiirka xiligan ee Wasaarad Maaliyada waxaa bilowgii Xukuumadii Siilaanyo Loo Magacaabay 2010 Maamule kuxigeenka kastamka Kalabaydh Isagoo Xilkaa kuxigeenku Soo Hayay ilaa  2012 xiligaasi oo sida xogaha aanu ka helayno haayada Maamul Wanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa  oo xiligaa iyadu baadhitaano ay isla kaashanayaan wasaarada maaliyada ku samaysay kastamada Galbeedka Somaliland Sida, KASTAMKA ABAARSO, KALABAYDH IYO WAJAALE baadhistan ayaa hayd Qorshe Lagu dardar galinayo kor uqaadista Dakhliga Ismarkaaga lagu Ogaanayay Meelaha ay ku lunto hantida qaranka ee  aan ku dhicin Qasnada Dawlada, Waxay baadhitaan ay mudo wadeen kusoo heleen In dakhliga kasoo xoreedo kastamada Galbeedka gaar ahaan Kalabaydh la lunsado Dhaqaale ka badan ka kasoo xoreedo maalintii kastamka kalabaydh,

Dhanka kale Maamulihii kastamka kalabaydh iyo Maamule kuxigeenkiisii Oo Hada ah Wasiirka Maaliyada  Somaliland Ayaa la ogaaday in Dakliga Maalintii ay soo Xareeyaan uu yahay 18000000 Milyan Halka Baadhis iyo Dabogal Dheer kadib ay soo baxday in Masuuliyiintani ay Maalintii lunsadaan Dhaqale kabadan ka  ay soo Xareeyaan, Kaasi oo kor Udhaafay lacag Dhan 22000000 Milyan oo shilinka somaliland ahi in ay Sifo Sharciga Baalmarsan ay Umusuq maasuqaan Xubanahani

Hadaba Ahriste Wasiirka Maaliyada Ee xiligan hore Diwankaa ayuu ku lahaa wasaarada.

Musuq maasuqii lagu helay wasiirka xiligan Ex Maamule kuxigeenkii hore Ee kastamka kalabaydh ayaa sobobtay in  shaqada maamule Iyo maamule kuxigeen  deg deg  looga xayuubiyo  xilka

Maalmo kooban kadib waxaa kastamka kalabaydh kasoo xarooday dhaqaale kor udhaafaya (Afar Boqol oo milyan) waxayna talaabadaasi cadaysay  lunsiga hantida qaranka iyo musuq maasuqa ay xubnahan xaaalaysteen,

Wasiirka waasarada maaliyada mudane Yuusuf Shaqadii hore Ee Uu kasoo qabtay Wasaarada Maaliyada waxa u ku mutaystay in Shaqada laga cadhiyo, Sidoo kale waxay gayaysiisay in  Uu Mudo ku jiro dhumasho uu  kaga baxsanayo in xabsiga loo taxaabo,

Hada Ex Maamule Xuxigeen Yuusuf ,,,  waxa Loo magacaabay Wasiirka Wasaaradii Uu Hore uga Tirsaan!

Shalay ayay hayd markii Wasiirka Maaliyadu ku dhaqaaqay talaabadiisii ugu horay ee uu wasaarada  Hawlwadeenada Amaba maamulayaasha kastamada iyo Agaasimo waxeedyada  uu ku sameeyo isku Shaandhayn ku Salaysan Magacaabis Iyo Xilka Qaadis+ Isku Badal Waaxaha Qaar ah

Waxay Si qotodheer Ufalanqayn Doonaa Habka uu wax Iskugu badalay kaasi oo ah mid ay ka muuqato Galdaloolooyin Faro Badan oo ku taxa luqa mid kooxaysi, qabyaaladeed, iyo sidoo kale fulinta ficilo Uu Wasiirku hal haysta u lahaa isagoo xiliyo  badan wasiirka xiligan uu maqaalo uu ku baahiyo Gacanta Sedexaad uu ku WeerariJjiray wasiiradii soo maray wasaarada Qaarkood ,

LASOCO QARMADA LABAAD IYO ARIMO XASAASIYA OO AYNU KUSOO BADHIGI DOONO………….

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS