Gelbiskii Geerida!! Qaybta 4aad; Qalinki Cabdiqaadir Dayib Askar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gelbiskii Geerida!! Qaybta 4aad; Qalinki Cabdiqaadir Dayib Askar.
January 4, 2018 - Written by Editor:

Ma xasuusto Qiyaastii markii u horraysay ee uu u xuub-siibtay xag-jirnimada diinta, waxa aan se maqli jiray marar badan in ay saaxiibeen wiil carab ah oo lagu magacaabi jiray Assad, asal ahaana ka soo jeeday dalka Yemen iyo koox Nayjeeriyaan muslim ah oo ay isku fasal ahaayeen.

Waxa ay ahaayeen koox arday qurbaha ku kortay ah oo jecel dhaqanka diinta Islaamka. Marar badan ayay si wada-jir ah uga codsadeen maamulka jaamacaddooda in la siiyo goob ay ku tukadaan  xilliga salaadaha marka lagu jiro waxbarashada. Taas oo markii danbe loo yeelay dalabkoodii.

In kasta oo Abshir Arrintaas fekerkeeda lahaa, haddana asxaabtiisu gaar ahaan kuwa Nayjeeriya ka yimid waxa ay u qaabaysnaayeen koox abaabulan. Waxa ayna xubno ka ahaayeen urur- diimeed ka jiray dalka Kanada oo lagu magacaabi jirey Xisbul-Janna.

Waxa aan dareemi jiray is-beddelka qofnimada iyo damiirka Abshir taabtay. Wuxu mar kasta sidan jiray kutub diiniya oo af- ingiriis lagu turjumay. Markii hore, isna nama shiddayn jirin anaguna hawl kuma aanu yeelan jirin. Bal se maalin danbe ayaan si weyn iskugu dhacnay, kadib markii uu amar siiyey hablihii aanu walaalaha ahayn, kuna qasbay in ay dhar asturan xidhaan iyo weliba indho- shareer. Aniga oo markaas u arkayey badownimo iyo in uu ku xad-gudbayo rabitaankoodii shaqsi iyo xaqooda doorasho.

Maalintaas aad ayaan iskugu buuqnay labadaydu. Walaalkay wixii intaas ka danbeeyey ma uusan jeclaysan jirin la sheekaysigayga, waayo wuxu ii arkayey qof dhaqanka reer galbeednimadu ku fogaatay oo aan dan iyo muraad ka lahayn in nolosha lagu lamaaneeyo asluub diimeed.

Abshir, wuxu si aayar-aayar ah iskugu beddelay qof aamus badan oo aan cidnaba wax ku darsan, gaar ahaan marka uu guriga nala joogo. Wuxu isku mashquulin jiray daawashada telefishanada waddamada Carabta gaar ahaan Telefeshinka Al jazeera oo uu aad ugu kalsoonaa soo-tebintooda wareed ee dunida Islaamka ah.

Maalin annaga oo dhamaantayo wada cashaynayna, iskana warsanayna nolol-maalmeedkaygii ayuu wuxu noo daaray warkii Al Jazeera. Waxa mar keliya indhahaygu qabteen muuqaalka carruur yar-yar iyo hooyooyin barooranaya oo dhismayaashii ay ku jireen gantaalo lagu weeraray dhanka jiidda Qaza.

“Bal eega, maxay dadka masaakiinta ahi galabsadeen ee loo laynayaa?” ayuu si cadho leh noo su’aalay. Kama aan fel-celin. Walaashaydii yarayd ayaa se u jawaabtay oo ku tidhi: “Mar kasta Beriga Dhexe waa iska sidaas!”

Habeenkaas, Abshir ma aanu cashayn. Inta uu is-taagay ayuu maqsinkiisii hurdada iska galay. Annaguna halkii ayaanu ka sii qos-qoslanay oo kolba sheeko cusub isku maaweelinaynay.

Abshir wuxu la soo baxay dabeecad qalafsan oo aanu lahaan jirin. Markii hore wuxu ahaan jiray qof bashaash ah oo weji furan. Bal se intaa wixii ka danbeeyey wuxu isku badalayey qof af-gaaban misana cadho badan.

La Soco

COMMENTS
LINKS