Hal Inoo Wada Dan ah, Oo Inaga Dhiman!. Qalinkii; Garyaqan Maxamed Xasan Jicsin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hal Inoo Wada Dan ah, Oo Inaga Dhiman!. Qalinkii; Garyaqan Maxamed Xasan Jicsin.
January 6, 2018 - Written by Editor:

Hal Hirgalintiisu hawlaha Xukuumadda taabo-galkooda tolmooni u noqon, halal horumareedna bulshada u noqon. Helitaanka wacyi-gelinta sharci ee bulshadu waa hal horseedi doonta hirgelinta hawlaha xukuumadda hada taagan isla-markaana kor u qaadi doonta horumarka heerka nololeed iyo aqooneed ee bulshada, horumar la taaban karana keeni karta.

Garyaqaan Jicsin

Aan ku horayno dhanka bulshada ee, helitaanka wacyigelinta sharci ee bulshadu waa mid ruux kasta u saamaxaysa inuu garan karo wixii xuquuqaada ee uu u sugay dastuurka iyo shuruucda kale ee wadanku, sidaas si lamid ahna uu ogaado wixii waajibaad ah ee sharcigu saaray.

Qof walba oo hela wacyigelinta sharci, barta xuquuqdkiisa, si lamid ahna garta waajibaadkiisu wuxuu noqon doonaa mid hogaansan oo ilaashada xuquuqaadkiisa, isla-markaana si haboon u guta wajibaadka saaran oo dhowra qawaaniinta dalka utaal kana fogaada khilaafidooda iyo jabintoodaba.

Hadii Aan jaleecno dhanka Xukuumad ahaan, helitaanka bulsho wacyigashan oo gudata dhamaan waajibaadyada saaran oo u hogaansanaada sharciyada iyo waajibaadyada qaran, waa mid qayb laxaad leh ka qaadan doonta hirgelinta hawlaha xukuumada ee hada taagan iyo kuwa soo socda labadaba.

Sidoo kale waxaynu ogsoonahay oo aan sinaba loo hilmaami Karin, in mid kamida mabaadiidi ay ku curatay xukuumada hada talada dalka haysaa uu ahaa saraynta sharciga “ Supremacy of law “, taasi oo iyana hirgelinteedu ay qayb ka noqon doonto helitaanka wacyigelinta sharci ee bulshada.

Guntii, gebagebadii iyo gunaanadka qormadaydan waxaan kusoo af-meerayaa, In helitaanka wacyigelinta sharci ee bulshadu ay tahay mid inoo wada dan ah oo inaga dhiman.

Qalinkii.             Garyaqaan Maxamed Xasan Jicsin.

Email address.   4431510@gmail.com

Tell:                    063-4431510 / 065-4431510

Qormo furan.

 

COMMENTS
LINKS