Warbixin Ku Saabsan Xarunta Socdaalka Jamhuuriyada Jabuuti; Wariye Ahmed Kaykal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Ku Saabsan Xarunta Socdaalka Jamhuuriyada Jabuuti; Wariye Ahmed Kaykal.
January 4, 2018 - Written by Wariye:

wararka djHargeisa(WJN):- Xarunta socdaalka Jamhuuriyada jabuuti oo loo yaqaano Soortiiga waa goobta ay dadku ka qaataan baasaaboorka lagu safro, hadaba iyadoo Taasi jiro waxa labadalay dhamaan Adeegyadii hore iyo basaaborka ba waxaana halkaasi ku soo qulqulaya dad wayn nahay reer jàbuuti oo badalaya basaaborkoodii hore waxaa la adkeeyay amniga basaaborka iyo xeerreka lagu qaadanayo oo ah afar talaabo oo kala ah

In uu qofku yahay reer jabuuti sitanna warqada dhalashada Warqada Qoyskooda oo ay ku lifaaqan tahay inuu kamid yahay qoyskaasi haddaba waxaa xusuus mudan sidda ay isku badashay habsami usocodka  qaaddashada baasaaboorka waxaa goobtaa kusugan saraakiisha ciiddamada booliska min kabtan kamaandoo iyo kornaylka ciidanka waxay taasi ku tusaysaa sida loo adkeeyeen amniga astaanta qarankan jamuuriyada jabouti

Haddaba hadii aynu hoos usoo daadagno oon  waxa ka tilmaano sidda loo qaadanayo habku waa  nidaamka diinta oo loo kala saaray ragga iyo dumar  iydoo loo eegayo nidaamka xarfah alphabet si uusan u iman khalkhal iyo buuq qabsada habsami usocodka nidaamka qaadashadda baasaaboorka waxaa sidoo kale labadlay lacagtii lagu qaadan jiraa isla baasaaboorka oo markii hore ahayd 10000 fdj  una dhiggata 50 $ hadana waxaa laga dhigay 15000 fdj una dhiggata 97$

warkaa djwararka dj

waxaa sidoo kale kamaqanayn nidaamka fiisah ajaanibka oo iyagana loo sameeyay hab casriya oo lagu la soconayo dhaqdhaqaaqooda misan lagu hayo duwaan gooniya oo markuu ka dhaco fiisuhu uu san wax kaga qaadan karin baanka wax lacag ah kuna socodaali karin wadaanka gudihiisa iyo goobah imigrayshanka taasi oo ku kalifaysa inuu iska soo xaadiriyo Xarunta socodaalka jamuuriyada jabuuti

Waxaan labadalay oo la xakameeyay dhamaan imigrayshanka dalka oo dhan. Sidoo kale waxaa maanta laga dhaqaajiyay gaadiidka u kal gooshidoona jamuuriyada jabuuti iyo jamuuriyada fadaraalka Ethiopia tareenkan oo maanta u anbabaxay magaalada dir wadhab iyo jabuuti hadaba waxaa goobtaaa ku yaala imigrayshanka jabuuti oo si wayn ugu hawlan arinkaasi

 

 

Jabouti Office

Wajaalenews.net

Wariye:Ahmed Xaaji Haykal

 

COMMENTS
LINKS