Maayirka Magaalada Gabiley Iyo Dhammaan Xildhibaanada Goluhu Waxay Tacsi U Dirayaan Wasiirkii Hore Warshadaha Somaliland Oo Aabihii Geeriyooday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayirka Magaalada Gabiley Iyo Dhammaan Xildhibaanada Goluhu Waxay Tacsi U Dirayaan Wasiirkii Hore Warshadaha Somaliland Oo Aabihii Geeriyooday.
December 29, 2017 - Written by Editor:

INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Maayirka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi isagoo Ku hadlaya Magaciisa iyo Magaca Golaha Deegaanka Gabiley Waxaa Uu Tacsi Tiiraanyo Leh La Wadaagayaa Wasiirkii Hore Wasaarada Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse Oo Maanta Aabihii Marxuum Maxamed Muuse Bookh Ku Geeriyooday Dawlad Deegaanka Somalid Ethiopia iyadoo Isla  galabta Lagu aasay Marxuumka Deegaanka Albaasa oo Ka Tirsan Kilalka Shanaad ee Somalid Ethiopia.

INAA LILAAHI WANAA ILAYHI RAAJUUN MAXAMED MUUSE BOOKH,

Waxaanay Ilahay uga Baryeen Inuu Janaddii Fardowsa Ka Waraabiyo Marxuumka Ehelkii iyo Dhammaan Qaraabadii Uu Ka Baxayna Samir Iyo Iimaan Ka siiyo.allena uga baryayaan inuu qabriga u waasiyo kana fogeeyo cadaabkiisa.

Dhanka kale Masuuliyiinta iyo Hawlwadeenada Shabakada Wararka ee Wajaalenews  waxay tacsi taa lamida Udiraya Wasiirkii Hore Wasaaradaha Warshadaha jsl Shucayb Maxamed Muuse Iyo qoyskoodaba Geeridii Naxdinta Lahayd ee ku Timid Aabihii MARXUUM MAXAMED MUUSE BOOKH

 WAXAANU ILAAHAY UGA BARYAYNAA IN UU JANATU FARDAWSA GEEYO QOYSKII IYO QARAABADII UU KA BAXAY SAMIR IYO IIMAAN SAADIQA KASIIYO AAMIN AAMIN

 

COMMENTS
LINKS