AKHRISO XARUNTA DALXIISKA EE DJIBOUTI OO SANADKANKII 2017 TIRADII UGU BADNAY U DALXIIS YIMADEEN. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AKHRISO XARUNTA DALXIISKA EE DJIBOUTI OO SANADKANKII 2017 TIRADII UGU BADNAY U DALXIIS YIMADEEN.
January 7, 2018 - Written by Wariye:

wjnDjibouti (WJN):-Xarunta dalxiiska jamuuriyada jabuuti waa haay’ada u shaqaysa dhamaan dal xiisayaasha u kala goosha wadamada ay danaynayaa siddan dalkan jamuuriyada jabuuti.

sidoo kale waxaa jira hay’ado madax banaan oo bixiya adeega dalxiiska sidda hayada coast to coast  iyo qaar kale oo la mid ah hadaba goobaha loo dalxiiso ee ay jabuuti ku caanka tahay ayaa ah goobo leh taariikh iyo astaamo soo jireena ah

goobaha loo dalxiiso ayaa ah goobo ay dawladu dayactirto gacantana ay ku hayso misana lagu kaabo muwadiinta leh xarumah dalxiiska geeya dal xiisayaasha oo iyagana ka qaata kharshaadka lagu dalxiso iyo fiisayaasha dalku galka markay intaa fuliyaan kadib waxaa loo anbabixiyaan goobah loogu dalxiiska badan yahay oo loo yaqaano (Elle moucha ” lack abiy” lack asel” day “sable blant” guobto kharb ).wjnnhadaba goobahaa ayaa ah goobah loogu jecelyahay oo dunidan ka caan ah waxaana ugu caansan jasiirada ell moucha oo loogu badan yahay in la tago laguna soo damaashaado waa goob ay dawladu gacanta ku hayso waxan loo habeeyay si aad u qurux badan oo ku soo jiidanaysa marka loo eeg siduu ale u sameeyay oo aad u qurux badan laguna daray farshaxanimo joogto ah.

 

waxaa halkaa ku yaala hotelo aad loo qalabeeyay oo ay maal gashadiin ganacsato reer jabuuti iyo ajaanib ba leh waa goob ay madaxada iyo safiiradu aad u tagaan wakhtiyada fasaxay todobaad laha ee ay helaan waxaay goobtaasi leedahay ciiddamada u gaar ah iyo kuwa xeebta ilaaliya oo is kaashanayawjnnn

waa goob amaankeeda la dhawray oo si wayn loo ilaaliyay hadaba waxaa xusuus mudan dad intee leeg ayaa u soo dalxii u yimaada sanadkii dalka sanadadii aynu soo dhaaf nay waxaa dalka dalxiis u yimid  2015 kii waxa dalka dalxiis ugu yimid 111.719 qof sanadkii xigay ee 2016 kii waxaa dalka dalxiis ku yimid 118.439 kun oo qof sandkii ugu danbeeyay ee 2017 kii ee dhamaaday waxaa dalka dalxiis kugu yimid 128.920 kun oo qof waxay taasi kuu cadaynaysaa in dalkan dalxiiskiisu aad u fiican yahay marka loo eego baaxada dhulka oo aad u yar

 

 

Wariye:Ahmed Xaaji Haykal

Office Djibouti

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS