Da.yarta Aqoonta Ku Fiican Oo School U gaar Ah Loo Furray Lagana Soo Xulay Jamuuriyada Djabuuti Oo Dhan Warbixin Arintaasi Ku Saabsan Wariye Ahmed Haykal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Da.yarta Aqoonta Ku Fiican Oo School U gaar Ah Loo Furray Lagana Soo Xulay Jamuuriyada Djabuuti Oo Dhan Warbixin Arintaasi Ku Saabsan Wariye Ahmed Haykal.
January 5, 2018 - Written by Wariye:

jibuuuHargeisa(WJN):- Da.yarta aqoonta ku fiican oo school u gaar ah loo furray  laga soo xulay jamuuriyada jabuuti  oo dhan Sanad dusiyeedkan 2017 _2018 ayay ahayd markii iridaha loo furray iskuulka loogu talagalay Da.yarta aqoonta ku fiican ee haybada  iyo hal.karaanka u leh barashada aqoonta .

 

waxaa laga soo xulay dhamaan gobolada dalkan jabuuti iskuulada ku yaal waxan laga soo xulay dugsiyada hoose iyo dhexe waxaana caruuratani soo martay  sedex imtixaan oo lagu kala saarayay heerka ay aqoontoodu gaadhsii san tahay  iyo siday masqaxdoodu u fur furan tahay

 

haddaba imtixamadaasi waxa looga kala qaaday imtixaan guud ee sanad dussiyeedkii 2016 _2017  waxaa laga xushay aradaydii ugu fiicnayd guud ahaa kadib waxaa la iskugu yeedhay ardaydii iyo waalidkodi oo lagu wargaliyay in caruuratani tahay caruurta ugu wanaagasan dalka xaga waxbarashada .

 

waxa loo sheegay in imtixaan laga qaadi doono ku wii ku guulaysata ay kafaalad qaadi doonto dawlada iyo wasaarada waxbarashada waxaa la qaaday imtixaankii 2aad oo lagu kala baxay kadib waxa la diyaar yay imtixaan 3aad oo ugu dabaytiiya ee ay ku soo bexeen ardaydan ku guulaystayaasha ah wuxuuna caddakoodu ka kooban yahay 500 oo arday oo iskugu jira hoose iyo dhexe

jabuu

hadaba iskuukani wuxuu Lee yahay maamul gaar ah oo hoos yimaada wasiirka waxbarashada waxa kale loo sameeyaya wakhtiyo ka dagan iskoolada kal oo ah in 8:00mp laga soo qaad gur yahooga 9:00mp loo bilaabo duruusta kadib waxay heli doonana 30 miridh  oo wakhti nasasho ah waxay tacaliin maalmeedku u dhamaan doontaa 4.00pm ee galabnimo

 

hadaba waxaa sidoo kale loo toobabaray waalidka ilma ah si uu ula socod wakhti oo uu ilaaliyo ilma waayo hada ilmahani waa ilma helay farsado ay ku hano qaadayso aqoontiisu waxbarasho waxa kale loo u diyaara cuntdiis sidii ilmo jooga gurigoodi iyo goobtii waxbarshada waxaa kale loo sameeyaya dirays u gaar ah halka dugsiyada kale ee jabuuti aanay la hayn waxa dirays u gaara taasina waxay ku tusaysaa siduuu uga dagan yahay iskuukani iskuulada kale

 

hadaba iskuukani wuxuu noqoday iskuulka loogu hadal haystay badan yahay dalka iyo sida loo nidaamiyay hadii loo eeg dhanka ardayda fasalka fadhiisanaysaa waa 18 arday iyo macalinka xiisadiina waxaa loo dhigayaa 1 sacaa waxaa kuu muuqanaysa mihiimadu la siiyaya ardayda iyo siday loogu soo toobabaray macalimiinta wax ka dhigaysa iskuukani ee duruusta bixinaysa

 

iskuulkani wuxuu ku yaalaa duleedka caasimada jamuuriyada jabuuti ee loo yaqaano kiiloomir 12  ama pk12km  waa meel jawigeedu uu wanaagsan yahay wakhtiyada qaboobaha  waa meel banaan oo bilaa buuquna  ku  yar yar yahay sawaxanka gaadiidka marka laga reebo gaadiidka taraaga ee  Ethiopia oo halkaas Mar walow goobta uu ku yaaloo skuukani aad uga dursan tahay wadada gawaadhidu marto iskuulka

Waxaan loo sameeyay ciidamo gaar u ilaaliyo xaruntaasi si ay u sugaan  amniga goobtaasi

 

 

Office Jibouti

Wajaalenews.net

Wariye:Ahmed Xaaji Haykal

COMMENTS
LINKS