Isbarbar-dhiga Safaradii Jabuuti Ee Siilaanyo Iyo Biixi: Sidee Jabuuti Ay U Casuuntay Una Qaabishay madaxweyne Biixi?…W/Q: Maxamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isbarbar-dhiga Safaradii Jabuuti Ee Siilaanyo Iyo Biixi: Sidee Jabuuti Ay U Casuuntay Una Qaabishay madaxweyne Biixi?…W/Q: Maxamed Hagi
January 7, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu shalay safar ugu baxay dalka Jabuuti – in badan oo mucaarid ah, in badan oo kale oo muxaafid ah iyo in dhex yaac ah ayaa siyaabo kala duwan u ga hadashay safarka Madaxweyne Biixi iyo habka maamuus ahaan loo so dhaweeyey. Qormadan yar ee kooban waxa aan ku lafo-guri doonaa sida Madaxweyne Muuse Jabuuti ay u soo dhaweysay iyo heerka maamuus ee la gu qaabbilay (diplomatic scale and the scoping process) ka dibna waxa aan barbardhigi doonaa sidii Madaxweynihii ka horreeye loo casuumay loo na qaabbilay.

 

26730829_2093257370700638_7995013999050317228_n.jpg

Jabuuti oo ah dalka casuumadda fidiyey waxa ay isku dayday in ay iyadu noqoto dalkii ugu horreeyey ee casuumad soo gaadhsiiya Madaxweyne dal mucjiso ah oo aan la aqoonsaneyn oo doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacday. Jabuuti martiqaadka waxa ay u adeegsatay si waafaqsan maamuuska dawliga ah ee dal bixiyo kiisa ugu sarreeya (Standards of Best Practice).

 

Jabuuti waxa ay adeegsatay waxa loo yaqaan ‘’ RSVP’’ oo ah hab-maamuus loo adeegsado qaran aad kuugu qaali ah. Jabuuti safiirkii amma wakiilkii u fadhiyey Somaliland ayey u soo dhiibtay warqad casuumadeed oo ay ku dhan tahay sida loo qaabbilayo Madaxweyne Muuse ‘’Drafting the Invitation’’. Waa markii ugu horreysay ee Somaliland la gu casuumo RSVP intii ay jirtay. Waana arrin ka dhigan in sharafkii ay adduunyada ku lahayd Somaliland uu korniin baaxad leh sameeyey oo dalal badan oo sahli karta in dalal badan oo kale ku daydaan.

 

Wax yaabaha uu mucjisada safarkani ku lahaa waxa ka mid ah in taliyayaal ciidan iyo ilaalo u khaas ah Madaxweyne Biixi ay ku wehelinayeen safarka oo aan hore u dhici jirin (Security Attaché). Jabuuti waxa kale oo ay sameysay waxa loo yaqaan (Set-p Function) oo ah sida loo qaabbilayo waftiga marka ay diyaaradda ka soo degayaan (Arriving of Guests’ Protocol). Waxa kale oo iyana jirtay in Madaxweyne Geelle uu ku sugnaa goobta soo dhaweynta (Arriving at Post) oo ka dhigan heerka ugu sarreeya ee labo Madaxweyne isku soo dhaweeyaan.

 

Waxa waftiga Madaxweyne Biixi loo diray Huteelkii ugu sarreeyey dalka gaar ahaan qaybta Madaxweynaha (Presidential Suite). Ammuurtan waxa ay ka mid tahay maamuuska noociisa ugu sarreeya ee la yidhaa (Responsibility at Post Welcoming). Waana in hab-maamuuskii ugu mudnaa ugu na edaabta badnaa la gu soo dhaweeyey Madaxweyne Biixi (Highest Courtesy).

 

Waxa iyana muuqatay oo in la xuso mudan qaabka salaanta (Being a Guest Greeting) sida safafka dhaadheer loo gu galay soo dhaweynta Madaxweyne Muuse (Receiving Lines) iyo guud ahaan sida aad ka loo ga soo shaqeeyey soo dhaweynta ee ay ka midka ahayd dhigidda roogga cas ee ka bilaabmaya diyaaradda hoosteeda ilaa iyo qolka VIP ee nasashada – habka maamuuska cuntada iyo qadada (Toasting) iyo si wal oo soo dhaweyni ay ahayd ayaa loo qaabbilay Muuse.

 

Qaabbilaadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la kulmay waxa ay sharaf u tahay dhammaan shacabka Somaliland. Haddii Madaxweynahaaga si weyn loo maamuuso waa in muwaadiniintu ay u fahmaan in iyaga iyo qarankooda la weyneeyey. In dhammaan dadku mucaarid iyo muxaafid ay ku farxaan ayey ahayd soo dhaweyntaa oo ka turjumaysay sharafka qaranka ee aan ahayn mid Madaxweyne Muuse gaar u leeyahay.

 

Ugu danbeyn, waxa la ga yaabaa in dad badani ay i ga filayaan in aan isbarbar-dhigo casuumaaddii Jabuuti ee 2010 ee Madaxweyne Siilaanyo iyo casuumadda shalay ee 2018 ee Madaxweyne Biixi; muwaadin labada casuumadood waxa ay ahaayeen labo casuumadood oo si aad u weyn loo qaabbilay labada Madaxweyne. Labada martiqaad waxa ay ku kala duwanaayeen hal shay;

 

Madaxweyne Siilaanyo habka casuumadda loo soo gaadhsiiyey waxa ay ahayd habka loo yaqaan (Making Calls) waana in wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Jabuuti ay soo wacdo Madaxweynaha ka na codsato in uu dalkeeda casuumad ku yimaaddo – marka uu Madaxweynuhu oggolaado ka dib ay sameyso waxa loo yaqaan (Office Calls) oo ah in labada Madaxweyne ay khadka telifoonka ku wadahadlaan. Hab casuumadeedkan waxa loo yaqaan Medium Status. Sababtu waxa ay ahayd in aaney Jabuuti wakhtigaa ku lahayn safaarad Somaliland.

 

Madaxweyne Biixi habka casuumadda loo soo gaadhsiiyey waxa ay ahayd habka loo yaqaan RSVP oo ah habka ugu sarreeya (Highest Status) ee labo dal isku casuumaan – waana in safiirka dalka la casuumayo u fadhiya dalka wax casuumayaa uu waraaq xidhan oo Madaxweynaha casuumadda fidinaya ka timi uu gacanta kaga rido Madaxweynaha la casuumayo – intaa ka dibna uu u sharraxo qaabka ay qaabbilaadda Madaxweynuhu u dhacayso (Order of Proceedings).

 

Dhankaa marka aad ka eegto waxa cad in hab-maamuuska Biixi ka sarreeyey hab-maamuuska Siilaanyo- Laakiin iyana waxa cad in Madaxweyne Geelle uu diyaaradda ku hoos sugayey Madaxweyne Siilaanyo taas oo ka dhigaysa in uu Geelle u qaabbilay Siilaanyo habka loo yaqaan (Finest Presence). Si haddaba aynnu u kala saarno kooda heer sarreeyey waxa aan u dhigayaa sida tan; marka ay noqoto hab-maamuuska loo casuumay waxa aad u sarreeyey Madaxweyne Biixi – marka se ay noqoto hab-maamuuska la gu qaabbilay waxa sarreeyey Madaxweyne Siilaanyo. Ammuurta muujinta calamadu wakhtigan hab- maamuuska siyaasadda ahmiyad weyn ku ma leh. Mahadsanidin.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

 

 

COMMENTS
LINKS