Maxamed Saalax Oo Noqday Ciyaaryahanka Ugu Fiican Africa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxamed Saalax Oo Noqday Ciyaaryahanka Ugu Fiican Africa
January 5, 2018 - Written by Reporter:

Weeraryahanka u cayaara kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Africa.

201815636507162204854458saalax

Abaalmarintan oo ay u tartamayeen dhowr ciyaartoy oo afrikaan ah ayaa Aakhirkii waxaa ku guulaystay Maxamed Saalax oo horyaalka England ka dhaliyay 23 gool.

Waxaa sidoo kale tartanka kula jiray Sadio Mane oo ay u wada ciyaaraan kooxda Liverpool iyo rag kale oo caan ah.

Waxaa lambarka sadaxaad galay Pierre-Emerick oo kooxda Borussia Dormund u ciyaara.

Maxamed Saalax ayaa xulka qaranka ee dalkiisa u suurtogaliyay inay u soo gudbaan tartanka koobka aduunka ee dalka Ruushka ka dhacaya sanadkan.

Maxamed Saalax ayaa kooxda Liverpool waxay kasoo iibsatay kooxda Roma ee dalka Talyaaniga.

Dhinaca gabdhaha waxaa ciyaaryahanada ugu fiican loo aqoonsaday Asisat Oshoala oo dalka Nigeria u dhalatay.

Gabadhan ayaa u ciyaarta kooxda Nigeria ka dhisan, waxay dumarka kula dardaarantay inay dariiqeeda raacaan.

Waxaa sidoo kale dadweynaha fursad loo siiyay inay codkooda ka dhiibtaan tartanka abaalmarinta ahaa.

Weeraryahanka dalka Masar u dhashay ayaa sanadkii hore waxay BBC-da u aqoonsatay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika

COMMENTS
LINKS